Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cibaadada Alle: Mahad-celin ama Ganaax!

Aadanaha rabbi ku dul uumay adduunka waa laba mid uun mid aqoonsaday rabigiis oo u mahad celiya iyo mid iska diiday oo u irkaday gaalnimo iyo inkiraad cad. Sooyaalka dunidan ee soo taxneyd tan iyo intii allaha abuuray oo kaliya og yahay waxay u qaybsanayd labadaa qaybood ee rumayn iyo diidmo ah. Rumaynta waxaa waligeed ka tarjumi jiray mahdin iyo u irkasho alle,halka diidmada ama gaalnimadu ay ka tarjumi jireen isla weynin iyo kibir.

Iimaanku waxaa astaan u ah mahdin sida marar badan diinta lagu sheegay,waxaad kalood ogaanaysaa markaad akhriso aayadaha alle in iimaankuba ka dhigan yahay shukrin iyo mahad celin had iyo goorba ay tahay in loo hayo rabiga inta abuuray aadanaha misana ku afuufay ruuxdiisa qaaliga ah. Ilaahay si uu inoo baro arimahaas waxa uu aayado badan inoogu sheegay in shukrintuba iimaanka ka dhigan tahay.

إِنَّا هَدَيْنَاهُ السَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا (3)
“Adanihii waxaan ku hagnay wadada wax kala garashada ama wuu rumayn oo mahad celini ama wuu diidi oo gaaloobi”. Nabi sulaymaan cs markii il biriqsi in ka yar loogu keenay sariirtii boqoradii reer saba ee balqiis wuxuu yiri: فَلَمَّا رَآهُ مُسْتَقِرًّا عِندَهُ قَالَ هَٰذَا مِن فَضْلِ رَبِّي لِيَبْلُوَنِي أَأَشْكُرُ أَمْ أَكْفُرُ ۖ وَمَن شَكَرَ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِ ۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّي غَنِيٌّ كَرِيمٌ (40)

“Markii uu arkay sariirtii oo agtiisa taal wuxuu yiri tani waa fadliga iyo dheeraadka rabigay, wuu i jaribayaa bal inaan mahdiyo oon shukriyo amase inkiro oo gaaloobo,waxayse arintu tahay ninkii mahadiya eebe naftiisa uun buu mahdiyay ninkiise diida oo ku gaalooba rabigay waa mid deeqtoon oo waliba deeqsi ah”. Wuxuu kaloo alle yiri:- “مَا يَفْعَلُ اللَّهُ بِعَذَابِكُمْ إِنْ شَكَرْتُمْ وَآمَنْتُمْ وَكَانَ اللَّهُ شَاكِرًا عَلِيمًا” (147)
“Ilaahay waxba ku fali maayo cadaabkiina hadaad u mahad celisaan oo rumaysaan ilaahay waa mid madin celinta aad u aqbala oo cilmi badan”.

Rasuulka scw markii ay haweentiisa caasha rc aragtay isaga oo si weyn rabi ugu irkaday kuna xeel dheeraaday cibaadadii rabbi iyo salaadda ilaa ay cagihii barareen waxay ku tiri maxaad isu dhibaysaa rasuulkii alloow adiga oo dambiyadaada oo dhan rabbi daayay,rasuulka scw wuxuu ku yiri:-caashaay miyaanan mudnayn inaan noqdo addoon shukrin iyo mahad celin badan.
‎”افلا اكون عبداً شكوراً”

Sideedaba cibaadada rabi noocay doontaba ha ahaatee waa calaamad u taagan oo ka tarjumaysa mahdinta rabiga nafta ku galiyay ee nolosha kugu hagay. Caabudida alle waa cibaaro mahdin ka dhigan oo lagu aqoonsado iimaanka iyo rumaynta allaha weyn ee uu qofku ictiqaadsan yahay. Iimaanka Alle iyo arimaha ka marag fura ee mahdinta iyo u irkashada ah maaha ganaax iyo itaal sheegad laga jawaabayo sida ay dad badanu moodaan ama loo fahamsiiyay.

Waxaad arkaysaa dad kala ordaya waqtiyada salaadaha iyo cibaadada oo aad moodayso in argagax la galiyay,iyaga oo leh waajib baan iska soo ridaynaa,tiiyoo la og yahay in la faray inay salaadaha soo xadiraan iyaga oo daganaan iyo xasilooni ku sugan.

“وعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” إِذَا أُقِيمَتِ الصَّلاةُ فَأْتُوهَا وَعَلَيْكُمُ السَّكِينَةُ وَالْوَقَارُ , فَمَا أَدْرَكْتُمْ فَصَلُّوا , وَمَا فَاتَكُمْ فَأَتِمُّوا ” .

“Kolka salaadda la aqimo waxaa laydinka doonayaa inaad timaaddaan idinka oo xasilooni iyo daganaan ku dheehan,oo aad ku tukataan jamaacada inta aad imaamka ku soo gaartaan wixii idinka tagayna aad aayar soo dhamaystirataan”

“Kala orodka iyo is karkabayntu maaha mid meesha ku jirta rabina qabata”.

Waxaa kale oo iyana ayaan darro ah in aad aragto marar badan dad ku tukanaya meelo aan salaad u suuban oo kolkaad weydiisana ku oronaya salaaddii baa halkan nagu qabatay,hadde ogow waa jid bartankii ama meelo aan munaasab ahayn oo ay dhici karto inuu isu socod xayiro ama uu si kalaba mixnad ugu noqdo hawl socotay,iyaga oo ka dhigan inay caabudayaan rabbi aan sugi karin tan iyo inta ay ka tagayaan goob salaad u suubata.

Kolka aad sawirato dadka noocaas ah waxaa kuu soo baxaysa sidii dad ganaaxan oo kaliya cidda ay ka baqayaan uu yahay alle ciqaab uun ula taagan. Aaway u irkashadii iyo weheshigii alle ee ay iimaanka iyo mahad celintu astaanka u ahaayeen?! Aaway ku faraxsanaantii iyo isu diyaarintii la kulanka eebbe waqtiyada khushuuca iyo daganaanta iyada oo ku timi doonis iyo hilow uu iimaan buuxa garwadeen ka yahay?!!!

Dad badan waxay u haystaan in gooraha tukashada ay ka dhigan yihiin kuwo alle dan ugudaya oo ay wax tar alle ku fooggan yihiin!!

Alle waa qani deeqtoon oo aan haba yaraatee waxba ku falayn ficil kasta oo ka soo fula addoomo masaakiin ah ee uu isagu ku dul uumay duni ay muddo yar dul saaran yihiin.

يَا أَيُّهَا النَّاسُ أَنْتُمُ الْفُقَرَاءُ إِلَى اللَّهِ وَاللَّهُ هُوَ الْغَنِيُّ الْحَمِيدُ ﴿۱۵﴾ .
“War dadyahow gidigiin waxaad tihiin fuqaro alle u baahan allana waa mid deeqtoon oo la mahdiyo”

Kaliya waxa uu alle dadka ka doonayo waa iimaan iyo rumayn iyo astaamo ka tarjuma oo ay shukrin iyo cibaado joogto ah hormuud ka yihiin.
Intaasna iyagay dani ugu jirtaa.

Cibaadaduna maaha salaad iyo soon iyo sako iyo xaj kaliya sida dad badanu moodaan,ee cibaadadu waa intaas oo saani iyo si rabbi ku haboon loo guto laguna daray cadaalad iyo dabeecad wanaagsan oo dulmi iyo kibir ka dheer.

Ugu dambayntii walaal waa inaan garanaa inuu Rabbi naga mudan yahay ixtiraam iyo in loo hayo mitaal sare oo mar kasta loo sugo wanaag kiisa ugu wacan.

وَلِلَّهِ الْمَثَلُ الْأَعْلَىٰ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ 60) “Ilaahay wuxuu leeyahay matal sare waana mid cisi iyo sharaf badan oo fal suuban”.

Qoraa: Sheekh Cabdullaahi M. Xuseen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *