Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaddiyada Qudds (Xasuus Fogaatay)

Waxay ahayd 1991-95, kolkaa oo aan ku noolaa magaalada B/weyne. Magaaladu waxay ka mid ahayd magaalooyinka Koofurta Soomaaliya ee ay isku celcelis maalintii dhintaan 10-20 qof ugu yaraan, dhimashada ha noqoto dil ama macaluul. Xilligaa isaga ah waxaan ka mid ahaan dhallin yaro la marin habaabiyay oo ka indho la’ dalkooda laguna mashquuliyay dhacdooyin ka dhacaya dunida Islaamka goobo ka mid ah.

Waxaan har iyo habeen aniga saaxiibbaday ku subcin jirnay sheekooyinka Falastiin, Kashmiir, Bosniya, Jasiiradda Filibiin, Jejniya iyo Jabhadda Anqaad ee Aljeeriya. Haddii ay sheekda- si xaluulasho ah- u soo gasho dhibaatada inay haysata iyo waxa magaalada aan ku noolnahay ka dhacaya, hal marbaa la dafiraa maqalka iyo erayada ku soo dhacaya, waxaana halkii laga sii miisaa subacii macaanka badnaa.

Dhallintaa aan ka mid ahaa ma ahayn iyaga kaligood ee waxay tusaale u ahaayeen jiilkii xilligaa ka hana-qaaday gayiga Soomaaliya, oo aad moodday inay isku dhaarsadeen inay ka fasax qaataan tooda ayna xalliyaan dhibaatooyinka caalamiga ah ee dowladaha waa weyn daashaday. Haddii aanu maqalno hal gabar oo lagu dharbaaxay Falastiin warka waxaan isugu wareejin jirnay sidii shinnida boqorkeedii la dhaawacay. Waxaa la darisnaa maalintaa murugo, waxaana la hoyannaa tiiraanyo. Dhanka kale, dilka iyo geeridu waa maalinle magalada aynu ku noolnahay, laakiin barnaamijka Wadaaddada Cusub ayaa dhigayay in dadkan Soomaaliyeed dilkooda uusan qiimo lahayn maadaama ay fitno tahay.

Falcelinta Soomaalida ee Qaddiyadaha dunida, gaar ahaan tan Muslimka waa mid aad u sarraysa kana sarraysa oo dhaafsiisan xitaa tan Falastiintu u hayaan dalkooda. Waxaan xasuustaa maalintii ugu horraysay ee aan Falastiini la kulmo waxay ahayd London, markii la i baray baan isku naxay, sidii in uu ka yimid dalka aduunka ugu masiibaysan, waxaan la aaday erayo aan aad uga fogayn kuwa tacsida. Saa inta uu ii eegay ayuu igu yiri: Shaafici, waan ku jeclahay, waana kaaga mahad celinayaa dareenkaaga hagaagsan, balse waxaan kuu sheegaa in Falstiiniyiin haddii aan nahay aysan waligeen nagu dhicin masiibada dadkaada haysata!!.

Oraahdaa waxa ay igu dhalisay inaan baaro dhibka Soomaalida iyo Falastiinta, waxaana ii soo baxday inay iyagu na dhaamaan. Bal adiga iskaa u eeg; inta Falastiin ka dhimatay sanadkan iyo inta Soomaali god gashay!, eeg heerka nololeed ee ay haystaan, heerka dowladnimo, heerka aqooneed, heerka caafimaad iyo dhammaan heerarka kala duwan ee noloshooda.

Haddii aan u soo laabanno Al-quds, Islaamka waxa ugu qiimo badan waa nafta iyo dadka, dhulka iyo goobaha waxay soo galayaan darajadaha xiga. Inta aan Qudus la qaylinayno, ma iswaydiinnay dadkii Quddus degnaa halka ay joogaan iyo meesha ay ku danbeeyeen!. Jiilkii seddexaad ayaa dibadaha ku nool.

Soomaaliyay! Tiinna hoos u eega, tu aadan waxba ka goynna ha isku qiiraynina. Ma jirto maanta qof ama umad ka liidata Soomaalida. Haddaad rabto sawirka Quddus qoorta suro laakiin xasaradda iska yaree, waxay leedahay dhib caafimaad iyo mid maskaxeed. Qiirada arrin aad waxba ka tari karin waxay kaa baylihisaa caadifad iyo awood badan oo aad dadkaada dunida culayska ku ah aad wax badan uga qaban lahayd ama waxaaba dhacda in isciil-kaanbinta marka ay qofka ka badato in laga dhaadhiciyo in dhibku yahay dadka uu la noolyahay, oo halkaa uu ka billaabo xurayta Al-quds.

Waanu jecelnahay Baytul-maqdas, qalbiga wuu na hurayaa, balse farriintaan ujeedkoodu waa midda ku dheehan sadarradeeda.

Waan ka xunnahay dhibka maanta Muslimiinta haysta, oo kan ay iyaga isu gaysanayaan ka badan yahay kan la baday, waxaana Ilaah ka baryaynaa inuu talo iyo tayo na siiyo si awood loogu yeesho in falcelis habboon ay ka bixiyaan dhacdooyinka dhiillada xanbaarsan sida tan Falastiin oo kale. Aaaamiin.

Qoraa: C/raxiim C. Shaafici