Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Nolosha: Dhalanteed iyo Dhab (Sheeko Gaaban)

Habeen dhirir badan kadib, saakay aroortii ayaan soo istaagay goobta gawaarida laga raro, waxaad mooddaa cirka iyo dhulka in ay isku dhex jiraan mugdi darteed, daruuro la ciirciirayo biyo ayaa cirka isku fidiyey, qabow ayaan dareemayey laakin gudaha ayaa olal iga baxayey. Waxaan la tiiraanyeesnaa fariinti fiidkii hore xalay ii soo dhacday, taas oo aan anfariir iyo argagax ka qaaday, dhulka ayaamba mooday in uu i celin kari waayey culayska igu soo dagay dartiis.

Darawalki baska ayaa ku qeylinayey “Boondheere Boondhee. ….”
Gaarigi ayaan safka hore ka fadhiistey.
Darawalki: Halkeed u socotaa?
Aniga: Meesha aad sheegtey Boondh. … .
Darawalki: Xaafadaada miyaa mise waad booqanaysaa?
Aniga: Maya magaceeda ayaa i cajabiyey.
Darawalki oo caraysan: Nin ku dhali kara ayaad ku ciyaaraysaa, edeb malahid.
Runta ayaa aheyd in aan ku dooran xaafaddaas wax aan ka aheyn magaceeda oo i soo jiitay, inkasta oo aan magaaladaan ku noolaa wax badan, goobtaanna aan subax walbo maro hadda se waa markii ugu horeysay aan magaca si dhameystiran u maqlo, waxaa maankeyga ku sawirmay in ay tahay meel aad u qurxoon, doog badan, udgoonkeedana laga carafsan Karo xaafadaha dariska la ah.

Gaarigii waxaan uga dagay maqaaxi yar horteeda, gudaha ayaan u soo dhaafay, waa meel aad u daggan oo shanqarteedu ay yartahay, markii ugu horreysay noloshayda ayaan dareemay xasillooni, waxaana iga dagay wax yar kurabdii ay igu reebtey fariinti xalay i soo gaartay.

Meel gees ah ayaa waxaa kaligiis shaah ku fiiqsanayey wiil dhalinyaro ah, waxaa ka muuqatay dagganaan, sidaas ay tahayna wajigiisa waxaa laga dheehan karay daal, sidii in uu 200 kilometers soo lugeynaayey, kursigi ayaan soo ag dhigtay, salaan ayaan ku bilaabay wuxuu se iga qaaday 3 daqiiqo kadib, shaqo la’aanta i heysay darteed waxaan u tirinaayey daqiiqadaha, waxey ila tahay hadii lay dhihi lahaa carrada dhulka taalo tiri kama labalabeeyeen.

Is wareysi kooban kadib wuxuu ii oggolaaday in uu sheekadiisa iiga warramo, goobtu waa yara mugdi, neecaaw qaboowna wayna dulmaraysay, dab yar ayaa gadaasheena ka shidnaa kaas oo diirimaad ina siinayey. Wuxuu yiri dhowr sano ka hor sidaada ayaan u habaawsanaa, kolba geed ayaan madaxa dirsanayey, fariimaha kala duwan ee nolosha wax waan ka baran waayey, markuu halkaas marinaayo jiririco ayaa iga kacday fariinti xalay ayaana i hor timid.

Asaga oo hadalka sii wata ayuu yiri dhalanteedkii ayaan dhab mooday, dadkeygi oo i jecel ayaan ka dheeraaday, jir ahaan waan la joogey, ha yeeshee maskaxdeyda ayaa maqneyd, asxaab badan ayaan Facebook ku yeeshey, halkii mar aan live soo galo kummanaan ayaa i daawanaysay, farxad kooban ayey isiinayeen, laakin waxaan ku qasbanaa in aan wax cusub la imaado marwalbo si aan indhahooda u soo jiito.

Hooyadey markey iga quusatay waxey sameysatay Facebook si ay iila socoto, maalin maalmaha kamid ah oo aan aad oogu bukay falcelinta dadka boggeyga ku xiran, ayaan iska soo qoray waan xanuunsanahay iisoo duceeya aniga oo aad u fiyow, falcelin kooban kadib waan iska seexday, laakiin waxaan kusoo kacay hooyo oo madaxayga fadhisa duco iyo madax salaaxid iskugu kay daraysa, kaligeed ayaa damqatay, waxaan dhaawacay qalbigeeda, beerka ayaan ka dhantaalay si aan dhalanteedkaas ugu raaxeysto, markay aragtay in aan soo kacay ayey igu soo carartay, waxaa na kala dhax yaalay buur weyn, maalinkaas ayaan go’aansaday in aan noloshayda beddalo.

Maalinkii xigay xanuun dartiis ayaan isbitaal u galay, 2000 oo qof ayaa postigayga like saartay, 200 na faallo (comments) ka bixisay, 5 ehelkayga ahna way i soo waceen, 4 qofood oo kaamiro wataane way i soo siyaarteen, nasiib xumo, sidee tahay”? xataa ima dhihin, (live) ayey igu kor galeen wayna iga tageen, lacag inay aruursadeenne waa maqlay, marlabaad waxaa igu soo haray hooyadey oo madaxa ii salaaxaysa iyo walaashey oo cunta noo karinaysa.

Isbitaalkii markaan ka soo baxay ayey indhaha ii kala furmeen, murugo iyo farxad ayaan wada dareemey mar qura, waxaan ogaaday in ayeydey ay baadiyo ku geeriyootay, horay waan u maqlay laakiin caqligeyga majoogin xataa waxaa la ii sheegey in aan (facebook) soo galiyey geerideeda, waxaa iska cad in aan falcelin ay bulshada ii sameyso ku raadsaday. Waxaan arkay caruurti walaalkeey iga weyn uu dhalay oo weynaadeen, guri ayaana wada dagannahay.

Mobilki ayaan iska tuurey, hooyo iyo cideydi dhamaan ayaan u cudur daartay waxaanna go’aansaday in aan nolosha xaqiiqda ah ku noolaado, hadda subaxdii hore buurtaas ayaan dusheeda ku fadhiistaa, badda ayaan u dabaal tagaa, hawadaan macaan ayaan sambabaha ka buuxsadaa, shaahaan diirran ayaan dhaxanta iskaga kiciyaa, awoowe ayaan soo booqdaa, hooyo ayaan hoos fadhiistaa, waana shaqeystaa.

Markuu intaas yiri ayuu kursigii ka kacay, laba tillaabo ayuu qaaday, dib ayuu ii soo jalleecay wuxuuna yiri “Marka aad indhaha soo kala qaaddaan oo uu miyirka idiin soo noqdo ayaad ogaan doontaan dhiiqada aad ku dhax dhacdeen sida ay idin wasaqaysay”.

Dhulkii ayaa mar qura ila wareegay waxaana ii caddaatay in fariinti aan xalay ilaa maanta la murugsanaa ay badbaadadayda ku jirtay, fariintaas oo sheegeysay in khadka iga go’i doono muddo laba isbuuc ah, waxaan u heystay in nolosha ay istaagi doonto, laakin waxaan ogaaday in ay hadda bilow tahay nolosha dhabta ah.

Curiyey: Abdirizak Ahmed wayel.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *