Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Metaphysics!!!

Waa qeyb kamid ah falsafadda, waana udub dhaxaadka doodaha ugu badan ee ay galaan falasuufyada, inta badan waxa ay diiradda saartaa oo ay ka hadashaa ahaanshaha, jiritaanka, dhabta iyo waxa lamidka ah.

Waxa ay ka hadashaa sidoo kale sida magaceeda ka muuqata waxa ka dambeeya dabeecada (Beyond the Nature) oo kownka, jiritaankiisa, wakhtiga uu jiro, waxa ka dambeeya ahaanshiyahiisa, cidda sameysay, sida uu ku sameysmi karo, inta uu jiri karo iyo inta uu haddaba jiro, iyo wayddiimo kale, waa waxyaabaha gundhigga u ah maaddadan.

Laba qeybsin oo waa wayn ayeey leedahay maaddadan Metaphysics, waana Cosmology iyo Ontology.

Waa maxay Cosmology?

Asal ahaan waxaa laga soo miinguuriyay labada erey ee Gariigga ah “κόσμος” , kosmos oo u dhigma “kawn” and -λογία, -logia oo isna ah “barasho, dhigasho iyo baaris” waxa ay ka hadashaa oo gundhig u ah, asalka iyo halka uu ka yimid kownka, taddawurka iyo dhammaan waxyaabaha quseeya kownka (Universe).

Thomas Blount oo ahaa cirbixiye iyo filasuuf Ingiriis ah ayaa markii ugu horreysay sannadkii 1656-kii ku isticmaalay ereygan buuggiisii Glossographia, halka xilli dhexe oo qarnigii kuxigay kuna beegneyd 1731-kii uu isticmaalay caalimkii Jarmalka ahaa ee Christian Wolff, buuggiisii Cosmologia Generalis.

Ontology maxay ahayd?

Laba erey oo isla asal Yuunaan (Garriig) ah ayeey ka kooban tahay, ha yeeshee duluucda ay ka hadasho maaddadan waa jiritaanka, dhabta, ahaanshaha iyo waxa lamidka ah; inta badan se waxa ay is wayddiisaa su’aalo aad u tiro badan, oo ay kamid tahay, “waa maxay jiritaan?” ama la dhihi karaa waa jiritaan? Ma isku waafaqsannahay jiritaanka? Iyo waxa lamidka ah.

Markii ugu horreysay ee magacan Latiin ahaan loo maqlo waxaa lagu dhex arkay shaqadii (Buuggii) Ogdoas Scholastica ee uu lahaa filasuufkii Jarmalka ahaa ee Jacob Lorhard sannadkii 1606, wixii intaas ka dambeeyay wuxuu ahaa erey iska caan ah, halka maaddadanna ay hormar dhan kasta ah sameynaysa, waxaa se xusid mudan in Jarmalku ahaa saldhigga iyo bu’da maaddadan iyo kuwa lamidka ah ee Falsafadda u badan.

Haddii aan usoo noqonno maaddada Metaphysics, waa wada su’aal, qofka ku dhiirro gelineysa in uu wax kasta su’aal iska wayddiiyo, illaa laga helo xaqiiq iyo dhab dhammeystiran, caqliga ayeey ka sarreysiineysaa wax kasta, intaas waxaa dheer in ay dhiiro geliso fekerka xorta ah iyo in aan qofku ka shidaal qaadan qof kale, mar walbana uu isaga is ahaado.

Inta badan su’aalaha maaddada waxa ay ku jaango’an yihiin ama ay ku imaadaan “Why” “Sabab”; baaritaannada iyo daba-gallada Metaphysics ka ay sameyso waxa ay ku bays gareysan yihiin sheyga iyo jiritaankiisa, masaafada, wakhtiga, sababta iyo saameynta.
Mararka qaar seynisyahannada ayaa ku raadiya jiritaanka rabbi, iyagoo isticmaalaya oo ku dabbaqaya maaddada Fiisikiska (Physics).

Xeeldheerrayaasha ugu caansan ee maaddadan, kuna jilba murxay waxaa kamid ahaa, Aristotle, Albert Einestain, Jacob Lorhard, Emanuel Kante, iyo kuwa kale oo casriyo iyo maalmo kala duwan noolaa.

Buugaagta ugu caansan maaddadan waxaa kamid ah:- Meditations on First Philosophy, oo la daabacay sannadkii 1641-kii, Real Time 2 oo uu qoray Hugh Mellor, A brief History of Time oo uu alifay Stephan Howking, the Plurality of Worlds ee uu iska leeyahay David Kellogg Lewis iyo buugaag kale oo caan ka ah majaalkan, kuwaas oo tix raac u noqon kara cid kasta oo daneenneysa maaddadan in ay wax badan ka akhriso.

Qalinka: Cabdiwahab Axmed Cali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *