Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mabaadiida

1-Arrimaha Diinta

Soomaalidu waa ummad  Muslim ah, waxaanu islaamku soo gaaray ka hor intii aanu Madiina gaarin. Xilligaa uu soo gaaray laguma qasbin, laguma cadaadin, lagumana colaadin qofka Soomaaliga ahi inuu islaamka soo galo, ee garashadiisa iyo xornimadiisa ayuu ku doortay, taasina waa ta  keentay in Islaamku dureero qofka Soomaaliga ah dhiigiisa, dhuuxiisa  iyo dhakadasiiba duruuf kasta oo uu soo maray, illaa haatan la arkay maangaabyo ka ganacsiga diinta ku mamay oo ku doodaya in dadkaasi cawaan ahaa oo ay haddeer u laqimayaan Shahaado cusub!!.

Haddaba, bal aynu dib u noqonee taariikh ahaan ummadda Soomaaliyeed waxay haysatay mad-habka Caqiidada ee Ashcariga, xagga fiqhigana Shaaficiga, iyada oo xaaladdaa ku jirta ayuu isu furanka dunidu soo kordhiyay in Soomaaliya loo soo dhoofiyo Madaahib cusub. Aragtiyadan cusub waxa laga dheehan karayay qaar kamid ah Dhaq-dhaqaaqyada Islaamiga ah, kuwaas oo qaarkood waddanka keeneen afkaaro ka soo horjeeda hanuunkii haboonaa ee diinta Islaamka, sida inay faafiyaan aragtiyo god dheer ku ridaya, Nabadgalyada, Wada noolaashaha, Xorriyadda qofka, Dimuqraadiyadda, Dawladnimada, Qarannimada, Soomaalinimada, Iskaashiga adduunka iyo Soomaalida, Noolaynta qaanuunka iyo sharciga. Iyaga oo kooxahani ummadda ku harawsanaya in aragtiyahan cusub ee nolosha wiiqaya ee ay wadaani ka fahmeen diinta Islaamka oo xumo oo dhan ka hufan. Harawsi beeneedkaasi wuxuu ina dhaxal siiyay gawraca iyo gaalaysiinta joogtada ah ee shacabkeenna dibad iyo gudaba lagu hayo. Waxa kale oo uu ina gayaysiiyay in halbeeg diineedka qofka lagu eegaa uu noqdo muuqaalkiisa guud sida, dharka, garka, erayo af carbi ah oo xul ah, iyo iwm.

Haddaba, si jaah wareerkaa looga baxo, Dhaqdhaqaaqa  Isbadaldoon wuxuu u taagan yahay, una taagnaan doonaa inuu aqoonta diinta dib u noolayn ku sameeyo, sidoo kale, inuu diyaariyo fahan Islaam oo la falgaliyo waaqica aan ku nool nahay, si xikmadi ku dheehantahayna uga jawaab bixiyo dhibaatooyinkaa loo tiirinayo diinta Islaamka, isla markaana uu dood wanaag la galo kooxaha caadaystay faafinta afkaaraha khaldan ee qarannimada noo diidan. Ummadda Soomaaliyeedna ka qanciyo khatarta afkaarahaas soo galootiga ah, una bayaaniyo inaysan diinta lug ku lahayn. Dhaqdhaqaaqu wuxuu aaminsanyahay in dhibaatooyinka aanu ka dhaxalnay fahan diineedka cusub uu sabab u yahay: Jahliga inaga haysta af’ka carabiga, diinta iyo duugitaankii dhaqankii Islaamka ee soo jireenka ahaa iyo sidoo kale dhagaxawga maskaxeed ee inagu dhacay. Haddaba, si aan u gaarno fahan habboon oo xagga diinta ah Isbadaldoon wuxuu qabaa sidatan:

  • Diinta Islaamka: Waa diinta ummadda Soomaaliyeed, noloshooda/aduunyadooda waxaa haga quraanka kariimka oo ah hanuun Ilaah xagii inooga yimid iyo sooyaalka Nabi Muxammed NNKH, oo isna ahaa, dhaqan galiyihii waxa quraanka ku qoran. Diinta Islaamka waxaa dhamaanteed lagu soo koobaa, waa akhlaaq/dabeecad wanaag. Dabeecadda qofka ayaa lagu gartaa inuu diintiisu hagaagsan tahay iyo inkale. Cibaado faro badan laguma garto qofka in diintiisu hagaagsan tahay, sababtoo ah, cibaadadu Ilaah kaliya ayaa garanayo, isaga kaliya ayaa og qofka cibaado badan iyo qofka kale, laakiin dabeecadu waa shayga kaliya ee uu qofka Muslimiinta la nool uu uga kasban karo, duco iyo in markuu dhinto ay maqraati ka noqdaan, in qofkaasi wanaagsanaa. Rumaynta Islaamka, waxaa ku asqaysan sida ku cad aayadaha Ilaah iyo axaadiista, in qofka muminka ah, uusan quudanin dariskiisa oo gaajaysan, inuusan dhibin Muslim kale, inuu walaalkii la jeclaado waxa naftii la jecelyahay.
  • Islaamka waa abuurtii(fitrada) Ilaah: Diinta ma aha mid cusub, waa diintii aabaheen Adam, waana diimahii Ilaah horaan u soo dajiyay, waxayna waafaqsan tahay abuurta(fitrada) hagaagsan, oo maha mid aad kala kulmayso dhib fahankeeda iyo ku dhaqankeeda labaduba. Qofka Ilaah ku dhaliyay inuu dhibsado, naco, diido, ka dhiidhiyo wax walba oo damiirkiisu aqbalayn waa qof firtadiisu hagaagsan tahay sidoo kalena diintiisu way hufan tahay, dhanka kale, qofkii damiir laawe ah, fitradiisa ayaa halaysan, diintiisuna sida ay fitradiisa u halawday ayay iyaduna u halaysan tahay. Sidaa darted, Islaamka waxuu ina farayaa, wax walba oo aad doonayso inaad ku dhaqaaqdo  inaad ugu horayn waydiiso damiirkaaga, taa oo keenaysa inaad ka badbaadno dhibaatooyin badan.
  • Iimaanka iyo Ammaanka (Nabadda): Erayga Islaam, micnihiisu waa (NABAD), qofkii Rumeeya waxuu dareemayaa/helayaa nabad  xagga qalbiga iyo xagga nolosha labaduba, Sidoo kale, aayadaha Ilaah, waxay isku xirayaan rumaynta Ilaah iyo nabadda. Nabi Ibraahim CS waxa uu ugu duceeyay Makka in Ilaah ka dhigo dhul nabadoon, sidoo kale doodii Nabi Ibrahim la galay Namruud, Ilaah waxuu yidhi (أي الفريقين أحق بالأمن؟), Keebaa labadooda mudan Amni(amaan). Marka rumaynta Ilaah waa nabad ku noolaasho aduunyo, aakhirana waa ka nabad galid cadaab.
  • Islaamka iyo wada-noolaashaha: Islaamka waxaa ka mid ah waxyaabaha uu ku dhaatto wada-noolshaaha, waxuuna xilligiisii ugu horeeyay dhisay maamul ayku wada jiraan dadyaw kala diin ah (Muslimiin iyo Yuhuud)kala luqad ah(Carabi iyo Cibri), kala midab ah (Carab, Yuhuud iyo Xabashi), waxuuna Nabigu qoray Dastuur dhawraya xuquuqaha dadyawgaa kala gadisan. Sidaa darted, inta la hayo taariikhda aadanaha Nabi Muxamad NNKH, waxuu ahaa qofkii u horeeyay ee maamul u dhisa dad sidaa u kala duwan. Muslimiinta waxay ahaayeen dadka u bisil wada-noolaashaha, oo nabiga iyo saxaabada, waxay si haboon ula dhaqmi jireen Yuhuudda, ganacsi ayay la gali jireen, way la saaxiibi jireen. Nabiga NNKH, waxuuba ka tabal-caaraysan/dayman jiray waxuu u baahdo.
  •  Islaamka iyo dawladnimada: Islaamka, wuxuu bogaadiyaa nidaamka, maamul wanaaga, wada jirka, cadaaladda, sinaanta, isxaanka, isu-turista, is-taakulaynta bulshada dhaxdeeda iyo xiriirnta qaraabada. Waxuuna Islaamka inaga reebayaa xad-gudubka, anshaxumida, sad bursiga, nin jeclaysiga, macsiyada iyo iwm. Nolosha maanta dunida aynu ku nool nahay ma suura galin karto, waxyaabaha aan kor ku soo xusnay dawlad la’aan, waayo, dawlad la’aan waa fawdo, diin la’aan, sharaf dhac iyo inaad wayso waxii kuu suura galin lahaa inaad jirto. Waxaa jirto qaacido culimada Islaamka ay dajiyeen, oo odhanaysa ( Waxii waajibka aanan la gaari Karin la’aantii, la imaanshahiisu waajib ayuu noqonayaa), inagoo oo soo xiganayna erayadaa xikmadda leh, ayaanu aaminsanahay in dawlad casri ah, oo aan helno, ay tahay marinkii aanu ku xaqiijin lahayn, ujeedooyinka diinteenna ee islaamka. Ninka maanta, magic diin uga soo horjeesta dawladnimodeenana uu yahay qof meel kale looga yeerayo, ee uusan ka helayn diinta Islaamka wax ku garab-gala caqligiisa gurracan.
  •  Islaam & Soomaalinimo: Islaamka waa diin aad u wayn oo ka dhaxaysa ,1.5 bilyan Muslimiin ah, oo ku nool dunida dacalladeeda. Ummadahaasi waxay  ku kala duwan yihiin, dhaqanka, luqadda, dharka, midabka, waxaana mideeya nimcada Ilaah siiyay ee Islaanimada.  Haddaba, ummadda Soomaaliyeed waxay ka mid tahay ummadahaas iyaga ah ee Islaamka wadaaga, waxayna uga duwan tahay waxii ka soo haray. Sidaa darteed Soomaalidu waxay leeyahiin af’ kooda hooyo oo lagu tiriyo afafka ugu hodansan Afrika, waxay leeyahiin Suugaan ay adduunyada qirtay qiimaheeda, waxay leeyahiin hiddo iyo dhaqan u gaar ah. Sidaa darteed waxaanu aragnaa in kala duwnaashaha  muslimiinta waxii ka soo haray diinta uu yahay mid sida qorraxda oo kale ah oo aan calaacasha lagu dadi karin, isku day kasta oo lagu diimeeyo waxyaabaha qalaad waanu diidanahay sida: “Af -qalaad’  “dhar qalaad’ “Suugaan qalaad iyo hiddo qalaad.
  •  Islaamka iyo Xikmadda: Nabi Muxamad NNKH, waxuu dunida keenay Kitaabka (quraanka) iyo xikmadda oo inaga saacidaysa sidii si haboon loogu fahmi lahaa waxyiga Ilaah. Maanta kitaabkii wuu yaalaa guri kasta iyo qol kasta, waliba jeebabka ayuu inoogu jiraa iyo Mobilada, hase yeeshee, mushkiladdu waxay tahay inay inaga maqan tahay xikmadii inaga caawin lahayd, sidii aan si habboon ugu faa’iidi lahayn hanuunka Ilaah. Waana taas tan uu isku dayi doono Isbadaldoon inuu nooleeyo.
  • Islaamka iyo Siyaasadda: Islaamka waxaa raad-raac u ah Quraanka kariimka ah. Quraankana ma aha kitaab siyaasadeed,  laakiin waxaa hubaal ah inaad ka helayso waxyaabo badan oo siyaasad wanaagga xiriir la leh. Iyada oo ay taasi jirto, haddana Islaamku waa diin ee ma aha siyaasad, Muxammad waa Nabi/Rasuul ee ma ahayn siyaasi/ruug caddaa ah. Dadkii ugu horeeyay ee yiraahda Nabi Muxamad NNKH, waxuu ahaa siyaasi, waxay ahaayeen gaalada/mustashriqiinta iyo kooxaha Islaamka siyaasadeeyay.

“Taloow gaaladu garanay sababta ay Muxammad NNKH ugu fasirayaan guulaha uu gaaray, inay ahaayeen kuwo siyaasadeed- oo waxay u diidanyahiin Nabinimada, ee maxay tahay sababta kooxaha Islaamka siyaasadeeya ay u raacayaan wadada dadka aan rumaysnayn nabi NNKH?????”

  • Islaamka iyo Xorriyadda qofka (dimuqraadiyadda): Xorriyadda waxay ka mid tahay tiirarka uu ku taagan yahay Islaamku, qof lagu qasbo Islaanimadana ma jirto, sidoo kale tiirarka/waajibaadka ay gudanayaan muslimiinta badankood waa doorasho, illaa sakada oo ah xaq masaakiintu ku leeyahiin maal qabeenada moyee. Xorriyadaas ayuu qofku ku mutaysanayaa jahannamo iyo janno, haddii uusan ikhtiyaar jirin dadku waxay la mid noqonayaan xoolaha oo kale, taas oo sababi lahayd aakhiro inay carro noqdaan, marba haddii laga xayuubiyay xorriyadii. Sidaa darted, golahaan, waxuu ka soo horjeedaa, koox/qof walba oo diinta ka dhigta, gole dirqi iyo qasab lagu joogo. Sida kor ku xusan, umadda Soomaaliyeed, diinta kuma qaadanin qasab, ee waxay ka ahayd doorasho, ninka maanta 14 qarni kadib, doonayo inuu qasbo umadaas, waxaan u aragnaa, inuu dhaawac u gaysanayo diinta Isla markaana ka bixinayo sawir khaldan, uuna dad badan oo caama ah, ka shakki galinayo dabacsanaanta diinta Islaamka.
  • Islaamka iyo taariikhda: Islaamka wuxuu leeyahay taariikh hodan ah, barashadeedana waxay inaga saacidaysaa inaan ka bogsano qaladaad badan oo ina haysta. Saddon kii sano ee ugu danbeeyay Soomaaliya waxaa is badalay,qaabkii aan diinta u haysanay, waxaana badalay culimadii hore, kuwo kale oo sitta fahan cusub, taariikh cusub, caqiido cusub, waana tan maanta ina dhaxashiisay xaaladda khaasada ah ee aan dhax fadhino diin ahaan. Hadaba inaga oo soo xiganayna taariikhda Islaamka, waxaan qodobkaan ku qeexi doonaa dhawr  waxyaabood, oo Soomaalida lagu wareeriyay, eray bixinna aan ku sameeyno: Quraan, Shareeco, Iimaan iyo Caqiido.

I.            Quraanku: waa isha koobaad ee diinta Islaamku ka soo burqato. Waa hage inaga soo gaaray Ilaahii ina abuuray, waa kitaab ka weyn inuu yahay maado/cilmi gooni ah, waxaadna ka helaysaa hanuun, ruux iyo caafimaad, waxuuna kuu ifinayaa wadada nolosha, hadii aad si hagaagsan u fahanto. Haddaba, Quraanku ma aha maado gooni ah, sida, kitaab Saynis, Qaanuun, Dastuur, Falsafad, Siyaasad iyo wixii la mida.  Haddii intaa mid ka mida laga dhigana, waxaa hoos u dhacayo qiimahiisii, sidoo kale hadii intaa oo dhan laga dhigana, wuxuu keenayaa jahwareer, sida maanta ka muuqato fahanka  Islaamka ee Soomaaliya ka jira.

II.            Shareecadu: waxay leedahay labo qeexitaan:  mid waa in diinta dhan shareeco tahay, oo uusan jirin farqi u dhaxeeya shareecada iyo Islaamka, midna waa in shareecadu tahay: Axkaamta nolosha la xiriirta ee quraanka ku jira, waana aayado aanan badnayn oo ku kala firirsan quraanka dhamaantii, gaar ahaan kan ku soo dagay tuuladii Madiina.

III.   Iimaan iyo Caqiido: Waa labo eray oo ay dadka badankii u haystaan kuwo isku mid ah, laakiin markii dib loo raad-raaco nusuusta diinta iyo taariikhda Islaamka, ay inoo muuqanayso inay aad u kala duwan yahiin,

1. Iimaanka: Iimaanka waa lix tiir iyo laamahiisa, waxay si cad ugu xusan yahiin Quraanka iyo axaadiista, qof kasta oo muslim ahna waa inuu aamiinaa, oo sidaa ayaan muminiin ku wada nahay.

2.  Caqiidada: waa eray soo if baxay xilligii ay muslimiinta siyaabo kala duwan ay u fasireen una fahmeen qaybahii Iimaanka ee lagu xusay quraanka. Markaa ayaa waxaa bilaabatay in la arko sheekh qora aragtidiisa ku aadan Iimaanka, uuna yiraahdo: tani waa caqiidayda iyo sida aan u fahmay Iimaanka. haaddii aan si kale u dhigno, Caqiidadu waa aragti qofeed oo ku aaddan qaabka uu iimaanka u arko ama u dhaqan galinayo.  Iimaankuse waa kan ku xusan quraanka ee ay tahay in qofka muslimka ah rumeeyo. Muslimiinta waxay leeyahiin hal Iimaan, waxayse ku kala duwan yahiin caqiidada, oo qof walba waxuu raacaa sheekha uu u arko, inuu saxan yahay, sida inuu noqdo ashcari, wahaabi, dhaxaawi, maaturiidi. Maanta waxaad arkaysaa, in jaah wareerka ka yimid labadaa eray ay ina dhaxa shiisay, in qofkii arko qof ka caqiido duwan uu gaaleeyo, Tusaale, in Wahaabiga gaaleeyo Ashcariga. Isbadaldoon, waxuu gara-waaqsaday dhibka ka yimid fahan xumadaa, waxuuna ugu yeerayaa Soomaalida walaalaha ah, inay sidaa u kala ogaadaan labadaa eray, isla markaana isu yeeshaan dulqaad iyo is-aqbalaad, ogaadaanna in qaabka isagu uu wax u fahmay, inaysan dadka dhan u fahmi Karin, taana waa xikmadda Ilaah, oo ma jiro sawir u ah qof kale.

  • Diintu (Dacwo ama Naseexo): Soomaalida waxay ka mid tahay dhawr dawladood oo islaanimadoodu tahay 100%. Sidaa darteed, ma jirto wax dacwo la dhaho oo la gaarsiiyo dad muslimiin ah, sababtoo ah dacwada waxaa la gaarsiiyaa gaalada, Soomaalida oo ah ummad islaam ah, waxa u dhaxeeyo, waa naseexo iyo in wanaaga la is xasuusiyo, la isku baraarujiyo, la isa saxo. Isku qaska labadan eray waxaa ka dhashay in dadka qaar ay dhahaan Soomaalida ayaan dacwo gaarsiinaynaa,  kadibna kii ka diido aragtidooda iyo caqiidadooda ay gaalaysiiyaan, banaystaan dhiigiisa, hantidiisa iyo sharaftiisaba. Isbadaldoon waxuu aaminsanyahay inuusan jirin qof muslim ah oo ka weyn in wax loo sheego/naseexeeyo. Culimadu waxay u naseexaynayaan caamada, caamada waxay u naseexaynayaan culimadu. Dhallinta waxay u naseexanayaan waayeelka, waayeelka waxay naseexanayaan dhallinta. Oo qofwalba waxa uu ku dhaamo kan kale ayuu u sheegayaa, ama waxa ka khaladan ayuu ku baraarujinayaa. Mana jiro Islaamka qof ka weyn in wax loo sheego, mana jiro qof kaligii ay tahay inuu wax dadka u sheego. Naseexada sidaa ayay uga duwan tahay Dacwada. “Naseexadu waa wax is waydaarsi, laakiin Dacwadu waa hal dhinac”.