Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Muhiimadda Wada-shaqaynta

Marka meel gudcur ah Laambad qura ka shidan tahay lamid ma ahan iftiinkii ay bixin lahaayeen, marka la isugeeyo laambado. Taasina waa lamid howl qofi u holladay qabashadeed iyo marka dhowr qoffood kawada shaqeeyaan. Maba ugu sii jirto howshaasi marka danguud sii noqoto.

Sannadkii 2015tii baannu aad ugu baahannahay in aannu u magac bixinno howl bulshadeed oo billow ahayd xilligaa. Mid walba oo naga tirsannaa wuxuu tixay magacyo uu islahaa waa kuwii ku habboonnan karay howshaa, ilaa qaarkeen saaxiibbadood iyo kuwa jaal nagula ahaa howshaasi fekrado kasoo aruuriyeen.

Maskax tuujin, dhiraandhirin iyo falanqeyn dheer kaddib, waxaa ka soo baxay magac innaga iyo saaxiibbadeennii kale ba ay aad u la dhaceen. Waxay nagu abuurtay yididdiilo hor leh ee na sii jecleysiisay wadashaqaynta. Sidoo kale na tusaale cad noogu noqotay sida wadashaqayntu looga mahadiyo howlaha.

Ganacsiga dhankiisa markaad fiiriso, waxaad maqlaysaa ganacsato dhahaya ‘dukaanka si fiican ma u kala socdo, hebla/hebal way isaga baxday suuqa kaddib markii ay iflaastay/cayrtowday, iwm’. Taaasina waa ka qeyb mirihii ka dhashay marka addeegyadii suuqa yaalay ka badnaadaan dalabkii bulshadiisa. Balse kaalinta wadashayntu ka geysan lahayd arrinkan baa noqon lahayd; haddii markii hore ba ganacsatadaasu ka baaran degi lahaayeen oo waayo-aragnimada haweenkii/ raggii ay garanayeen ee kaga horreeyay talo iyo tusaale weydiisan lahaayeen, sidookale na si fiican ugu kuurgeli lahaayeen, baahida dhabta ee suuqa, islamarkaas na kuwa tashiga iyo tusaaleynta loogu tegay na daacadnimo ugu warrami lahaayeen waayo-aragnimadooda, waxaa meeshaasi kasoo bixi lahaa:

1-In biseylka iyo fahamka ganacsigu sii xooggeysan lahaa, taasoo meesha ka saari lahayd in shirkado ama dukaammo wada mid ah ee is hareer yaala, aysan bixin dalab ka badan suuqooda. Badi, sida hadda dhacdo.

2-In uu xooggeysan lahaa fursadaha isbaheysi ganacsiyeed oo wadajir ah, ku na fekera; ‘aan wada guuleysanno’.

3- Waxaa yaraan ama suuli lahaa tartanka shaqsiyaad gaar ah suuqa looga saarayo.

4- Haddii ganacsaduhu qaasaaro, waxaaa suuragel noqon lahayd in baaxadda qasaare ee gaarta in aannu mar na la sinaanin tan ka dhalatay wada shaqeyn la’aanta.

Ogaalkey markii iigu dambeysay waddanka, shirkado isgaarsiinneed oo 20 sanno iyo ka badan waddanka ka howl gala ayaanan isticmaaluhu awoodi karayn in qof kale oo heysta addeega isgaarsiinneed ee shirkad kale in uu toos uga wacdo ama farriin u diro. Waa maxay filashada wada shaqayneed ee kale laga sii sugi karo? Waa biseyl la’aan!

Warbaahinta Bulshada sida Facebook, Twitter iyo Instagram, waa shirkado kala madax banaan oo midda ugu badan asaasan tahay 13 sanno, haddane wada shaqayn xooggan baa ka dhaxeysa. Taasoo adeegsatada barahaas u fududeysay in mar qura haddii ay rabto/ rabo sawir, qoraal iwm, iyadoon/isagoon kan kale furin ku daabacdo safxadeeda/ page-keeda.

Qiyaas dhinaca kale 1960-kii Soomaaliya miyey ka xorroobi lahayd gumeystihii haddaanu dhallinyaradii dhexdooda iyo duqeydii berigaa wada shaqeyni dhex oolleen? jawaabtu dabcan waa MAYA. Sidaasoo kale ayaannu MAANTA Soomaaliya sinna uga fursaneyn xal u helideeda wada shaqayn xooggan oo dhexmarta hoggaanka dalka, siyaasiyiinta, saxaafadda, ciidanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waana hubanti in Soomaalida maanta dan weyni ugu jirto nabadeynta, dhaqan gelinta hadalkii Joseph Rain ee ahaa “awooddeenna ugu weyni waxay ku jirtaa WADA SHAQEYN, ma ahan TARTAN”.

Ugu dambeyntii, wadashayntu marka ay tiir u noqdaan rabitaan qeyxan, ruuxaaniyad na ku laran tahay iyo ficil qorsheynnoo lasii raaciyey, Allaa ilehe waa malab.

Qore: Nasra Bakaal