Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ibnu-Rushdi

Magaalada Qurduba ee carriga Andalus (Spain-ta maanta) ayaa nasiib u heshay in uu ku dhasho mid kamid ah caqliyadii ugu sareeyay ee caalamka soo mara; halyeey kasta iyo wakhtigiis, dabshidkii 1126-kii, qoys u badan culimmo iyo reer boqortooyo ayaa mar qura u dabbaal degay dhalashada wiilkooda, qof kale ma ahee waa Ibnu Rushdi (Averroes).
Abuu Waliid, Muxammed Bin Axmed oo ay taariikhdu u taqaanno ”Ibnu Rushdi” waa mid kamid ah magacyada ugu mudan sooyaalka malabka ah ee cullimada Islaamka kuwooda cilmiga maaddiga iyo diinniga isku muudsaday; waxa uu ka dhashay qoyska cilmiga lagu tuhmo, awoowgiisa “Ibnu Rushdi” wuxuu ahaa wadaad Maalikki (Mad-hab ahaan) faqqiih la yaqaanno, immaamka masjid Jaamaca Qurduba, madaxya waynta dowladdii Muraabbidhiyiinta(1) sidoo kalana sulddan mudnaantiisa ku dhexlahaa deegaanka uu kasoo jeedo.

Ibnu Rushdi ayaa bilaabay in uu barto cilmiga sharciga, waxaana uu gaaray heer uu dhallinyaronimada ku xifdiyo kitaabbo badan oo uu kamid yahay Muwada’ Imaam Maalik (2), wixii intaas ka dambeeyay wuxuu fursad u helay in uu akhristo kutubta Falsafadda ah ee ay ka tageen qaar kamid ah culimmadii ka horreysay ee magaaladiisa kasoo jeeday.

Nasiibka iyo halkii! Waxaa uu daraaseyn badan ku sameeyay buugaagta iyo qoraalladii filasuufkii Gariigga ahaa ee Aristotle (3) kaas oo kamid ahaa udubyadii cilmiga Falsafadda casriga, taas waxa ay Ibnu Rushdi u sahashay in uu la imaado aragtiyo u gaar ah, oo iskugu jirta mid falsafadeed iyo mid kalaba.
Inkastoo ay jiraan shakhsiyaad u badan wadaaddo oo dhaleeceeya aragtiyihii Ibnu Rushdi, haddana mar walba caqligiisii u diyaarsanaa Maanfurka ayaa u sahlay in uu noqdo mid kamid ah halyeeyada Muslimmiinta kuwooda ugu mugga iyo magaca dheer, kolka aan ka eegno dhanka falsafadda.
Markii ay bateen kutir kuteenka laga baafiyay Ibnu Rushdi, inta badanna dadka ay u rumeysteen in uu yahay “Gaal alle la furtay” iyo “Mulxid jiritaanka rabbi kasoo horjeeda” ayuu go’aansaday Almansuur Almowxiidi(4)oo ahaa sulddaankii Muslimmiinta in la gubo buugaagta Ibnu Rushdi, isna loo dhoofiyo dhankaa iyo magaalada Lacena(5) , taas oo keentay in ay badato dhibaatada shakhsiyadeed ee uu wajahayay wadaadka, oo ay culimmo si qalddan u fahantay sharraxaaddiisii ahayd “Diinta Iyo Falsafadda iskama hor immaanayaan” ay kula kacayeen.

Waxyaabaha ugu waa wayn ee uu rumeysnaa wadaadka waxaa kamid ahaa in uu aaminsanaa jiritaanka laba aqoon oo laba kala daraf ah, ha yeeshee aan is diideyn oo is qaadanaya, waana aqoonta caqaddiga ah; waa aqoonta diimmaha laga dhaxlo, oo ay adag tahay in si mucleh loo fahmo, ama la iskaga dhigo, udubka ay ku taagan tahay awgeed.

Aqoonta kale ee jirtana waa aqoonta garaadka iyo ged geddinta ummuurraha (Epistemology) taas oo qofka ka saacideysa in uu xaqiiqqooyinka jir dhab u fiirsado, meel u mudanna ka istaago; waxaana uu raacay waddadii ay mareen Labadii cabqarri ee Plato(6) iyo Aristotle kuwaas oo ku xeerdheerraaday cilmigaas.
Afar waxyaabood oo goor kasta mudnaantooda leh, islamarkaana gundhig u ah jiritaanka qofka wanaagsan ayuu ku waafaqay Ibnu Rushdi Filasuufkii reer Gariig ee Plato, waxaana ay kala yihiin:- Caddaaladda, Garashada, Dhowrsanaanta iyo Geesinnimada.

Qoraalladii Ibnu Rushdi
Afar qaybood oo kala qollo ayuu is isu qaab ah wax uga qori jiray; Falsafadda, Caafimaadka, Suugaanta iyo fanniga Fiqqiga ayuu xeeldheerre ku ahaa, iyadoo ay u wehliso cilmiga caqiiddooyinka oo uu aynnigiisa kaga mudnaa kalkaas.
Buugaagta waa wayn ee lagu xasuusan doono waxaa kamid ah;-
تهافت التهافت.
شرح أرجوزة ابن سينا.
جوامع سياسة أفلاطون.
بداية المجتهد ونهاية المقتصد.
الكشف عن مناهج الأدلّة في عقائد الملّة.
Waxaa jira buugaag kale iyo qormooyin ciidda ka badan oo uu leeyahay filasuuf Ibnu Rushdi, ha yeeshee waxa aan keliya kusoo koobayaa waayihiisa iyo wacyigii uu galay iyo waxa maanta naga quseeya.
Ugu dambeyn dunida ayuu ka huleellay Abuu Waliid Ibnu Rushdi sannadku markuu ahaa 1198-kii, waxaana uu ku geeriyooday magaalada Marrakesh ee carriga dalka Marroco ee Wuqooyiga Afrika; saddex bil ka dib geeridiisa ayaa xabaashiisa loo soo rarray magaaladiisii Qurduba, halkaas oo markale aas mudnaantiisa lahaa loogu alallaasay.
Gèesinnimo, garasho, caddaalad iyo hufnaan haddii uu qof ku sifeysmayo, Ibnu Rushdi wuxuu ahaa kuwa ugu mudan ee majaalkaas lagu maammuuso.

Xikmadahii Ibnu-Rushdi

“La fadhiga kuwa wanaagsan, lixbaa lix looga faa’iidaa; shakiga ayaa yaqiin looga faa’iidaa, istus tuska ayaa looga guuleystaa ikhlaaska, dhoohannaanta ayaa feejignaan lagu doorsadaa, adduun jaceylkaa Aakhiro u hilowga looga faa’iidaa, isla waynigaa is dhul dhig lagu baddashaa, niyad xummadana sammaan looga helaa”.

“Suurta gal ma ahan in uu alle na siiyo caqliyo, haddana na siiyo sharreeco ka hor imaaneysa caqliga, mar walba caqliga iyo shareecada iskama hor imaanayaan, ee sida aan u fahanno ayaa gaabis ah”

“Qofkii aan deg degin wuu gaaraa wuxuu gocanayo”

“Garku ma sammeeyo xikmad badane ” (اللحية لا تصنع الفيلسوف.

“Ganacsiga Diimmaha waa kan ugu faa’iidada badan marka la joogo suuqa bulshooyinka jahligu hareeyay”

JAANTUSYO
(1)- (1056-1147) ka talineysay waddamada Galbeedka isku oran jiray ee Morroco, Muritaaniya, andalus iyo qaybo kamid wuqooyiga Afrika.
(2)-Waa wadaad kamid ah culimmada falsafadda gaar ahaan midda qaddiimka ah ee Gariiggii hore lol nisbbeeyo, waxaana uu ahaa ardaygii Plato( Aflaandon).
(3)-Waa mid kamid ah ammiirradii ka taliyay Qurduba, waxaana dhalay Abuu Yacquub Almowxiiddi.
Kutubta Fiqqiga kuwa ugu caansan waxaana qoray imaam Maalik Ibnu Annas.
(4)-Waa mid kamid ah ammiirradii ka taliyay Qurduba, waxaana dhalay Abuu Yacquub Almowxiiddi.
(5)- Tuullo ku taallay duleedka magaalada Qurduba oo hadda magaalo wayn isku baddashay
(6) Aflaadhon.

Qoraa: Cabdiwahaab Axmed Cali (Elfarabi)