Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bandhig: Buugga Kiimayada Farxadda (Sacaadada)

Abu-xaamud Al-gasaali, waa ustaad, imaam iyo aqoonyahan Muslim ah oo lagu hirto, mar waa Faylasuuf tijaabiyay soona afmeeray qaybaha kala duwan ee Falsafada, marna; waa Faqiih, ku fogaaday cilmiga fahan shareecada Islaamka, marna waxa uu u yahay tiir cilmiga caqiiddada Ashcariyada, oo uu ku soo kordhiayay fikrado iyo faallooyin fariid ah, mar kalena, waa Suufi ku fogaaday cilmiga akhlaaqda iyo la dhaqanka Alle iyo Aadane. Waxaase maalmahan danbe la sii ogaanayaa baaxadda cilmiga Abu-xaamud iyo dhumucda garashadiisa.

Buuggan kiimiyada Sacaadada, waa kitaab yar oo uu sheekha isku waydiinayay xilli hore, waxa ay tahay sacaadada iyo qaybaha (ingredients) ay ka kooban tahay ama lagu gaari karo, isaga isku guntaya aqoonta aadanaha iyo tan diinta kana miiraya aqoon iyo gorfayn maangal ah.

Barashada Naftaada

Sheekha waxa uu u doortay tiirka koobaad ee farxad-inaad ku waarto, barashada naftaada, taa oo ka soo dheegtay quraanka iyo oraahdii Nabiga. Waxa uu sheekhu leeyahay asalka aadanaha waa ruuxda ee ma aha qolfoofta ku dadan (jirka), waxa uu soo qaadanayaa aayadaha cadcad ee sheegaya in marka hore Eebbe (sw) ku beeray Aadanaha ruuxdiisa, kadibna uu abuuray jirka.

Abu-xaamud waxa uu qabaa in guuldarrada Aadanaha aduunka ay sabab u tahay il-duufka ka taagan midka ay tahay in la siiyo mudnaanta, ruuxda iyo jirka. Baahida jirka iyo nafta ayaa aad u kala duwan, sidoo kale doonistooda ayaa ah mid ah kaaf iyo kala dheeri.

Baahida Jirka

Sheekha ayaa arko, in Jirka leeyahay baahiyo seddex ah:

1-Baahida Xoolaha: Sida baahida cunto, biyo, hurdo, galmo iwm

2-Baahida Dugaagga: Sida baahida dugaagga u qabo inuu wax disho ama kidkidfo iwm

3-Baahida Shaydaanka: Badanaa ku salaysan sharta, xumaha aloos, isku dirdir, khiyaano, dhagar, aargoosiga iwm

Duxda doodad Abu-xaamud ayaa ku soo biyo shubanaysa in haddii uu qofka si wanaagsan u barto naftiisa, halka uu ka yimid, waxa uu ku sugan yahay, halka uu u dhamaanayo iyo sidoo kale haddii uu bartto caalmaka (kownka) inay u bidhaaminayso in uu si dhab ah u barto Eebbahii abuuray. Aqoontaa oo u hogaaminaysa inuu yeesho dhaqasnka Malaa’igta uuna ka badbaado seddexda aanu kor ku soo xusnay.

Dhaqanka Malaa’igta

Aadanaha ma noqon karo amana aha Malaa’ig, maadaama uu yahay mid ka gaddisan dhan walba, ha yeeshe, sheekha ayaa waxa uu kala jeedaa, in Aadanahu yeelan dabciyada Malaa’igta. Sida in uu ku sugnaado xaalad ku dhisan aqoon iyo qanaacad qofeed, inuu yeesho naxariis aan lahayn xuduud iyo xad, aargoosiga oo aan ka mid ahayn waxa uu ku fakiro, isaga oo maanka ku haya in qofka uu doonayo inuu ka aargoosto, uusan ahayn mid hagaagsan, sidaa darted, haddii uu isaga dhaadhaajiyo inuu u daadagayo heerkiisa.

Dhaqanka Malaa’igta ayaa waxaa kamid ah inay qaddariyaan kaalinta aqoonta (cilmiga) ku leeyahay nolosha, iyaga oo marwalba u heellan waxbarashada iyo waydiinta waxa aysan garanayn.

Sheekha ayaa ku soo gunaanadaya in qalbigu yahay kan haga guutooyin ciidan oo wadnaha shaqo galiyo, ku was oo kala ah Maskaxda iyo Jirka, mid walba oo iyaga ka mid ahna leeyahay shaqo laga sugayo, haddii uu liitana ay ay saamayn xun ku yeelanayso howl-galka ciidanka kale. Maskaxda iyada oo la shaqaynaysa wadnaha ayaa waxay soo saartaa caqli oo keena awoodda mala-awaalka hagaagsan, fakirka, xasuusta/xusidda, halka jirka uu ku filan yahay inuu fuliyo waxa la amro. Indhahu waxay eegayaan halkii loo diro, sidoo kale xubnaha kala duwan ee jirka.

Imaamka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanadaya in farxadda lagu helo seddex waxyaabood:

  1. Caqliga: Garashada ayaa ah dhufsane-yaraha farxadda, inaad ka shaqaysiiso marwalba oo ay wax ku la soo darsaan, waxay la mid tahay kicinta mutoorka gaarigaada markii aad doonayso inaad ku socdaasho. Bal ka waran qof haddii uu koro gaarigiise balse uusan ku wareejin furaha! Caqliga waxaa ka soo burqada aqoonta, hanuunka, toosnaanta, naxariista iyo samaha, waana waxsoosaarka labada ugu qaalisan jirka aadanaha, wadnaha iyo maskaxda isaga oo had iyo jeer awooddiisa ay xiran tahay duulis ay ku xiran tahay hadba inta ruuxda qofka ay awood leedahay.
  2. Dhiidhinta: Inaad wax dhibsato oo aad ka dhiidhiso, dhiidhintaa ayaa keenaysa inaad wax wanaagsan horseeddo. Balse haddii aad noqoto damiin aysan waxba diirin, markaa adiga laftaada ayaaba halis joogta ah ku jira. Dhanka kale, dhiidhintu waa inuu ku dhisan yahay qab habboon ee inuusan kaa noqon qabweynidii Abu-jahl oo kale oo aadan ka kibrin waxa hagaagsan.
  3. Jacaylka Nolosha: Taa oo kordhinaysa doonistaada (abitaytkaada) baahiyaha aadane ee aad qabto. Ictiraafka baahiyahaa (shahwada) ayaa kuu horseedaya inaad baadi goobto qaabab bannaan oo aad uga falceliso. Taa oo aad ku helayso dharagsanaanta jirkaada xaga baahiyahiisa, sida galmada, cuntada iyo raaxada guud ahaanba.

Qore: Cabduraxiim C. Shaafici

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *