Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hiraalka

Dad aqoon yahanno, wax garad iyo mufikiriin Soomaaliyeed  isugu jira, ayaa wakhti dheer ka fikirayay, sidii xal waara loogu heli lahaa mushkiadda daba dheeraatay, ee Mujtamaca Soomaalida.Dadkaasi waxay isla garteen inay sameeyaan dhaqdhaqaaq ka shaqaya sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadaa, waxyna asaaseen dhaqdhaqaaq ay ugu magac dareen DHAQDHAQAAQA ISBADALDOONKA SOOMAALIYEED (DHIS).

DHIS waa dhaqdhaqaaq fakir iyo wacyi galin, oo waxaanu aaminsanahay in mashaakilka umadda halakeeyay uu ka yimid saboolnimo xagga maskaxda/aqoonta ah oo umadda haleeshay taana ay ka dhalatay wacyi galin la’aan ku dhacday shacabka guud ahaan.