Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waydiimaha Soomaalida Qurbaha

Soomaalida dibadda ku nool waa ay badan yahiin, ma aha dad gurbada u tagay shaharsi iyo xaraf-raac ee waxay u badan yahiin indhahii umadda iyo reer magaalkii qaxay xilligii dalka faraha ka baxay dowladdiina burburtay. Badidood waxay aad u danaynayaan wararka dalka, taa oo muujinaysa sida ay niyadda ugu hayaan soo laabasho. Waxaa kale, oo ay legdan adag kula jiraan sida ay tartiib uga soo dhamaan lahaayeen nolosha iska qabow ee ay ku noolyahiin ayna u dooran lahaayeen nolol bilaw ah, aan lahayn adeegyada asaasiga ah ee ay ka helaan halka ay joogaan. Sidaa darteed, labo tallanka waa waxa dib u sii dhigayo go’aankooda cabsina ku abuurayo.

Qofkii dalka ka yimaada way jecelyahiin, way xiiseeyaan sheekadiisa, waxay ka weheshadaan dalkii iyo dadkii. Waraysi dhan walba ah ayay ku maansheeyaan. Waxay dadkani u qaybsan yahiin dhowr koox oo aan waxay wadaagaan yaryahiin.
1-Koox ka quusatay Soomaaliya una arko taariikh hore oo dhamaatay. Kooxdan waxay ku nool yahiin quus rajo iyo nolaleed, waxayna muujiyaan la yaab haddii ay maqlaan is beddel iyo horumar laga soo sheegay Soomaaliya. Waxay u fadhiyaan oo ay sugayaan, qof Soomaaliya ka yimaada oo tiinbaro ugu dhufto mala-awaalkooda iyo aragtidooda quusta ah.

2-Koox labaad waa mid leh han siyaasadeed, oo ku fakiraya inay Soomaaliya yimaadaan oo ay hogaanka siyaasadeed ku biiraan, korna ka bilaabaan xaajada. Kooxdaan waxay is moodsiiyeen in dadlka aysan joogin dad garanayo aqoonta ay leeyahiin, sidaa darteed, dhaliishoodu kama foga jahli inuu jiro oo aysan waxba garaneyn dadka siyaasadda ku jira iyo dadka ka shaqeeya.

3-Kooxda xigta ayaa rajo nololeed oo baaxad leh ku xirayaa dalka, waana kooxda hingowda marwalba oo ay wax hallaabaan ama horumarka dowladda dib u dhac ku yimaado. Aad ayay u dhibsatay qaxootinnimada, liididda iyo xaqiraadda ay kala kulmaan bulshooyinka ay la noolyahiin, waxayse u arkaan in xaaladaha dalka ka jira ay ka sii xunyahiin kuwa iyaga haysta ee ay is kala qabsadeen. Waxa ay sugayaan war farxad leh qof u sheega, rajo qof la wadaaga. Kooxdan danbe waa mid is xilqaantay, inkasta oo dadaalkoodu uu yahay mid aad u kala tagsan sida maskaxdoodu u kala tagsan tahay oo kale, is xilqaankoodana ma dhaafsiisna inay ka qayliyaan warbaahinta bulshada, waxayna jeclaan lahaayeen in dowladda degdeg u la mid noqoto kuwa caalamka kale, wayna dhaliilaan. Qaar baa ba maskaxda ku haya dowladnimo u dhikanta tan ay ku hoos noolyahiin, balse qayb kamid ah oo aan badnayn, ayaa baadi goobaya goob leh gabbaad dowladnimo oo la dhoodhoobay.

Gabagabo, Soomaalidu waa dal dowlad la’aan ahaa muddo dheer, ayna lumeen dhammaan waraaqahii iyo furayaashii dowladnimo iyo umadnimo. kadibna caalamka inta fiirsan waayay loo yegleelay dowlad gacan ku rimis ah. Dowladdaa iyada ah kuma socoto maskax Soomaali ee waa lala taliyaa oo la hagaa. Farriinta aan u dirayo qofka Soomaaliga ee gurbaha jooga ee dalka rajada ka leh, waa:
“Ha filanin in dowladnimada aad maskaxda ku hayso ay kuu dhisaan dad kale. Haddii aad dhaliishan tahay waxa socda oo aad tahay aqoonyahan garaad leh, dalka ku soo laabo oo qayb ka noqo geeddi socodka Soomaalida oo isku day inaad hirgaliso waxa maskaxdaada ka guuxaya. Ogow; cid caddeyn karto-oo aan adiga ahayn- ma jiro sawirka biniikolaha ee aad maskaxda ku haysato”.

C/raxiim C. Shaafici