Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa u dhexeeya Miilaadiga iyo Hijriga?

Cabdalle Aw-xasan

Taariikhda Miilaadigee la joogo 2018 waxaa la galiyay hadallo badan sida ma la xusi karaa?, ma sannad gaalaa? iwm. Mar waa sannad dadka oo dhami tirsado, marna waa dhacdo taariikhi ah oo dhalashadii nebi Ciise astaan looga dhigay, waana labo arrin oo aad u kala fog loona baahan yahay inaan la isku qaldin.

Waxaa jira fikrad ay dad badani qabaan oo ah in la moodo in dayaxu yahay bil islaam, qorrax tirsiguna yahay bil gaalo, laakiin waxaa xusid mudan in dayaxa iyo qoraxduba yihiin laba waqti oo labadaba Quraanka lagu xusay, aduunkuna ku shaqeeyo sida alle yiri; “alle waa kii ka yeelay qorraxda ilays, dayaxana nuur, kana yeelay mid habeenba meel dega, si aad u ogaataan sanooyinka tiradooda iyo xisaabta/هو الذي جعل الشمس ضياء والقمر نورا وقدّره منازل لتعلموا عدد سنين والحساب”, 5: Yuunis.

Qorraxdu waxay xaddidaa habeenka iyo maalinta, dayaxuna bisha iyo isbuuca, xilliyada roobkuna waxay xiddidaan tirada bilaha sannadka oo ah labo iyo toban bil, maxaa yeelay waa afar xilli oo min seddex bil ah, waana sida Alle yiri; “bilaha tiradoodu Alle agtiisa waa 12bil/إن عدة الشهور عند الله اثنا عشر شهرا”, 36: Al-tawba.

Waxaa kale oo xusid mudan in xilliyada afarta ahi ku shaqeeyaan qorraxda, taas oo caddayn u ah in sannadka qorraxda ku socda uu uga muhiimsan yahay dadka wax qora kan dayaxa ku socda, waana sababta qorraxda looga hormariyey dayaxa in kasta oo mid waliba faa’iidooyin gaarka ah leeyahay.

Sannadka qorraxda waxaa lagu xaddidi karaa in laga bilaabo mid ka mida xilliyada afarta ah, in wadamada qaarkood isku dayeen in la bilaabo lana xadidana waxay ahayd baahi jirta oo caalamka dhan u baahnaa, midka ay reer yurubku ku dhaqmeen ee dhalashada nebi ciise laga soo bilaabay ayaana noqday kan nasiibka u helay in caalamku isku waafaqo.

Taariikhaha in laga bilaabo waqti ay dhacday dhacdo muhiima sida dhalashadii nebi Ciise ama Hijradii saxaabada waxay faa’iidaysaa in dhacdadaas la xafido iyo in taariikhda dhacdadaas ka horraysey la isticmaali karo sida in la yiraahdo 100sano ciise ka hor ama 10sano hijriyada ka hor, maalin qof dhashay iyo maalin meel laga baxayna waxay ku kala duwan tahay ma jirto, taas oo ka dhigan in taariikhda Miilaadiga laga bilaabay dhalashada nebi ciise inayna wax nuqsaan ah u keenayn.

Labada taariikhna waxay ku kala duwan yihiin in tan Hijriyada sannadka oo keliya la xuso, meesha tan Miilaadiga nebi Ciise iyo sannadka labadaba la xuso, laakiin xuska sannadka waxaa lagu beegay sannadka bilawgiisa, xuska nebi Ciisana sannadka dhammaadkiisa laakiin in labada waqti isku dhow yihiin ayaa dadka qaarkii u malayn karaan inay hal waqti isku yihiin.

Tan nebi Ciise (cs) waxaa xusa intii xiisaynaysa, tan sanadkana caalamka oo dhan ayaa xusa, sidaa darteed waxay la mid tahay xuska Hijriyada, taas oo ka dhigan in haddi ay bannaan tahay in taariikhda Hijriga xaflad loo dhigo, maalin fasaxana laga dhigo inay bannaan tahay in tan Miilaadigana sidaas la yeeli karo, weliba waxaa xusid mudan in miilaadigu tahay taariikh caalami ah meesha ay hijriyadu ku kooban tahay wadamo gaara.

Nebi Ciise (cs) iyo nebi Maxamed csw waa laba nebi oo aan waxba ku kala duwanayn, weliba muslimiintu labadaba way rumaysan yihiin, taasoo ka dhigan hadi ay bannaan tahay in nebi maxamed csw la xuso inay nebi ciisana cs bannaan tahay in la xuso.

In wax la xuso macnaheedu waa in dhacdo la xasuusto, waxayna dadka xusuusisaa wixi ay dhib iyo dheef dhacdadaasi xambaarsanayd, taasoo ka dhigan in hadi ay dhib ahaydna la is xasuusiyo si looga gaashaanto, haday wanaag ahaydna la is xasuusiyo si wanaagaasi u sii socdo.

Nebiyadu waxay xambaarsan yahiin dhacdo muhiima oo ah inay dadka soo gaarsiiyeen cilmigii alle ku soo dejiyey, sidaa darteed xuskooda waxay dadku ka faa’iidayaan in waxyigaas wax laga ogaado iyo in la ogaado farqiga u dhaxeeya kutubaha lagu soo dejiyey.

Kutubaha nebiyada lagu soo dejiyey hal kitaab bay xisaaban yihiin marka laga eego xagga qaanuunka oo ah cilmi aan is bedelin iyo macluumaadka kale ee muhiimka ah sida in hal ilaah jiro, in malaa’ik iyo jinni jiraan, inay jiraan toddoba cir iyo toddoba dhul iyo xidigo, in cirka iyo dhulka lagu abuuray toddoba beri, nolol danbe inay jirto iwm.

In nebi Ciise (cs) la soo diray nebi Muuse ka dibna waxay calaamad u tahay in kitaabki nebi Muuse wax iska bedeleen, sidoo kale in nebi Maxamed csw la soo diray waxay calaamad u tahay in kitaabkii nebi Ciise wax iska bedeleen markii lagu tarjumay luqado kala duwan oo aan ahayn luqadii lagu soo dejiyey, inaan afar iyo toban qarni wax kitaaba oo quraanka ka danbeeya ayna soo deginna waxay calaamad u tahay inaan quraanku is bedelin, taasoo sahlaysa in la sixi karo wixi diin ah ee ka qaldamay umadihii hore iyo islaamkaba.

Waxaan Alle ka rajaynaynaa inuu sannadkan nooga dhigo mid ka khayr badan kii ka horreeyey, qof walbana in Alle u sahlo wixii khayra ee uu rajaynayo.

“Hambalyo qaarabo, asxaab, Soomaali iyo qof kasta oo aduunka ku nool”.

Cabdalla Aw Xassan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *