Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Islaamka & Ilaalinta Nasabka

Ugu horeyntii sida la wada og yahay Aadanahu waa noole karaameysan oo uu Alle ka doortay in badan oo ka mid ah uunka uu dunida ku abuuray,wuxuuna u asteeyay inuu hogaamiye iyo masuulba u noqdo inta abuur ee dunida la dulsaaran,oo uu intifaacsado agab iyo noole wixii aysan noloshiisu ka maarmin ama bilaya. Aadanaha sidaasa rabbi wuxuu u sameeyay cagli iyo garaad uu oga sareeyo khalqiga badankii,wuxuuna dul saaray masuuliyad iyo takaaliif loo igmaday oo lagula xisaabtami doono maalin dambe ee uu rabi ka yeelay madal garsoor iyo abaalmarin.

Sharciyada iyo waajibaadka la dul dhigay ilmo Aadane waxaa baarka sare kaga jira ilaalinta nasliga ama nasabka wuxuuna alle baray aadanaha asal iyo farac ay isku gartaan oo ku xiriiraan kuna gutaan baahidooda jinsiga ah oo wuxuu Alle u yeelay aadanaha qaraabo uu ku abtirsado oo uu mid kasta oga soocan yahay midka kale,wuxuuna garaadkiisa ka badalay xayawaanada aan intaasba aqoon ee aan takaaliiftaasba la saarin.

Aabe iyo hooyo,awoowe iyo ayeeyo,eeddo iyo adeer,abti iyo habaryar,aayo iyo aysin,seeddi iyo dumaashi,iyo walaalo lab iyo dhadig ah intuba waa astaamo u taagan xiriirka qaraabanimo ee tilmaamaya xidid iyo xigaalaha ku xeeran qofka bani aadamka ah.

Nasab ilaalinta noocaas ah wuxuu Alle intooda badan ka yeelay nooc uu ku ilaaliyay damiirka basharka kuna bari taaray fariimaha diinta ee uu Alle hadba dadka ugu soo dhiibi jiray adeegayaal xaggiisa ka yimid.islaamka oo ka mid ah manhaj nololeedyada uu rabbi u dooray aadanahiisa ma ihmaalin arintaas oo in nasabka la ilaaliyo wuxuu ka dajiyay sharciyo iyo axkaam adag oo ay muslimiintu si isku mid ah u aaminsan yihiin asal ahaan,marka laga soo tago fasiraado iyo faham furuucyada qaarkood ah oo ay si isu dhow ugu kala yara tagsan yihiin.

Ilaahay mar uu si guud u ishaarayay ilaalinta nasabka waxa uu aadanaha oga dhigan yahay waxa uu aayad quraan ah ku yiri:-

‫”يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ “‬
‫Dadyahow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhaddig,waxaanan idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu aqoonsataan‬,waxaana xagga rabbi idiinkugu sharaf badan kuwa idiinku dhowrsasho badan,ilaahayna waa mid cilmi badan oo khabiir ah”

Si nasabka loo ilaaliyo islaamku waxa uu xarimahay sinada “galmada sharci darada ah”waxa uuna ku daray dambiyada waaweyn ee uu aadanaha ku mudanayo ciqaabyo adag adduun iyo aakhiraba oo ilaahay sareeye mar uu aadanaha oga digayay galmada aan guurka xalaaleynin wuxuu yiri:

“الزَّانِيَةُ وَالزَّانِي فَاجْلِدُوا كُلَّ وَاحِدٍ مِنْهُمَا مِئَةَ جَلْدَةٍ وَلَا تَأْخُذْكُمْ بِهِمَا رَأْفَةٌ فِي دِينِ اللَّهِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآَخِرِ وَلْيَشْهَدْ عَذَابَهُمَا طَائِفَةٌ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ”•
“Ninkii iyo naagtii la yimaada galmo sharci darro ah ku dhufta mid kasta boqol jeedal,Oo yeysan idiin qaban wax u turid ah oo aad ka door bidaysaan diinta Alle haddii aad tihiin kuwo Alle iyo maalinta abaalmarinta ee dambe rumeysan,oo waa inay goobta lagu ciqaabayo kuwa sinaystay yimaadaan koox mu’miniinta ka mid ah”

Waxaa kale oo sida islaamka nasabka u ilaaliyay lagu aqoonsan karaa axkaamta iyo sharciyada uu ka dajiyay ee ay soo hoos galayaan guurka iyo furiinka iyo waxa loo yaqaan “cuddo tirsiga” oo ah muddo lagu hubinayo riximka haweenta la furay ama laga dhintay si aysan isugu khaldamin nasabyada oo aysan u dhicin in uur ay haweentaasu u lahayd ninkii hore uusan uqaadanin ninkan dambe,mudada cudada ama rixim hubintuna waa seddex bilood sida loo badan yahay,haddii ay uur lahayd haweenta la furay ama laga dhintayna cuddadeedu waa ilaa ay ka dhasho.

Sidaasoo dhan waxa loo yeelayana waa ilaalinta nasabka oo ka mid ah waxyaalaha shanta ah ee ay shareecada islaamku u qasdiday ilaalintooda.oo kala ah nafta,maalka,diinta,caqliga,iyo nasabka.

Si nasabka loo ilaaliyo diinta islaamku waxay daaqada ka saartay wax kasta oo keeni kara inuu nasab iyo abtiris waayo aadane kasta oo nolosha dunida ku soo biira,oo wuxuu islaamku xeerar lagu kala badbaado u asteeyay ilmo isku qabsiga,sida haday dhacdo in uu nin doolaal ah oo dambiile ah inta reer dhisan u soo dhaco uu si gogol dhaaf ah islaan nin u dhaxda uur ugu yeelo,oo islaamku ilmaha noocaas ku dhasha wuxuu siiyay ninka iska leh gogosha ee haya nikaaxa naagtaas gogol dhaafka sameysay waa haddii uusan isagu iska diidin ilmahaas ninka naagta qaba”

Garo oo halkaasna waxaa ku hoos naban ceeb astur iyo isha ka lalin fadeexo waase marka ay sidaa doonayaan reerkan dhisan ee uu sheydaanku u soo dhuuntay.

Waxaa arintan ku yimi xaddiis beytul qasiidkiisu ahaa in nin la dhashay saxaabiga sacad ibnu waqaas oo oo la oran jiray cutba uu u sheegay walaalkii sacad in haween umu walad ama addoon ilmo u haysay u ahayd nabiga soddogii samca uu ka sinaystay cutba oo ay isaga uur u leedahay oo uu yiri haddii ay dhasho u tag oo ilmaha inooga soo qaad,goortii ay haweeneydaasu dhashay canugii ayuu sacad ibnu waqaas u sheegay cabdu-samca in canuga ay dhashay suriyada aabihii samca uu walaalkii ka dhalay,arintaas oo uu cabdu binu samcana gaashaanka u daruuray,murankii ka dhex oogmay ayaa keenay inay rasuulka scw isula tagaan.

Rasuulka scw wuxuu dhageystay dooda sacad iyo cabdu binu samca oo uu mid kasta oo labadooda ka mid ahi ku doodayay sheegashada ilmahaas,oo sacad waxa uu yiri rasuulkii allow ilmahan adeer ayaan u ahay oo walaalkay cutba ayaa dhalay bal eeg sida uu ugu eg yahay,cabdu binu samcana wuxuu ku doodayay rasuulkii alloow cunugan anigaa leh oo waa walaalkey wuxuu ku dhashay firaashkii aabahay ayuu yacni nikaaxeyga,oo waxaa dhashay addoontii aabahay ee waliida,rasuulka scw wuxuu cunugii u xukumay cabdi binu samca maadaama uu ku dhashay xariggii iyo gogoshii aabihiis,sacadna waxa uu ku yiri rasuulku scw walaalkaa cutba wuxuu leeyahay dhagax oo waa dambiile.

وعن عاىشة رضي الله عنها قالت كان عتبة عهد إلى أخيه سعد أن ابن وليدة زمعة مني فاقبضه إليك فلما كان عام الفتح أخذه سعد فقال ابن أخي عهد إلي فيه فقام عبد بن زمعة فقال أخي وابن وليدة أبي ولد على فراشه فتساوقا إلى النبي صلى الله عليه وسلم فقال سعد يا رسول الله ابن أخي قد كان عهد إلي فيه فقال عبد بن زمعة أخي وابن وليدة أبي ولد على فراشه فقال النبي صلى الله عليه وسلم هو لك يا عبد بن زمعة الولد للفراش وللعاهر الحجر ثم قال لسودة بنت زمعة احتجبي منه لما رأى من شبهه بعتبة فما رآها حتى لقي الله

“Caa,isha rc waxaa laga wariyay inay tiri:cutba ayaa kala dardaarmay walaalkii sacad in addoonta samca caruurta u dhashay ay isaga uur u leedahay uuna ka codsaday kolkay dhasho inuu sacad ka soo qaato ilmaha,maalintii furashada maka ayuu sacad ku qabsaday cabdu-samca ilmihii oo uu u sheegay inuu walaalkii kala dardaarmay,cabdu samcana waxa uu yiri waa walaalkey waana canug ay dhashay suriyadii aabahay,waxaana lagu dhalay gogoshiisa,waxay isula tageen nabiga scw,iyadoo uu sacad ku doodayo waa wiilkii walaalkey,wuu igala dardaarmay rasuulkii allow,cabdu binu samcana uu ku doodayo,waa walaalkey waa wiil ay dhashay suriyadii aabahay,waxaa lagu dhalay firaashkiisa,rasuulka scw wuxuu yiri adiga ayaa leh cabdu binu samcoow,sideedaba canugga waxaa leh hadba firaashka uu ku dhasho,ninka saaniga ah ee reerka usoo dhacayna dhagax buu leeyahay,wuxuuna rasuulka ku yiri haweentiisa sowda binu samca ka xijaabo inankaas kolka uu qaangaaro,waayo nabiga scw wuxuu arkay inuu canugu aad ugu egyahay cudba,waxayna caa,isha tiri sowda ma arag inankaas waligiis”

Sidoo kale islaamku wuxuu ka hadlaa oo uu axkaam faham ahaan ay culimadu isku khilaaftay ka dajiyay nasab siinta ilmaha aan ku dhalan nikaaxa sharciga ah ee laga dhalo haween aan nin kale u dhixin,darsigaas oo aan ku qaadaa dhigo doono khilaafka faham ee u dhaxeeya labada qolo ee ku saabsan nasabsiinta ilmaha garaca ah iyo qolada qabta waxa ay u daliishatay ogana jawaabtay addilada kuwa diidan waxaan oga hadli doonaa qaybta labaad ee maqaalka haddii eebe idmo ee la socda.

Qoraa: Sh Cabdullaahi Maxamed Xuseen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *