Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bahal Bare ah “Adna Jirka, Anna Lafaha

Salaadda Casar markii laga soo baxay ayaanu illinka hore ee Dugsiga isa soo tuuminnay. Isaga ayaanu sugaynaa oo albaabka furihiisa haya. Mar walba oo uu xoogaa soo yara daaho dareen farxadeed ayaa na gala. Maqnaashihiisuna maalin ciideed ayay noo tahay. Saanu Illinka u taagannahay ayuu isaga oo taabacaya ka soo muuqdaa waddada dheer ee dugsiga hor marta. Cimaamaddii guduudnayd ee uu caanka ku ahaa ayaa garabka uga lulata. Macawistu ruugagga hoostiisa ayay u joogtaa. Shaati dheer oo halaf halaf ah ayuu qabaa. Shaabuug ayuu gacanta bidix ku wataa oo ku xarragoonayaa.

Gacanta midigna Rumay dheer ayuu ku sitaa oo marba ilkaha ku camcaminaya. Isagoo hadba Candhuufo sayrinaya ayuu albaabkii Dugsiga soo gaaray. Sidii ari waraabe soo dhex galay ayaanu u kala didnay oo midba gees u durkay. Cadayga intuu jeebka kore ee shaatiga ku dhex tuuray, shaabuuggana garabka gadaashiisa ku taraarixiyay ayuu qafulka furha ku muday oo halmar fag ka siiyay. “Alla maantay dhiig baa ii dhadhamaya” Salaantiisa afeed ee uu ardayda soo dhex dhigo waa ereygaas. Ta gacameedna waa Ul dhabarka laysga dhejinayo. Dhib naguma hayso xabbaddaa usha ahi. Dhabarkayagu waa la qabsaday.

Albaabka markuu ballaqay ayuu dhinac ka istaagay. Ardaygii gudaha galaba ul buu ku dharbaaxaa oo  dhabarka kaga sii dhuftaa.  Kii usha ka gabbada oo is gaabiya goonni baa loo saarayaa, oo Gamta laga gurayaa. Arday walba isaga oo is giijinaya ayuu albaabka horay usii galaa, goortay ushu ku dhacdana isa sii garaangariyaa. Galabtay aniga xabaddan usha ah raalli baan ku ahay, oo waa ii raaxo. Xanuunkeedu waxba igama dhigna. Xisaab kaloo gaar ah ayaa ii taal.  Hooyo iyo macallinka ayaa saakay suuqa isku arkay. Salaan ka dib, xog badan oo aniga igu saabsan ayaa la kala qaatay. Afka ayaa jug la isku siiyay oo wada hadalkii lagu jaangooyay. “Macallin Jirkiisa ayaad leedahay, aniguna lafahiisa.” Walaalkay iga yar oo goobtii laygu heshiiyay joogay ayaa duhurkii markay ahayd xogta ila wadaagay.  Qafulka Dugsiga oo qori ku jufaysan yahay ama Dugsiga laftarkiisa oo Dhulkaba ka qaadan inaan galabtay u imaadoo indhahayguna qabtaan, waxay ii ahayd waxa ugu wayn ee aan naawilayay, qalbigayguna ku nagaadi lahaa. Macallinka oo mawdkiisa laysoo sheegana wayba iiga sii farxad badnaan lahayd.

Weli waxaanu qof qof ugu sii qulqulaynaa Dugsiga. Markuu ani Muuqayga aniga ayuu dhoollacaddeeyay. Dhoollacaddayn ka xanuun kulul usha igu dhici doonta ayuu I tusay. Sidii libaax miciya lisanaya ayuu miciyihiisa illaa gawsaha danbe ii muujiayay. Gadaal uma hakan. Isma dhejin oo isma giijin. Aniga oo ismuquuninaya ayaan sidii Miskiin aan xoog iyo xeelad toonna lahayn horay ugu soo dhaqaaqay dhinaca albaabka. Isaga oo isqaniinaya carrabka caaraddiisa horena bannaanka taallo, ayuu gacanta I qabtay oo isoo dhuftay. Xoog intuu isu kala jiiday ayuu Surka illaa dhabarka shaabuuggii igaga dhejiyay. “Dhush” ayaa ka yeeraysay ushii ku dhacday ardaydii iga horraysay, anigase “Dhabaaaac” ayuu dhawqeedu ahaa. Iyada oo labo-dhacaysa ayaan shadhqanteeda ka maqlayay qolalka Dugsiga. Dharka aan qabo in ay ka dhex baxdoo dhuuxayga u gudubto wax yar bay ku sigatay.  “Warkaaga waan hayaa Dibjir yahow” Ereygaas ayaa usha iigu xigtay. Aniga oo is xoqaya oo is xagxaganaya ayaan qolka horay u sii galay.

Ardaydu way i wada fiirinayaan. Qaar usha igu dhacday awgeed indhaha ayay iiga tacsiyaynayaan, qaarna farxad baa ka muuqatoo waxay dareemeen in maantay aniga lay ciil qabo oo karbaashka macallinku aniga ii kiraysan yahay, oo uusan cid kale wakhti u helaynin. Boos yaroo gees ah ayaan ciriirsaday oo kitaabkayga jaldigu ka jeexan yahay tartiib ula soo kala baxay. Weli isagu illinka hore ayuu taagan yahay oo ardaydii ayuu ul ku hurgufayaa. Masoo xaroodo illaa uu soo xanuujiyo ardayga ugu danbeeya.Ardaydii markay soo wada gashay ayuu Isaga oo shaabuugii warfinaya, gafuurkana kor u taagaya gudaha noogu soo galay. Shib ayaa la wada yiri oo aamus la wada galay. Afka ayuu kala qabtay oo si caro leh kor ugu qayliyay “Haye maxaa loo aamusan yahay?” Markaasaa sidii raadiyo halmar codkiisa kor loo dallacay, dugsigii oo dhami qabsaday wax loo kala garan waayay Qaylo iyo quraan akhris. Kitaabku ani waa ii kala furan yahay, isaga ayaanse sidii bahalkii isgaa dhowrayaa. “Tolow goormuu kuu yeeri doonaa ama dhinacaaga soo aadi doonaa?” ayay Naftaydu I leedahay.

Qolka gabdhaha ayuu gudaha usii galay. Dhawaqii dheeraa iyo quraan akhriskii qolkayaga ka baxayay ayaa hoos u yara degay. Hal mar baa Dhegahayagu waxay maqleen Jug iyo jaqiiqqiiqiiiq. Waxa laga jaqiiqsiinayo waa Sanduukhii yaraa ee jeedalku ku jiray. Dhinacyadiisa ayaa isku dheggan. Silic iyo saxariir ayuu macallinku ku furaa maalinkuu sanduukhaas u baahdo. Mar walba se looma baahdo. Xilliguu karbaash jiroo kawaanka cidi saaran tahay uun buu lasoo baxaa. Waxaad u malaynaysaa inuu sanduukhaasi dagaal ku jiroo diidan yahayba in uu furmo, baqdin uu ardayda uga baqayo in jeedal lagu karbaashoo korkooda la murxiyo.

Waa marka uu i galo dareen ah, in Agabku mararka qaar ka naxariis badan yahay aadanaha qaybtood. Sanduukhaasi hadduu awoodo inuusan furmin wuu samayn lahaa. Albaabka u dhexeeya qolkayaga iyo ka hablaha ayay ardaydu kuwada dhegagsan yihiin. Anigu waan ogahay inaan ahay qofka jeedalkaas loosoo wato. Awooddii ayaa layga siibay. Carar haddaan karo, cagahaan wax ka dayi lahaa. Fadhiga ayaan ku qallalay. Jeedalkii isagoo jiidanaya ayuu qolkayaga kusoo laabtay. Kursigiisii ayuu ku fariistay. Waxaa la galay Cashar meeris iyo Quraan ka bixid. Hadba arday ayaa dhankiisa u dhaqaaqa oo casharka uga soo baxa. Faarax ayaa dhinaciisa midig fadhiya oo ardeyda qaarkood ka dhegaysanaya casharka.Magacayga oo lagu dhawaaqayo ayay dhegahaygu halmar maqleen. “Cawaale..?”
Intaan isku naxay ayaan dhugtay, oo cod yaroo cabsi ku jirto ku iri “Haa macallin?”“Warkaaga waan hayaa. Fiid wareeg iyo Filin daawasho ayaad ka bixi la’dahay. Inaadan kitaab kala furin waa lay sheegay. Hal Xaraf hadduu maantay kugu dhego, dhabarkaad roganaysaa” Ayuu igu yiri.Hadde, war ma leh. Madaxa ayaan hoos u rogtay. Miyir aan wax ku akhriyo ma joogo. Intii aan soo xifdiyayna maankayga way ka masaxmatay cabsi awgeed.Cabbaar ka dib ayuu ii yeeray. Aniga oo tallaabo gaabsanaya ayaan hor imid. Casharkii shalay galab iyo dorraad laygu ceshay ayaan galabtay ka baxayaa. Intaan dugsiga iman wuu ii fududaa. Danbiga ugu waynee la ii haysto waa damiinnimdayda iyo darsigan laygu celinayo inta badan. Ardaydu meesha ay galab walba casharkooda ka baxaan, aniga labo galbood markuu igu dhego, ta saddexaad ayaan ka baxaa. Subcis warkiisaba daa. Aayad ma qaato, oo Arbacadii u danbaysay waaba layga eryay.

Hortiisa ayaan soo fariistay. Kitaabkii ayaan isku laabay oo ka bixiddii billaabay. “Iqtarabati-saacatu wan-shaqal-Qamar” Suuradda haddaan billaabayba. Ku Joogsiga aayaddan iyo jeedalku waa wada socdeen. “Bisinka ku billaw belayahay gafuurka xun” ayaa jeedalka iigu xigtay. Anigoo is cuncunaya ayaan casharkii dib usoo billaabay oo Bisinka ku furfurtay. Dhaqaajin waayay oo laba aayadood ka badan dhaafin waayay.“Jooji waryaa. Waxba ma aadan soo akhrin damiin yahaow madax buurka ah” ayuu i yiri. Sidaas iguma dayn ee intuu i kor joogsaday ayuu sidii joodari boor laga jafayo jirkaygoo idil jeedal ku rogay oo ku rogay. Meel gees ah oo aysan ardaydu fariisan ayuu i istaajiyay. Labada Gacmood ayuu iga xiray oo indhaha ii duubay. Cabaadkayga bannaanka ayaa laga maqlayaa. Illin ayaa sidii daadkii daamankayga qubanaysa. Tuugid ayaan billaabay “Alla macallinow waa ku baryayaa. Wallaahay waan ka soo baxayaa. Waa ku baryayaa macallinow, Bes iga dheh. Waa ku baryayaa. Wallahay maalin danbe igu dhegi maayo.” Calaacal iyo cataw ayaan gurayaa. Dhegahiisu ma maqlaan waxaas. Dhagool ayaad mooddaa. Darbiga ayaan miciin baday oo isku dhejiyay. Intuu isoo dhufto ayuu horay iisoo tuuraa. Aniga oo galgalanayoo is rogrogaya ayaan ardayda soo dhex galay. Waa layga wada durkay oo mid walba dhinac iiga diday. Dhiig iyo dhidid ayaa jidhkayga ka qubanaya. Ilmaduna waa ii dheertahay.

Miyir waxaa iigu danbaysay marka uu jeedal kulul isku dheririyay dhex bartamaha madaxayga illaa dhabarka. Waxaa miyir iigu xigtay xilli habeennimo ah iyo anoo laygu xuunsan yahay oo xaafaddeyda yaalla, dhinacyadana layga kala fadhiyo. Indhahayga markay aabbahay qabteen ayaa ilmo labada daan isoo dareertay. Adeerkay Cusmaan oo wejigiisa caro iyo ciil ka muuqdo ayaa i kor taagan. Hadba dhinac ayuu marada iiga faydayaa “Warfaa ninka aynu soo xirno. Wiilkan ma noola. Bal dhugo korkiisu siduu nabarro ku yahay” ayuu aabbahay ku leeyahay. Waxaa I hor taagan hooyadey oo ay wajigeeda ka muuqato in ay ka shallaynayso heshiiskii jir dilka ahaa ee ay macallinka la gashay. “Miyaan malaynayay inuu macallinku sidaas wax u galayo” aabbe ereyga (Macallin) markuu maqlayba, intuu carooday ayuu hooyo ku yiri “Waar waxani Bare maahee waa Bahal. Tani dhacday, ee dib danbuusan ugu laaban doonin booraantaas bahlo galeenta ah.”

Xanaaqii i hayay iyo xanuunkii uu jirkaygu dareemayayba, waxaan ku hilmaamay bishaaradaas qurxoonee aabbe afkiisa kasoo baxday. Boogihii maalinkaas jirkayga ku dhigmay weli way ku sawiran yihiin. Qalbigayga iyo quraankana maalinkaas ayaa lakala siibay. Dusi-quraan danbe layma geyn. Dugsigayga dhexe/sare uun baan ku eekaaday, illaa aan waxbarashadayda dugsi sare ka baxay. Ardaydii ila midka ahayd sidaas oo kale ayay iyana maalinba maalinka ka danbaysa uga go’doomayeen barahaas iyo booraantiisa. Go’aanku iyaga haka soo go’o ama waalidiintoodu ha u hiiliyaan. Qaarkood dugsiyo kale ayay galeen. Qaarna sidaydoo kale ayay barashada quraankaba uga haajireen.

Qore: Cabdifataax Daahir Cilmi