Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shuruudaha Guud ee Xuquuqda

Cabdalla Aw-xasan

Xuquuqdu waxay leedahay shuruudo guud oo ka dhexeeya wixi xuquuq ah oo dhan sida dhaxalka, guurka, jihaadka, siyaasadda iwm, shuruudahaasi waxay caddeeyaan in xugunku sax yahay in kale, in waqtigan wax badan oo xagga qaanuunka ah laga cabanayana waxaa keenay shuruudahaas ka maqan kutubaha fiqiga iyadoo aayadaha shuruudaas laga fahmayo quraanka ku yaalliin culimaduna sida ay tahay u fasireen.

Xuquuqdu waxay ka kooban tahay 2qayb kala ah dhib iyo dheef/ضر ونفع (wanaag iyo xumaan/حسنات وسيئات), wixi wanaaga qofku wuu bixin karaa isaga oo aan wax ku bedelan, laakiin wixii la gudayo sida daynta ama wixi ciqaab ah sida qisaasta lama dhaafin karo inta ay le’eg tahay in wax laga dhimo mooyee.

Matalan qof aan wax kugu lahayn wax waad siin kartaa, hadi uu wax kugu lahaana markaad dayntiisa siisid wax waad ugu dari kartaa, laakiin isagu xaq uma laha inuu kugu qasbo inaad siisid wax ka badan dayntii uu kugu lahaa, sidoo kale qof aan wax ku yeelin wax ma yeli kartid mana ciqaabi kartid.

Aayaadaha shuruudaas laga fahmayana way badan yihiin sida aayadda 160 al-ancaam ee alle yiri; “qofki la yimaada wanaag wuxuu leeyahay tobanlaab, ciddii xumaan la timaadana laguma ciqaabo wax u dhigma xumaantooda mooyee, iyaga oo aan la dulminayn/من جاء بالحسنة فله عشر أمثالها ومن جاء بالسيئة فلا يجزى إلا مثلها وهم لا يظلمون”,

Aayadaha sida gaarka ah u caddeeyey shuruudda ciqaabtana waxaa ka mida aayadda 126 al-naxli ee alle yiri; “Hadi aad ciqaabtaan ciqaaba inta la idin ciqaabay in le’eg, inaad se sabirtaan ayaa u khayr badan kuwa sabra/وإن عاقبتم فعاقبوا بمثل ما عوقبتم به، ولئِن صبرتم لهو خير للصابرين”

Waxaa aayadan laga qaadanayaa in dadka denbiga laga galay khiyaar u leeyihiin in qofka loo ciqaabo ama ay cafiyaan iyo inaan qofka lagu ciqaabi karin wax ka badan wixii uu gaystey, taasoo ka dhigan in dadkii gala denbi isku mida ciqaabtooduna isku mid tahay.

In shuruudani ka maqan tahay kutubaha fiqiga khaasatan kuwa xuduuddana waxay keentay in ciqaabo badan oo loo maleeyey in islaamku qabo inay khilaafsan yihiin shuruudi quraanka laga fahmayey ee loo dejiyey wixii ciqaaba.

Matalan in qof aan cidna wax yeelin waxna lagu lahayn in la adoonsado kadibna lagu shaqaysto ama idan la’aan lagu guursado waxay keenaysaa in qofkaas la ciqaabay iyada oo ayna jirin wax laga gudanayo.

Sidoo kale in nin iyo naag isu tegey oo sameeyey ficil isku mida in mid dhagax lagu dilo, midna 100 jeedal oo keliya lagu dhufto waa arin khilaafsan shardigii ahaa in dadkii wax isku mida sameeya isku xugun yihiin, iyadoo ay sii dheer tahay in qofka dhagaxa lagu dilayo uu yahay qof aan wax dilin.

Sidoo kale in qof xaday 100$ iyo mid xaday malaayiin doolar isku xugun laga dhigo waa arin khilaafsan shardigii ahaa in dadki sameeya wax kala duwan xugunkooduna kala duwanaado, iydoo ay sii dheer tahay in maalku yahay wax ka jaban xubnaha taasoo ka dhigan in qofkii xubin loo jaro maal dartii in la ciqaabay wax ka badan wixii lagu lahaa.

Sidoo kale dadkii cadow ah waxaa la amray in laga saaro meesha ay qabsadeen oo keliya, dagaalkana laga joojiyo hadi ay joojiyaan sida alle yiri; “ka saara meesha ay idinka saareen … hadi ay rebtoomaanna cadowtinimo mar jirto kuwa daalimiinta ah mooyee/ وأخرجوهم من حيث أخرجوكم … فإن انتهوا فلا عدوان إلا على ا الظالمين”, 191-193 al-baqara.

Sidaa darteed in jihaadka loo maleeyey inuu yahay dagaal iska furan oo dacwo lagu fidinayo waa arin khilaafsan shuguudaha dagaalka ee quraanka ku cad, maxaa yeelay dagaalku waa nooc ka mida ciqaabta, taasoo ka dhigan inaan dadka loo gaysan Karin wax ka badan wixii ay gaysteen haday naf tahay iyo hadi ay maal tahayba.

Arrimahan iyo kuwa kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin waxay ishaaraayaan inay daruuri tahay in dib loo dhaqan geliyo shuruudaha guud ee xuquuqda iyo in dib loogu noqdo tafsiirka adillada laga qaadanayo xugunka.

Matalan dumarka la mulkiyey ee quraanka lagu sheegay lagama wado kuwo adoomo ah maxaa yeelay waxaa kala jira wax isaga oo dhan la mulkiyo sida maalka iyo wax la mulkiyo nafcigiisa oo keliya sida daynta iyo guurka, sidaa darteed dumarka la mulkiyey waxaa laga wadaa kuwa la mehersadey, taasoo ka dhigan in dumarkuna mulkiyeen ragga guursadey, sidaa darteed hadii aan la iska hubsan tafsiirka quraanka waxaa lagu dhici karaa qaladaad aad u waawayn..

Qore: Cabdalla M. Aw-xasan