Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ku Daalidda Diinta Yaabiska ah

Dabshidkii 1664 qoraagii Faransiiska ahaa ee Jean-Baptiste Poquelin oo ku magac dheeraa naynaasta Molier (1622-1673) wuxuu allifay masraxiyad lagu magacaabo ‘Tartuffe’ oo uu sawir uga bixiyey shakhsiyadda wadaad musuq-maasuq badan oo la yiraahdo ‘Tartuffe’, oo dhan ka muujista in uu yahay qof taqwo iyo cibaado badan, laakiin dhanka kale aysan jirin wax agtiisa xaaraan ka ahi. Horaana loo yiri: “Abeeso dhul u ekaan bay kugu dishaa, wadaadna dad u ekaan.”

Masraxiyadda waxaa aad uga carooday dhaqdhaqaaqii loo yaqiin ‘Jansenism’ ee kaniisadda Katooliga oo muddo shan sano ah hor istaagnaa in la dhigo. masraxiyadda inkasta oo la mamnuucay, haddana waayadii danbe waxay ka mid noqotay riwaayadihii hore kuwooda loogu jecel yahay, xaalkuna wuxuu gaaray in afafka Faransiiska iyo Ingiriiska erayga ‘tartuffe’ uu la macne noqday wadaad munaafaq ama labo-wajiile ah[1].

Dunida Muslimka badankeeda maanta waxaa ka jirta xaalad lagu xasuusto waxa riwaayaddu tilmaamayso. Tusaale ahaan, Muslimiinta guud ahaan waxaa lagu tiriyaa ummadaha adduunka kuwa diinta ugu hadal haynta badan, isla markaana muslimiintu waxay safka hore ka galaan musuq-maasuqa, laaluushka, been-abuurka, khiyaanada iyo denbiyada galmada la xiriira.

Haddaba, weydiinta meesha ku jirtaa waxay tahay: sidee bay isu qabanaysaa in aan noqonno ummadaha adduunka kuwa diinta ugu hadal haynta badan, isla markaana ugu musuq iyo qallooc badan? Ma dhaqankii Tartuffe ayaa muslimiinta –siiba wadaaddadeena- ka qaalib noqday?!!

Culumada baara raadadkii ummadihii hore haddii ay heleen magaalooyin aan warshado lahayn iyo kuwo aan ilbaxnimo lahayn, weligood ma aysan helin magaalo aan lahayn xarun wax lagu caabudo. Waayo? Baahida in wax la caabudo waa baahi aadamigu weligiis qabay, waxaana la qiyaasayaa in baahidaasi aadamiga weligiis ama ugu yaraan muddo dheer ay wehelin doonto. Diintuna waxay yeelan kartaa nuxur wanaagsan oo waxtar leh ama waxay noqon kartaa qalfoof sare oo dhib ma ahane aan wax laga dheefsan. Waxyaabaha diinta loogu xishana waxaa ugu horreeya akhlaaqda iyo daacadnimada.

Dabshidkii 2007, wadaad Sacuudi ah oo lagu magacaabo Ibraahim Al-Sakraan[2] ayaa wuxuu qoray maqaal dheer –oo mar dambe uu buug ka dhigay- oo uu ku magacaabay “Biyodhaca doodda bulshada rayidka ah/مآلات الخطاب المدني”. Sakraan dhigaalkaas wuxuu ku sharraxay asbaabta keentay in rag dhallinyaro u badan oo ay saaxiibbo ahaayeen ay is beddelaan, oo ay diinta ka xuubsiibtaan. Si gaar ahna wuxuu xoogga u saaray in dadkaasi ay yihiin kuwo ilbaxnimada reer Galbeedka ee maaddiga ahi ay indho-daraandar ku ridday oo ay la dawakheen. Wuxuuna canbaarayn badan u soo jeediyey ilbaxnimada reer Galbeedka[3].

Qoraalka Sakraan oo aad mooddo in uu danqay boog bugtay, wuxuu dhaliyey dood muddo ka socotay dalka Sacuudiga iyo guud ahaan waddamada carabta dhexdooda. Dadkii buugga dhaliilay qaarkoodna waxay qabaan in sababta dhabta ah ee muslimiintu diinta uga tagayaan aysan ahayn in ay ka doorbideen ilbaxnimada maaddiga ah ee Galbeedka, balse ay tahay diintii Islaamka oo noqotay aalad ay ku adeegtaan siyaasiyiin danaysi badan iyo wadaaddo damiir xumi. Waxaana si gaar ah farta loogu fiiqay in diinta ruuxaaniyadda laga qaaday ay qayb weyn ka tahay sababaha keenaya in dadku –siiba dhallinyaradu- ay diinta ka caajisaan.

Qof ahaan, doodahaas waxaan ka xasuustaa in qoraaga Sacuudiga ah ee Mansuur Al-Naqaydaan uu isla waayahaas qoray maqaal uu ku sheegay in nin Sacuudi ah oo horay wadaad u ahaan jirey uu ku yiri: Aniga oo aan Islaamka rumaysnayn ayaan shan sano masjid imaam ka ahaa, dadkana waxaan tujin jirey aniga oo aan weeso qabin, mararka qaarkoodna salaadda subax waxaan tujin jirey aniga oo janaabo qaba. Sababta ku bixisay in uu iimaam noqdo isaga oo aan diinta ku qanacsanaynna wuxuu ku macneeyey in uu u baahnaa guriga masjidka ku yaal ee iimaamka la dejiyo, sababtuna ay ahayd isaga oo ay ku adkayd in uu dego guri kiro ah, laakiin kolkii uu helay dhaqaale uu kirada isaga bixin karo uu ka guuray gurigii masjidka, salaad iyo soonna ay waagaas ugu danbaysay.

Meelo badan oo dunida Muslimka ka mid ah maanta waxaa ka jira doodo ku saabsan waxa loogu yeeray ‘diin ku daal”, oo ah oraah muujinaysa ifafaale ah in ay jiraan muslimiin badan oo dhuminaya danaynta diinta. Waxyaabaha loo daliishado jiritaanka diin ku daalkana waxaa ka mid ah kororka muslimiinta diinta ka tagaya, marnaanta masaajidda iyo ummuuro kale. Waddamada sida weyn mawduucaan looga hadal hayana waxaa ugu horreeya Iiraan, Sacuudiga, Bakistaan iyo Masar. Sida la og yahayna waddamadaani waa kuwa ugu saamaynta badan dunida islaamka -marka laga eego tirada dadkooda iyo galaangalka ay u leeyihiin saamaynta afkaarta diiniga ah ee muslimiinta, iyaga oo ay ku yaallaan xarumaha ay ka midka yihiin; Maka, Madiina, As-har, Qum, iyo qaar kale oo badan oo ka mid ah xarumaha waaweyn ee muslimiintu ku cibaadaystaan ama diinta lagu barto.

Tusaale ahaan, daraasad sannadkii 2012 uu sameeyey mac-hadka Gallup International oo xaruntiisu tahay magaalada Zurich ee dalka Switzerland waxaa lagu sheegay in dalka Sacuudigu uu yahay kan dunida carabta iyo Muslimka ugu horreeya dhanka ilxaadka, bulshada Sacuudigana 5% ay mulxidiin ama Alle-diid yihiin, tirsigaas oo u dhigma ilxaadka ka jira dalka Maraykanka iyo waddamada midowga Yurub qaarkood sida Biljam. Waxaana jira warar kale oo sheegaya in Iiraan dhanka ilxaadka aysan Sacuudiga ka yarayn, haddiiba aysan ka badnayn[4].

Waxaana muuqda ifafaalayaal soo xoogaysanaya oo lagu arko dalalka Muslimka qaarkood, sida dalka Iiraan oo ah in masaajidda dadku ku yaraanayaan, bisha ramadaankana meelaha qaarkood lagu arko dad badan oo aan soomanayn.

Tusaale ahaan, sawirka maqaalka korkiisa ku dhaggan, sida la sheegay waxaa qaaday nin Sacuudiyaan ah oo la yaabay sida masjidka xaafaddiisa ku yaal uu u maran yahay- gaar ahaan salaadda subax. Ninkaani wuxuu sheegay in masjidka xaafaddiisa ay dad yari salaad u yimaadaan, sawirka korena uu qaaday mar uu arkay masjidka oo salaaddii subax ay ku tukanayaan imaamkii iyo hal nin oo kale. Dalka Iiraanna xaaladdu waxay gaartay in waddooyinka lagu dhajiyo boorar qaab dicaayad ah u qoran oo dadka ugu baaqaya in ay masjid hebel ku tukadaan. Dhallinyaro badan oo dalkaas u dhashayna waxay ku doodaan in qaabka muslimiintu u soomaan uu yahay mid ku habboonaa bulshooyinkii qarniyadii dhexe ku noolaa jasiiradda Carabta. Waxayna ku doodaan in cidda maanta soomi kartaa ay yihiin haweenka guryaha maqabiyada ku ah oo keliya[5]. Gugii 2014kiina, dalka Sacuudiga waxaa buuq ka dhaliyey war mulxidiinta Carabta qaarkood ay faafiyeen oo sheegaya in ay shirweyne ku qabsadeen magaalada Maka Al-Mukarama[6]. Waa farriin ay u dirayeen Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta oo nuxurkeedu yahay dhulka waa idinla wadaagnaa!

Run ahaantii, ilxaadka laga sheego dunida Muslimka waxaa ku jirta buunbuunin badan, waayo? Xaaladda dunida muslimka ka jirta badankeedu Alle-diid ma aha ee waa diin ku daal. Dadka ka hadla ilxaadka carabta iyo muslimiintuna marar badan waxay isku khaldaan macnaha erayada ilxaadka iyo calmaaniyadda. Taana waxaa ugu wacan iyada oo wadaaddadu ay faafiyeen in calmaaniyaddu ay gaalnimo tahay. Sidaa awgeedna, waxaan aragnaa muslimiin badan oo halkii ay ka adeegsan lahaayeen eraybixinta calmaaniyad ka adeegsanaya eraybixinno kale sida; dowlad rayid ah, dowlad dimoqoraadi ah, nidaam caqlaani ah iyo wixii la hal maala.

Waxaa taa dheer, in ilxaadka la siiyo qeexid aad uga ballaaran tan sida weyn la isula oggolyahay. Erayga ilxaad (=Alle-diid/Atheism) waxaa si guud loogu qeexaa in la diido jiritaanka Alle ama awood sare oo koonka abuurtay oo maamusha. Sida uu ku doodayo Dr. Cabdiraxmaan Badawi taariikhda islaamka oo dhan dunida islaamka, siiba dhulka carabta kama jirin mulxidiin inkiray jiritaanka Alle. Cabdiraxmaan buuggiisa “Taariikhda ilxaadka carabta /من تاريخ الإلحاد في الإسلام” oo ah daraasadda ugu caansan ee mawduucaan laga sameeyey, wuxuu ku sheegay in ragga taariikhda Islaamku ku sheegto in ay mulxidiin ahaayeen aysan ahayn mulxidiin diiddanaa jiritaanka Alle, balse ay diiddanayeen masaa’il kale sida nebiyada iyo nebinimada, waxyiga, soo bixidda qiyaamaha, buugta iyo masaa’il kale.

Cabdiraxmaan Badawi isaga oo arrinkaan ka faalloonaya wuxuu yiri: haddii Nietzsche (1844-1900) uu yiri: “Alle wuu dhintay”, mulxidiintii Giriigguna ay yiraahdeen: “Ilaahyada deggen meesha barakaysani way dhinteen”, mulxidiinta Carabtu waxay yiraahdeen: “Fikradda nebinimada iyo nebiyadu waa dhinteen”[7].

Waxa dunida muslimka ka taagaani ma aha diin ka bax, balse xooggiisu waa diin ku daal. Dadku waxay ku daaleen diinta siyaasadda lagu walaaqay ee aydiloojiyadda angagan noqotay ee naf iyo maalba lagu halaagay. Sacuudiga, Iiraan iyo Bakistaan waa waddamada dadkooda waqtiga ugu badan afkaarta diiniga ah lagu harqiyo, sidaas oo ay tahayse dadku halkii ay wacdiga hanuun ka qaadi lahaayeen badankoodu qalbi angag iyo wadaad nacayb bay ka qaadeen.

Sida aan ognahayna saxaabadii nebiga (scw) waxaa laga wariyaa in ay yiraahdeen: Nebigu maalmaha wacdiga waa noo gooraysan jirey isaga oo nacaya in aan ku caajisno darteed (كان النبي صلى الله عليه وسلم يتخولنا بالموعظة في الأيام كراهة السآمة علينا). Mar kale, rasuulku waa isaga saxaabiga ku yiri : “Xandalow goor iyo goor /يا حنظلة ساعة وساعة”. Cali bin Abii Daalibna waxaa laga wariyaa in uu oran jirey: “Naftu sida jirku u daalo oo kale bay u daashaa ee u raadiya xikmad ay ku nasato.”

Eraybixinta ‘Dhaqan-diimeedka angagan ama yaabiska ah /التدين اليابس’, waa eraybixin culumada islaamku ay waqti badan isticmaalayeen. Bilmatal, Shiikhii Al-Dahabi buuggiisa ‘Cibrada warka uumankii tagay /العبر في خبر من غبر”, isaga oo tilmaan ka bixinaya wadaad kale oo la oran jirey Shiikh Cabdisataar Al-Maqdasi wuxuu yiri: “sunnada ayuu ku dadaalay, oo aruuriyey, mucaaradkana kula dooday oo gaalaysiiyey, wuxuuna ahaa mid kooxaysi badan oo Ashcariyada ka gubta markaas bay ku tuhmeen in uu Alle jir u yeelo, sidoo kale waxay colloobeen Xanaabilada, wuxuuna lahaa akhlaaq qalafsan oo wanaagsan iyo diin angagan /عني بالسنة وجمع فيها، وناظر الخصوم وكفرهم، وكان صاحب حزبية وتحرق على الأشعرية فرموه بالتجسيم ثم كان منابدا لأصحاب الحنابلة، وفيه شراسة أخلاق مع صلاح ودين يابس”.

Dhacdo goorta ay dhacday iyo meesha ay ka dhacday toona aysan taariikhyahannadu xusin ayaa waxay leedahay sidatan;
Galab galbaha ka mid ah ayaa waxaa is raacay Ibliis iyo nin ay saaxiibbo ahaayeen si ay u soo majabaxsadaan. Iyaga oo socodkii majabaxsiga ahaa ku jira ayaa ibliis foorarsaday oo inta dhulka walax ka qaatay jeebka ku ritay. Dabadeed saaxiibkiis baa weydiiyey waxa uu dhulka ka qaatay. Wuxuu yiri: Xaqii (=The Truth) baan qaatay. Ma adiga oo ibliis ah ayaa xaqii qaatay? Haa oo xaqii baan haystaa. Oo xaqa soo ku guban maysid? Maya, ku guban maayo ee waan nidaaminayaa. Sida la sheegayna xaqii ibliis qaatay ee uu nidaamiyey wuxuu noqday diimaha nidaamsan ( organized religions).
Diintu waxay timaadaa iyada oo wanaag iyo qiyam sare xanbaarsan, laakiin kolka ay aadamiga gacanta u gasho waxay kula galgashaan danaysi iyo dhaqamo foolxun oo liddi ku ah ujeeddadii diintu u timid. Diinta nuxurkeedu waa in Alle la aqoonsado, abuurkiisana wanaag lagula dhaqmo. Nebiguna (scw) waa kii yiri: “diintu waa dhaqan wanaag /الدين حسن معاملة”.
Dabshidkii 1986, waxaa la daabacay buug yar oo uu qoray wadaad Maraykan ah oo la yiraahdo Robert fulgham, cinwaanka buugguna waa “Dhammaan Waxaan U Baahnahay In Aan Ogaado Xannaanada Ayaan Ku Soo Bartay / All I Really Need To Know I Learned in Kindergarten”. Buuggaan oo si weyn u faafay farriinta uu sidaa waxay tahay in dhammaan waxa qofku u baahan yahay in uu ogaado si uu nolol wanaagsan ugu noolaado lagu baro marxaladda carruurnimada, waxa intaa ka soo harayna ay yihiin sharraxaad iyo faahfaahin dheeraad ah. Xannaanada waxaa loogu sheegay: in uu si caddaalad ah u ciyaaro oo uu u hoggaansamo qaanuunka ciyaarta, in uu hagaajiyo waxa uu halleeyo, dadka ha ku xadgudbin, raalligelin bixi marka aad cid ku khaldanto, da’ kasta oo aad jirto marka aad dibedda u baxdo baabuurta iska ilaali, gacmaha is qabsada oo wadajirka ilaaliya. Ha illoobin in duhurkii aad xoogaa hurdo qac ka siiso, iyo in caanaha iyo muufadu kuu wanaagsan yihiin. Waxay ila tahay in ay adag tahay in intaan laga murmo. Guud ahaan, nuxurka buuggu waa in noloshu fududdahay, laakiin dadku adkeeyaan.

Si taa la mid ah, diintu waa fududdahay, waxaana lagu soo koobi karaa: inta aad nooshahay ku dadaal in aad Alle jeclaato, abuurkiisana xaqdhawrto. Laakiin aadamigu diinta fudaydkeeda uma daayaan ee waxay ku qurmiyaan danaysi iyo sharraxaad badan oo inteeda badani ay khaldan tahay ama ugu yaraan laga maarmi karo.

Dalka Indooniisiya waa kan waddamada Muslimka ah ugu dad badan, muslimiinta ugu badanna ay ku dhaqan yihiin. Dadka Indooniisiduna -sida Soomaalida oo kale- diinta waxay ku qaateen istikhyaarkooda iyada oo aysan jirin cid ku khasabtay, welina badankoodu waxay haystaan diin fudud oo Isfahan iyo wada-noolaansho ku dhisan. Dadkeeduna kama cawdaan dad diin ka yaacaya. Si taa liddi ku ah, waddamada Sacuudiga, Iiraan iyo Bakistaan waa waddamada ugu badan ee dadka diinta lagu khasbo, waqtiga ugu badanna lagu wacdiyo, sidaas oo ay tahayna hebeen iyo dharaar waxay ka cawdaan in dadku diinta ka didayaan.

Ku Allahoode, waxay wariyeen in Xajaaj bin Yuusuf (661-714) oo ahaa guddoomiyaha Ciraaq uu maalin maqlay wiil reer miyi ah oo akhrinaya suuradda quraanka ah ee ‘An-Nasr ama Idaa Jaa” oo u akhrinaya “Marka ay timaaddo guusha Alle iyo furashadu, oo aad aragto dadka oo diinta koox-koox uga baxaya/اذا جاء نصر الله والفتح ورأيت الناس يخرجون من دين الله أفواجا”.

Xajaaj wiilkii wuxuu ku yiri: war sidaad u akhrisay sax ma aha ee waa: “Dadka oo diinta koox-koox u galaya /يدخلون في دين الله أفواجا”, wiilkiina wuxuu ugu jawaabay: sidaas waxaa loo akhrin jirey ka hor intii adiga iyo kuwa kula midka ahi aydaan xukunka qaban. Laakiin intaad talada qabateen dadku diinta waa ka cararayaan/yaacayaan.

Qoraa: Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *