Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheekadii Baqasha iyo Awrka

Waxa aan ka soo minguuriyay Kitaabka Mathnawi ee Ruumi. Faahfaahinna waan ku sii sameeya. Baqal ayaa awr weyddiisay: ‘Maxaa ay ku dhacday in aan qajeel turunturroodo, dhulkana ka soo go’o, haddii ay tahay suuqyada dhexdooda iyo weliba kolka aan raranahay ee aan buuraha kasoo degayo, ka diba rarku kala daato, madaxana iga fuulo, ka dibna ninkii i lahaa dhenged igu caseeyo, adigu se aanad cagtaada dhigin meel ku xagaldaacisa?’

Awrki waxa uu ugu eray celiyay: ‘Indhahaygu inta badan kor iyo hortayda ayaa ay eegaan, fogaanna waan arkaa, halka aad adigu madaxaaga hoos u foororiso, oo aad keliya arkaysid gondahaaga. Buurta marka aan korkeeda u baxo, si hubsiimo leh baan u eegaa halka uu dawgu ku dhammaanayo. Kolkaas buu Eebbe (SoK) indhayga u muujiyaa turunbuuqooyinka jidkaas, cag kastana waxa aan meesheeda ku dhigaa si ay ku dheehan tahay ogaalnimo iyo kalsooni aan kaga nabad galo turnturro iyo kufniin, halka aanad adigu arkaynin wax ka badan laba ama saddex tallaabo hortaada ah. Laaca aragtee, laagga ma og tahay (you see the bait, but you do not see the pain of the snare)’.

Tiraabtan sare waxa uu awrku uga jeedaa, waxa aad u ciillan tahay hufnaan iyo toosnaan. Waxana kuu muuqda laacyada adduunyo ee kuu hillaacaya, se waa lagaa indhasaabay xanuunka ka dambeeya marka aad dabinka ku dhacdo.
Si la mid ah tusaalahan, qofka uu kala dhantaalan yahay ‘araggiisa’ ruuxiga ahi, jeedaaladiisu (ugu badnaan) ma dhaafsiisna xabaasha. Taas lidkeed, qofka waxgaradka ahi waxa uu dhowraa Maalinta Qiyaame ee Garsoorka dhabta ahi jiro, waana habdhaqankiisaas adduunyo ka ku hagaya jid badbaado oo uu dabinnada adduunka kaga nabad galo.
Baqashi waa ay garwaaqsatay, una guuxday hadalkii awrka, waxana ay go’aansatay in ay isku deydo in ay awrka ku dayato, tusaalena ka dhigato.

Waxa uu Ruumi hoosta ka xarriiqayaa mudnaanta ay leedahay ku-dayashada Rasuulka (NNKHA) iyo dadka wanwanaagsan. Waxana uu soo qaatay aayadda ugu horraysa Suurat Xujuraat ee ulajeeddadeedu tahay sidan: ‘Kuwa xaqa rumeeyayow, ha ka hor marina (nafihiinna ha dhigina meel aydin ka hor martaan ama aragtiyihiinna gaarka uga doorbiddaan) Eebbe iyo Rasuulkiisa hortiisa (waxa aaney oggolayn), Eebbena ka dhowrsada illen wax walba wuu maqli, wuu na ogyahaye.’

Qoraa: Axmed Ibraahim Cawaale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *