Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhaqanka Kaaboy-ga iyo Soomaalida (Xiriir)

Yaraantaydii waxaan daawan jiray filimaanta Hindida oo aan aad u jeclaa qiimaha nololeed iyo dhaqanka naxariista ku sidkan ee ku dheehan. Maadaama aysan jirijirin dhalooyinka guryaha maanta daadsan, waxaa dhici jirtay inaan lacag ku bixiyo daawashada Hindiga. Waxaan ka hadlayo waa carruurnimadii iyo xilligii ay dowladdii hore ee Militeriga xoogga lahayd, kana talin jirtay gayiga Soomaaliyeed.

Burburkii dowladnimo iyo dagaalkii sukeeye ee xigay waxay iga dhigeen qof kale. Waxaa is beddelay dhadhankaygii, dareenkaygii iyo sida aan nolosha u arki jiray. Ka sokow da’da iyo koritaanka jir iyo maskax ee naftayda ku dhacay, iyaduna waxaa jirtay xaalado iyo dhadhanno ay sabab u ahaayeen dagaalka sokeeye, dhaqankii Mooryaanta iyo dhacii iyo boobkii ku baahay dalka.

Bartamaheedii 1990-dii ayaan markale fursad u helay inaan daawan karo filimaan. Waxaan soo qaaday filimaantii aan ugu jeclaa ee hindiga ahaa, mise dhadhan ii maleh! Filin kasta oo laga daba dhacay oo i soo gaaro waan tuuraa aniga oo aan 5 daqiiqo daawan. Waxaan ogaaday in dareenkaygu wax weyn ka khaldamay balse qiyaasi kari waayay halka ay sartu ka quruntay. Dhowr sano kadib ayaan Yurub imid waxaana dib u arkay filimaantii ay Soomaalida u yaqaanneen Kaaboy-ga, odayaashana ka heli jireen oo ka soo gala Taleefishinnada habeenkii saacadaha danbe ee ay dadka badankii seexdaan. Malaha odayaasha oo aan seexan baa loogu talo galay!!

Kaaboyga waa atoore taagtay oo uu suranyahay baal, waxa uu noqon karaa Moryaan ama Xaqu-dagaal-si kasta oo ay ahaataba-ninkaa calankiisa baa babbanaya inta filanka socdo, waxuu noqdaa fartii dheeratay, maarana loo waayaa. Waxaa ka soo horraysa Baaruudda iyo bunduq dheerna wuu sitaa.

Waxaan is arkay- si ka fiirsasho la’aan-aniga oo ba ku tixmay casharkan filimka Kaaboyga.

Waxa ugu horreeyay oo aan iswaydiiyay waxay ahayd, maxay Kaaboyga fiirsashadiisa ugu badnaayeen odayaasha? Waxaa ii soo baxday inuu ka tarjumayay qaab nololeed ay yaqaanneen ayna fahmayeen, una qabeen hilow. Waa qaabkii dhaca, dilka, colaadda iyo weerar isku ekaynta.

Waxaa kale oo aan iswaydiiyay sababta filmkii hindiga iigu dhadhami waayay oo isku dookh naga dhigtay odayaashii hore? Waxaanse ogaaday waqti kadib, in noloshii magaalada ee nabadda ahayd iyo dowladnimadii meesha ka baxday, magaaladiina ay ka billaawdeen dhaqankii kaaboyga, sidaa darteed, dhaqanka Kaaboyga uu noqday kan la ictiraafsan yahay ee magaalada ka jira.

Waxaa kale oo aan iswaydiiyay, maadaama Atooraha Kaaboyga uu dhibaato badan gaysanayo oo dil iyo burbur ah, maxaan u jeclahay daawashadiisa? Dhankaana waxaa ii soo baxday jawaabta ah, in Kaabooyaasha dhammaan aysan ahayn kuwo qarbudaad u taagan ee ay ku jiraan kuwo dulmiga nidaamka inta diidaan oo xaq u dirir ah. Halkaana waa meesha keentay inaan ka dugsado kuna caashaqo sheekada filinka Kaabooyga.

Ta ugu danbaysa ayaa ah in xaaladda ay Soomaaliya maanta marayso ay u dhiganto xilligii 1861-1865-tii Maraykanka, iyada ay jiraan farqi dhinacyo badan, laakiin tusaalahayga waxaan ku qotominayaa dagaalka sokeeye, arxan la’aanta, is boobka, sharci-la’aanta, xishood la’aanta iyo is maquuninta.

Waxaan ku jirnaa xaalad Kaaboy, balse adiga ayay kuu taallaa doorashada Atoore kan aad noqonayso. Ma midka mooryaanka ah ayaad noqon ee burburiya maslaxada umadda iyo muwaadinka ama midka u hiilliya umaddiisa iyo ubadkiisa si ay barri u dhaxlaan uguna noolaadaan nololsha karaamada leh ee aan ku aragnay dhulalka aan u qaxnay.

Cabduraxiim C. Shaafici