Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shareecadu ma khilaafsan tahay dastuurka?

Ugu yaraan wax ku dhow 10-dal muslin ah waxaa waqtigan ka socda dagaallo ama qaraxyo ay wadaan dhalin yaro wadaado ah oo hadafkoodu yahay inay caddaaladda islaamka dadka ku xukumaan, inay dagaaladaas galaanna waxaa keenay in laga dhaadhiciyey in dawladaha dastuurka ku dhaqma ay yihiin gaalo aan wax lagu darsan Karin, taasoo ay u arkeen inay bannaan tahay in lala dagaalamo si loo helo dawlad islaami ah oo shareecada hirgelisa. Waxaan maalin web-site ka akhriyey maqaal uu qoray nin dhalin yaro ah oo aan u malaynayo inuu falastiini ahaa, maqaalkaas oo uu u bixiyey “waajibka maqan/الفريضة الغائبة” oo uu ka wado jihaadka laga tegey.

Wuxuu maqaalkiisa ku xusay in shareecadu waajib tahay isagoo u daliishaday aayadda 44 ee suuradda al-maa’ida ee alle yiri; “ciddii aan wax ku xukumin wixi alle soo dejiyey waa kaafiriin/ومن لم يحكم بما أنزل الله فألئك هم الكافرون” wuxuuna ku daray inaan shareecadu dhaqan geli Karin illaa la helo dawlad islaami ah, dawlad islaam ahna inaan la helayn in la jihaado mooyee, waa arinta keentay in jihaadku noqdo xalka keliya ee dhalin yarada salafiyada qaarkood wax ku raadiyaan.

Maxaa ka jira in shareecadu maqan tahay?

Qaanuunka ay dawladuhu ku dhaqmaan khaasatan carabta marka laga reebo sacuudiga oo aan dastuur lahayn wuxuu ka kooban yahay 2qaybood, qayb loo bixiyey “al-axwaal al-shakhsiya/الأحوال الشخصية” oo laga wado wixi khuseeya qof ama qoys sida dhaxalka, guurka, dhalaaqa iwm, qaybtan dhammaanteed waxaa laga soo xulay kutubaha fiqiga khaasatan kuwa sunniga.

Qaybta 2aad waa dastuurka dawladaha u qoran oo aan sida qaalibka ah ka badnayn 300 oo qodob, waana qodobo ku saabsan maamulka iyo qaab dhismeedka dawladda sida shaqada madaxwaynaha, wasiirada, hay’adaha, baarlamaanka, maxkamadaha iwm, sidaa darteed way ku yar tahay ama kuma jirto wax qaanuun ah oo la oran karo caddaaladda ayuu ka hor imanayaa.

Laakiin waxaa xusid mudan in ayna maxkamaduhu fulin qaar ka mida waxa ay culimadu ugu yeeraan xuduudda sida xadka zinada (jeedalka iyo dhagax ku dilka) iyo tuugga oo lagu ciqaabo ciqaab aan ahayn gacan goyn sida xarig, ganaax iwm, markii laga reebo sacuudiga oo iyagu fuliya xuduudda inteeda badan.

Sidaa darteed marka ay culimadu leeyihiin wadankaasi kumo dhaqmo shareecada islaamka waxa ishoodu qabatay waa dhawrkaas qodob ee ciqaabta ku saabsan, qodobadaasna waxay dawladuhu uga tagaan inayna caddayn, qofkuna xaq buu u leeyahay inuu ka istaago wixi shaki kaga jiro, taasoo daliil u ah inayna u diidin inay diinta diidan yihiin maxaa yeelay wixi caqli ahaan dadka ka daadegi karasida qisaasta way aqbleen.

Waxaa se habboonayd in culimadu is garab dhigaan inta dadku ku dhaqmeen iyo inta ayna ku dhaqmin si ay u rajaxaan dhinaca qaalibka ah, maxaa yeelay qofkii burburiya wax qaalibkiisu khayr yahay khayrka uu burburiyey ayaa ka badanaya sharka uu burburiyey, in culimada qaar ayna dadka ugu cudur daarin waxa yar ee ay u arkeen inay ka tageenna waxaa u sababa inay aaminsan yihiin in islaamku yahay wax isku xiran oo aan nus iyo rubac midna lahayn.

Waxaa taa ka sii daran in qodobada ay leeyihiin waa laga tegey oo waa lagu gaaloobay inay yihiin qodobo ayna culimadu u fiirsan maxaa yeelay xadka sinada waxaa laga qaatay aayad la yiri waa la nasakhay oo aan quraankaba ku jirin, iyada oo ay quraanka ku caddahay xugunka qofka sinaystay hadi uu guur soo maray iyo hadi kalaba.

Sidoo kale aayadda 126 ee suuradda al-naxli waxaa laga fahmayaa inaan qofka lagu ciqaabi Karin wax ka badan wixii uu gaystey, taasoo ka dhigan in macnaha “saariq” ka guda wayn yahay sida loo malaynayo, maxaa yeelay maal iyo gacan maaha 2wax oo isu dhigma sidaa darteed macnaha saariq wuxu noqonayaa wixi si qarsoon loo sameeyo oo dhan sida ay soomaliduba u tiraahdo “shaygaas ama waxaas isha ayaan ku xaday”.

Sidaa darteed si la isu waafajiyo labada aayadood, qofka gacanta la jarayo waxaa laga wadaa qof si qarsoodi ah gacan u gooyey, maxaa yeelay xubin waxaa u dhiganta xubin sida laga fahmayo aayadda 44 ee suuradda al-maa’ida.

Sidoo kale aayadaha 44-45 ee suuradda al-maa’ida waxaa laga fahmayaa in macnaha kufri laga wado dulmi maxaa yeelay kalimada dulmi waxay gashay booska kufri, dulmiguna mid yar iyo mid wayn buu u kala baxaa, sidaa darteed qofkii aan caddaalad wax ku xukumin dulmiga uu ku dhacay ma gaarsiisna dil hadi uuna qof dilin ama uuna ahayn qof fasaad u sacyinaya (inuu wax burburiyo u ordaya) sida laga fahmayo aayadda 32 ee suuradda al-maa’ida, sidaa darteed in qofki kufri lagu sheego oo dhan i loo maleeyo in dhiigiisu bannaan yahay waxay ka mid tahay masaa’isha loogu dhaqmo si ka duwan sidii laga rabey.

Hadii aan u fiirsanno aayadaha aan ka soo hadalnayna culimada ayaa daliilku ka hoos baxay sidaa darteed dawladaha iyo dadwaynuhuba inay xuduudaas ku diidaan way ku saxsan yihiin, taasoo ka dhigan in dadka muslinka ahi shareecada ku dhaqmaan 100% ama ugu yaraan 99%, sidaa darteed culimada aaminsan in shareecadu maqan tahay waxay raadinayaan wax aan maqnayn, taasoo dhigan in jihaadka shareecada lagu raadinayo inaan weligii lagu guulaysanayn.

Waxaa kale xusid mudan in dhalin yarada iyo dawladaha is dagaalaya cidda madaxa isu gelisay ay tahay culimada aan ka fiirsan tafsiirka diinta, degdega dhalin yaraduna wuxuu keenay in wixii ay culimadooda ka maqlaan oo dhan run moodeen, taasoo keentay inay naftooda iyo dadkii ay ka dhasheen ee soo koriyey labada halaagaan “iyagoo moodaya inay khayr samaynayaan/ وهم يحسبون أنهم يحسنون صنعا.” 104 al-kahfi.

Sidaa darted waxaa muhiima in qofku diinta kaga dhaqmo wixi uu garanayo ama uu rajixi karo inuu wanaag yahay oo keliya maxaa yeelay inaad culimada tala saarato ka dibna aad ku raacdo wax kasta oo afkooda kasoo baxa waxay keentaa in wixii ay gefaan adiguna aad gefto iyadoo ayna culimadu kuu gudi doonin wixi khasaara ah ee ku gaara marka ay meel daran kaa tuuraan.

Taa macnaheedu maaha inaan culimada wax laga qaadan Karin maxay yeelay wixi shar ka madhan way bannaan tahay in cid walba laga qaato sida barashada quraanka, luqadda carbiga, sadaqada iyo wixi kale oo khayra, waxaase laga taxaderaa wixi dhib ku jiro sida dagaalka, qof la ciqaabayo ama maalkiisa la dhacayo ama la adoonsanayo iwm, sida ay soomaaliduba u tiraahdo “khayr wax kaama dhibee shar u toog hay”.

Qore: Cabdalla M. Aw-xassan