Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Garashada iyo Go’aanka!

Marka la qiimaynayo caqliga qofka waxaa la eegaa qoto dheerida garashada shaqsiga ” IQ” ayada oo la adeegsanayo su’aalo ku saabsan xusuusta “memory”, dhiraandhirinta ” analysis”, xallinta iyo furdaaminta mushkiladaha markaas la gorfeynayo- “problem solving”. Qofka caadiga ah ee Soomaaliga ah inta badan waa qof garasho dheer oo si fudud uga gudbi kara su’aalaha lagu cabiro heerarka kala duvan ee garashada ” IQ” isla markaana si fiican u fahmi kara hadba mawduuca markaas miiska saaran.

Marka la eego suugaanta hodanka ah iyo farsamooyinka kala duwan ee xoola dhaqatada Soomaalida ku maareeyaan nolosha qallafsan ee dhulka qorfaha ee Geeska Afrika, waxaa si fudud lagu ogaan karaa in caqliga qofka Soomaaliga ah uu yahay mid qoto dheer.

Haddaba su’aasha sixirka ka daran waxay tahay haddii qofka Soomaaliga ah sidan qotoda dheer u caqli badan yahay, waa maxay sababta ka danbaysa silica Ivo darxumada qof walba oo Soomaali ah uu la noolyahay qarnigan.

Dad badan oo Soomaali ah oo waliba u badan dad wax bartay ayaa ku dooda in Soomaalida uu la haray Jahli baahay; sidaa daraadeedna loo baahanyahay wacyi galin iyo muxaadarooyin diini ah oo bulshada lala gaaro. Badanaa dadkaa aqoonyahanka ah ee sidaa ku dooda ma ahan dad u fiirsaday caqliga fog ee qofka Soomaaliga ah. Tusaale ahaan, aqoonyahankaas sidaa ku doodaya ma ahan dad aad u baaray dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.

Haddii suugaanta iyo maahmaahyada Soomaalida la eego, waxaad ogaanaysaa in Soomaalidii hore Iyo Soomaalida hadda joogta ay ka gabyeen ama ka buraanbureen wanaag walba iyo xumaan kasta oo nolosha ku saabsan.

Haddaba jawaabta su’aasha kor ku xusan ma ahan in qofka Soomaaliga ah laga saaro jahli ku raagay ama aqoon darro diidan kala garashada wanaaga iyo xumaanta. Muddo badan ayaa jawaabta su’aashan baadigoobayay. Waqti dheer ka dib waxaan xaqiiqsaday in garashada iyo go’aanka yihiin laba awoodood oo kala madax bannaan. Culimada nafsiga waxay ogaadeen in caqliga iyo fulinta waxyaabaha caqliga uu gartay uusan ka dhaxaynin xiriir sidaa u weyn. Tusaale ahaan, qof caqli badan oo garashadiisa ku ogaaday in khamri cabida ama qayilaada qatar ku tahay caafimaadkiisa ayaa har iyo habeen ku mashquulsan qayilaad ama khamri cabid.

Qofkaas uma baahna wacdi iyo waano ku saabsan khamriga ama qayilaada basle wax u baahanyahay go’aan adag iyo dhaqan celis (Rehabilitation). Go’aanka badanaa waa karti qofka ku fulin karo qosho uu garashadiisa ka dhalaaliyay ka dib markt uu muddo gorfeeynayay dantiisa gaarka ah. Marka aad u fiirsatid, khudbadaha xikmadaha badan ee lagu qurxiyay qiirada iyo farshaxanka ee siyaasiyiinta Soomaalida jeediyaan marka laga hadlayo wanaaga dawladnimada waxaad fahmaysaa in siyaasiga Soomaaliyeed uusan ka garasho iyo caqli liidan siyaasiyiinta adduunka. Sidoo kale marka aad aragtid isku soo baxyada Ivo waliba baaqyada qurxoon ee ururada bulshada Soomaalida soo bandhigaan waxaad garanaysaa in ururada rayidka ah ee bulshada Soomaaliyeed yihiin kuwo aad u garasho fog marka la barbardhigo dhigooda qaarada Afrika.

Maadama garashada iyo fulinta wixii garashada lagu ogaaday kala madaxbanaanyihiin, waxaa si fudud lagu ogaan karaa in dhibaatada qofka Soomaaliga ah haysata ay tahay basarxumo isbaaro u dhigatay fulinta go’aamadii la isku ogaa!. Waxaan dhowr jeer goobjoog u ahaa dib u heeshiisiinta mucaashqiin Soomaali ah oo caashaqii ku dagaalamay. Ma yara inta jeer ee marqaati aan ka noqday mucaashaq Soomaali ah oo ku calaacalay in qaladkiisa uu garawsaday, mardanbana qaladkaas uusan u noqon doonin.

Nasiib darro, waxaan dhowr jeer arkay mucaashaqii calaacalay oo muddo yar ka dib isla qaladkii dib ugu noqday asaga oo qoslaya oo waliba la yaaban balaayada ku guuraysa ee u diidan fulinta go’aankii uu ka gaaray basarxumadii lagu dagaallamay!

Haddaba dhibaatada daba dheeraatay ee Soomaalida haysata ma ahan garasho la’aan balse waa go’aan xumo diidan fulinta wanaaga qofka Soomaaliga ah uu garanayo.

Basarxumada noocan ah ee diidan in go’aankii la isku ogaa la fuliyo waxaa looga caafimaadi karaa dhaqan celin baahsan iyo hawlgalinta xarumo la mid ah kuwa Dr. Xabeeb oo qofka Soomaaliga ah lagu barayo sida loo fuliyo waxyaabaha wanaagsan ee garashadiisa uu ku fahmay!

Gabagabadii, bulshooyinka badanaa sida Soomaalida cudurka uu kaga dhaco fulinta go’aan wadareed ” collective decions” uma banha dawlad dimoqoraadi ah iyo baarlamaan murma waayo wixii laga doodo ama la doorto lama fulin doono oo daaqada ayaa laga tuuri doonaa.

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cowsey