Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sifooyinkaan La wada Ogeyn Ee Nebiga!

In badan oo Muslim ka kamid ah ayaa u dabaal dagaya maalinta dhalashada Nebiga CSW, taas oo culimmada jamhuurtooda ay isku waafaqsan yihiin in ay tahay maanta oo kale, 12-ka bisha Rabbiicul Awal.
Dhowr iyo toban qarni ayaa kasoo wareegatay markii uu dunida kusoo biiray nabigii Alle, wiilkii madiga ahaa, agoonkii odawaaga ahaa iyo rasuulkii lagu soo abyay silsiladdii risaallada; anagoo ka qeyb qaadaneenna maalintaas weynaynta mudan waxa aynu jeex jeexi doonnaa dhowr sifo oo aan inta badan la sheegin oo uu leeyahay nebi Maxammad CSW.
Sifooyinkaan ma ahan kuwa khuluqiisa ama khilqigiisa ku saabsan, ha yeeshee waa kuwa gaar ah, mana ahan kuwa inta badan ay dadka ku baraarrugsan yihiin, mid kasta tusaalle noloshiisa kamid ah ayaan usoo qaadan doonnaa si aan ugu dabaqno.

Sifooyinkaas daahsoon waxaa kamid ah:-

1) In Uu Yaraanta Ku Noqday Oday Dhaqameed!

Oday dhaqameednimadu bulsho walba waxaa waajib ah qofka noqonaya in uu leeyahay karti iyo hufnaan ka badan kuwa ku xeeran, ha yeeshee waa haddii uu qofka gaaro da’da afartanka ka sareysa.

Taariikhda waxa ay werisaa in qurraysh ay u gar dhigan jireen nebiga isagoo dhallinyara ah, waxaana la xusaa in dhowr jeer lagu daray golaha guurtida ee beeshiisa ka hor inta aan loo boqrin nebinimada.
Naaneysta “Amiin” ayuu dhexlay isaga oo aan nebi noqon, waana qof ka keliya ee sidaas sameeyay marka lala bar bardhigo aynigiisa.

2) In Uu Dhakhtar Ahaa!

Dhabtii waxa aan filayaa in aad la amakaagsan tahay middaas, ha yeeshee haddii aan far iyo suul darsanno sooyaalkiisa waxa aynu ogaaneynaa marar badan oo uu asxaabtiisa daaweeyay. Tusaalle, Sinada waa mid kamid ah dembiyada waa wayn ee lagu halaagsamo, islamarkaana ay alle iyo nebigiisaba ka digeen; si middaas looga guuleysto waxaa la jideeyay in laga fogaado, talooyinka uu nebiga siiyay asxaabtiisa, si ay iskaga fogaadaan sinada, waxaa kamid ah in ay yareeyaan cunnada, oo ay soomaan.
Dunida diijitaalka ah waxaa sugan oo ay dhakhaatiirtuna inoo sheegeen in shahabada iyo dareenka qofka ay mar walba ku xiran tahay xajmiga cunno ee uu isticmaalay, haddii uu yareeyo waxaa yaraanaya hammigiisa doonis, haddii uu siyaadana waxaa siyaadaya dhankiisa kale.

Intaas waxaa dheer in dhowr waxyaabood oo uu malabka kamid yahay uu asxaabtiisa ku daaweeyay, taa baddalkeedana ay caafimaadeen.
Waa sifo kamid ah sifooyinkiisa aysan dadku ku baraarrugsaneyn, balse jira ee uu leeyahay AUN Nebigeenna Muxammed Amaan iyo bogaadin korkiisa ha ahaatee.

3) In Uu Seykolojiste (Psycologist) ahaa Oo Aysan Dadku Ogeyn!

Waxaa la weriyaa in maalin maalmaha kamid ah uu u yimid nebiga CSW, qof reer baadiye (Acraabi) ah oo ku doodaya in islaantiisa uu ka shakisan yahay, markii ay dhashay wiil aan iyadana u ekeyn isagana aan lahayn astaantiisa. Ninka Acraabiga ayaa go’aan adag ka qaatay canuggaas madoob ee ay islaantiisa dhashay, isagoo kaga shakisanaa in ugu yaraan uu uga dambeeyay addoon madoob intii uu maqnaa.
Muxammad oo ahaa qof deggan, indheer garad ah islamarkaana cilmiga nafsiga si dabiici ah u yaqaannay ayaa isku dayay in uu qanciyo odeygaas, ha yeeshee waddadii uu ku qanciyay ayaa ahayd mid cid kasta soo jiidaneysa, qof ba iyo heerkiise, nebiga ayaa wayddiiyay su’aalo ay kamid ahaayeen “Geel ma leedahay?” wuxuu ugu jawaabay “Haa waan leeyahay” kadib wuxuu wayddiiyay “Maku jiraa mid madoow, oo aan iyaga oo idil lahayn” “Haa” ayuu afka kala qaaday, kadib nebiga wuxuu wayddiiyay “markii hore madoow maku jiray geellaaga?” wuxuu ku warceliyay “Maya” “Xoola madoow oo aan kaaga ahayn miyaa u yimid?” markale ayuu “Maya” iska soo jaray; “Halkee bay ka timid?” ayuu mar xigtay su’aal uga dhigay, markan se reer baadiyihii ayaa yiri “waxaa la arkaa in dhaxaltooyo ahayd!” nebiga ayaa isna ku yiri “waxaa la arkaa in aysan cid kale kaaga dambeyn e, labadiinna midkiin uu madowga dhaxal u wato”.
Acraabigii ayaa aad ugu qancay jawaabta iyo qaabka nafsiga ah ee uu ula macaammilay nebiga.

Intaas waxaa dheer in uu u yimid wiil doonayay in uu sinneysto, loona fasaxo, ka dib nebiga waxa uu ku yiri “mala dooneysaa sinno hooyadaa, walaashaa, ama xaaskaaga” wiilkii ayaa ku yiri “Maya rasuulkii allow,” nebiga ayaa jawaab uga dhigay “qof kale ayeey intaas u yihiin oo aan raali ka ahayn, kana dhimanaya in ay arkaan” marka aan labadan sheeko ka shidaal qaadanno waxaa inoo soo baxaya in cilmiga nafsiga si rabbaani ah uu ugu bilawnaa; maxaa yeelay si loo xalliyo qof ka, waxaa la wayddiiyaa su’aalo qariib ah oo la xiriira mowduuca lagala hadlayo si looga qanciyo.

4) In Uu Ahaa Dhiirro Geliyay

Laba ayaa loo kala qaadaa culimmada dheeri gelinta, kuwa dhaqankooda ayaa dhiiro gelin ah, halka kuwa kalena dhawaaqooda uu dhiiro gelinta yahay, tusaalle Nick Vuches, waa mid kamid ah dadka ugu caansan cilmigan dhiiro gelinta, waana qof aan lahayn lugo iyo gacmo, qof ka marka hore waxaa u dhiiro gelin ah aragtida Nick, marka xigana waxaa u ah dhawaaqiisa, waa ay yar yihiin kuwa isku darsaday dhiiro gelinta dhaqanka iyo midka dhawaaqa.
Cilmiga dhiiro gelinta, caalamka aan maanta ku nool nahay waa mid muhiimad gaar ah u leh, ha yeeshee noloshii nebi Muxammad CSW iyada oo idil ayaa ahayd dhiiro gelin dhaqan, maadaama rasuul ummadeed, oo alle uu doortay uu ku jiray nolol aad u adag oo laga yaabo in saddex biloow oo kaammil aan dabna laga shidin gurigiisa ee ku noolaa labada madoow (Timir Iyo Biyo), taas waa dhiirro gelinta dhaqanka, haddii aan wax badan u fiirsanno siirradiisa waxa aynu arki karnaa meelo badan oo uu asxaabtiisa ku dhiiro gelinayo.

5) In Uu Xikmad Badne Ahaa!

Xikmaddu ma ahan hanti uu cid walba heli karo, ha yeeshee waa hanti cid walba ay doonto, waxaa la isku khilaafsan yahay sida loo jaangoynayo xikmadda qofka iyo inta uu xakiim yahay, balse waxaa muhiim ah in qofka xakiimka lagu sheegayo in hadalkiisa aysan cid walba iska fahmin, oo loo baahdo fasiraad dheeri ah.

Tusaalle odayaasha inta badan waxa ay ku hadlaan oraahyo xikmadeysan, ha yeeshee cid walba ma fahanto illaa loo fasiro, si lamid ah dhammaan hadalladii uu nebi Muxammad yiri waxa ay ahaayeen kuwa wada xikmad ah, oo u baahan in la fasiro, waana ay dhacday oo dhigaallada lagu qoray hadalladiisa weli waxa ay u baahan yihiin fasiraad inkastoo horey dad badan ay u bixiyeen, ha yeeshee muhiimaddu waa in uu sifadaas leeyahay.

6) In Uu ahaa Dagaalyahan Aan Dadban!!!

Waxaa iska caado ah in hoggaamiyayaasha ciidan mar walba aysan tegin furrunta dagaalka, caksiga Muxammed wuxuu ahaa geesi goobaha dagaalka aan laga weyn, intaas waxaa u dheer in mid kamid ah saxaabadiisa oo waramaya uu yiri “ Marka uu dagaalku nagu adkaado, nebiga ayaan ka ag dhawaaneynay, jeer uu ahaa mid jiidda dagaalka jooga!”.
Geesinimada iyo hoggaamiyanimada waa kala laba, geesi walba ma ahan hoggaamiye, hoggaamiye kastana ma ahan geesi, ha yeeshee nebi Muxamed waxaa u midoobay labadaas sifo oo qariib ah in la helo qof wada wata.

Kuma soo koobi karno qoraal mid iyo labo sifooyinka gaarka ah ee uu leeyahay nebi Muxammed CSW, ha yeeshee waxaan intan idin kula wadaagay shacniga iyo waynida maalinta dhalashadiisa.

“Muxammad badbaadiyaha basharka”— Sir George William Bernard show

Dhalasho wacan nabigoow!

F.G:- Tani waa aragtideyda ee ma ahan aragtida guud.

#Elfarabi

Cabdiwahaab Axmed Cali

e-mail:- C.wahaabyare@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *