Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Goormuu Dagaalku Waajib Noqdaa?

Cabdalla Aw-xasan

Dagaalku waa qayb ka mida jihaadka maxaa yeelay jihaad waxaa laga wadaa in qofku ku dedaalo wax kasta oo noloshiisa khuseeya sidaa darteed jihaadku maaha wax khaas ku ah dagaalka sida alle yiri;”ku jihaada jidka alle si aad u liibaantaan/وجاهدوا في سبيله لعلكم تفلحون”, 35: al-maa’ida.

Jidka alle waxaa laga wadaa in wax walba shuruudda uu leeyahay la ilaaliyo, maxaa yeelay dagaalku wuxu bannaan yahay markii lagu qasban yahay oo keliya oo ah marka dadka la dulmiyo sida alle yiri; “waxaa la idinku qoray dagaalka idinkoo nacaya, كتب عليكم القتال وهو وكره لكم”, 216: al-baqara.

Inay dagaalka nacayaan waxay calaamad u tahay inayna iyagu ahayn kuwa rabey dagaalka sidaa darteed cidda ku qasabtay waa cidda iyaga la dagaalantay ee maaha in alle ku waajibiyey maxaa yeelay wixii dhib ka dhalanayo oo dhan asal ahaan ma bannaana.

Sidaa darteed looma dagaalamo in diin la fidiyo ama maal la helo ama dhul la qabsado ee waxaa loo dagaalamaa in lagu dulmiyey oo gurigaaga lagaa saaray oo keliya sida alle yiri; “miyeydaan la dagaalamayn qolo ka baxay ballantoodii, kuna hammiyey inay rasuulka saaraan, iyagoo ah kuwa idinku bilaabay dagaalka/ألا تقاتلون قوما نكثوا أيمانهم وهمّوا بإخراج الرسول وهم بدأوكم أوّل مرّة”, 13; al-tawba, sidaa darteed qoladii lala dagaalamayo waxaa shardiya inay igagu dagaalka bilaabeen, taasoo meesha ka saaraysa in loo dagaalamo in cidi diidey inay islaanto ama jisyo bixiso.

In loo maleeyey in dagaalku ka mid yahay acmaasha fadliga badanna waxaa u sababa inaan aad loo fahmin shuruudda xadidaysa in wax kasta oo dhib ku jiro uu asal ahaan xaaraan yahay uuna bannaan yahay oo keliya marki uu daruuro noqdo.

Wixi dhib ku jiro sida in wax la dilo ama la burburiyo asal ahaan ma bannaana, sidaa darteed waxaa wax diliddu bannaan tahay laba jeer oo keliya oo ah marki ay cidi wax disho ama ay u socoto inay wax fasahaadiso sida alle yiri; “qofkii dila qof aan naf jarin ama aan dhulka fasaadin wuxuu la mid yahay qof dilay dadka oo dhan/ أنه من قتل نفسا بغير نفس أو فساد في الأرض فأنما قتل الناس جميعا”, 32: al-maa’ida.

Dagaalku wuxu galaa baabka ciqaabta oo dhigaya in xumaanta lagu gudo mid u dhiganta oo keliya hadi aan wax laga dhimin ama la cafin sida alle yiri; “xumaan waxaa lagu gudaa mid u dhiganta/وجزاء سيئة سيئة مثلها”, 40: al-shuuraa, sidaa darteed ciddii dagaal soo qaadda waxaa loo gaysanayaa intii ay gaysteen in le’eg ama ka yar sida alle yiri; “la dagaalama kuwa idin la dagaalamaya idinkoo ku taagan jidka alle, hana xad gudbina/وقاتلوا في سبيل الله الذين يقاتلونكم ولا تعتداوا”, 190: al-baqara.

Jidka alle waxaa laga wadaa in intay gaysteen in la mida loo gaysto sida in laga saaro meeshii ay qabsadeen sida alle yiri; “ka saara meesha ay idinka saareen/”وأخرجوهم من حيث أخرجوكم, 191: al-baqara, taasoo ka dhingan in lala dagaalayo mudada ay iyagu dagaalka wadaan oo keliya sida alle yiri; “lana dagaalama ilaa laga waayo fitan, diinkuna alle u ahaado, hadi ay jogsadaanna yaan lala colloobin ciddii dulmi ku socota mooyee /وقاتلوهم حتى لا تكون فتنة ويكون الدين لله، فإن انتهوا فلا عدوان إلا على الظالمين”, 193: al-baqara.

Fitanta waxaa laga wadaa in cidi dagaalanto ama dhul qabsato sidaa darteed iyada oo aan dhib jirin hadi la dagaalamo waxay keentaa in la furo fitan sida alle yiri; “iska ilaaliya fitan aan ku ekaanayn kuwa dulmiga sameeyey ee idinka mida oo keliya/واتقوا فتنة لا تصيبن الذين ظلموا منكم خاصة”, 25: al-anfaal.

Sidoo kale laguma qasbana in mar kasta oo dulmi jiro la dagaalamo maxaa yeelay dagaalku waa wax ay ku baxayaan qasaaro naf iyo maal ah, sidaa darteed waxaa qofku dagaalamaa marki uuna xaqqiisa ku helayn si nabada isla markaana uu qiyaasayo inay dagaalka uga baxayso wax ka yar waxa ka maqan.

Qoraa: Cabdalla M. Aw-xasan