Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qajil/yaxyax vs. Xishood.

Haweeney xijaaban ayaa laga codsaday inay u mahadnaqdo dad isugu soo baxay hawl dan guud ah oo la soo gabagabeeyey. Haweeneydii dhaqan iyo diin ahaanba dhib uma aragto in dadka loo mahadnaqo balse waxaa hareeyey dareen baqdin ah oo ayan garaneyn waxa sababay. Dhidid ayaa ka yimid, hadalna wuu ka soo bixi waayey. Iyada oo garanla’ wax ay samayso ayey si degdeg ah u tiri ” anigu waxaan ahay haweeney xishoonaysa”.

Gabar fannaanad ah oo masraxa ku soo istaagta dhar aan xijaabka soomaalidu maanta taqaan ahayn ayaa lagu yiri ” heblaayo miyaadan xishoon(qajilin) marka aad dadka hortaagan tahay ee aad heesaysid isna ruxaysid?” Waxa ay ku jawaabtay ” Alxamdu lilaah wallaahi berigii hore waan xishoon jirey balse immika ma xishoodo”!

Qajil/yaxyax iyo xishood ma isku midbaa? Qofka marka lagu leeyahay “war/naa xishood” ma waxaa loola jeedaa yaxyax?

Qajil/yaxyax waa dareen cabsi oo qofku uu wax/shay gaara ah ka qabo e xishood ma ahan. Xishoodku waa habmaamuus bulshadu isla jaangoysato lagana filayo qof walba oo bulshadaas ahi in uu ilaaliyo, qofkii ku tuntana la xasuusiyo in uu ilaaliyo edebta iyo dhaqanka. Tusaalayaasha laga bixin karo in xishoodku yahay xayndaabka lagu ilaaliyo dhaqanka way farabadan yihiin balse aynu labadan tusaale ku ekaysanno.

Bulsho meel degan ayaa xeer habmaamuuseed ka dhigatay in dumarku ayan ragga ka hor khudbadayn e inta gidaar/daah ka daba maraan halkaa uga khudbadeeyaan. Marka habdhaqankaa cusubi dhawr fac isu gudbiyaan waxa uu noqonayaa dhaqan la wada ilaaliyo oo haweenaydii habmaamuuskaa garab marta waxaa lagu oranayaa xishood oo ragga ha ka horkhudbadayn. Haddii ay ku adkaysato oo ay caado ka dhigato in ay ragga soo hor istaagto oo ay ka hor khudbayso bulshada inta dhaqanka ilaalisa way ka gilgishaan deetana way colaadiyaan magacyana way u bixiyaan illaa ay fongoraan. Waxa haweeneydaa xabsi-caadeedka ka soo saara marka bulshada madaxyaweynteedu(odayaasha) si tartiib tartiib ah u ogolaadaan in haweenku ka hor khudbadeeyaan. Xilligaa laga bilaabo bulshadu u arki mayso in haweeneydii rag ka hor khudbaysa ayan xishooneyn.

Tusaale kale. Bulsho ayaa dhaqan ka dhigatay in raggu ayan jikada/kushiinka/dabshidka tagin oo ayan cuntada ku garab karin dumarka. Nin aan duruufi u geyn inuu dabshidka tago ayaa caadaystay inuu cuntada dumarka dhexdooda ku karsado. Ninkaas sumcaddiisa aad ayaa loogu tumanayaa magacyo farabadanna waa loo bixin. Waxay bulshadu u wada aragtaa nin aan xishoon sababtuna waxa uu jabiyey xeer dhaqan bulsho.

Labada dumarka ee kore waa fannaanadda iyo wadaadda waxa ay xishood ku sheegeen waa dareen baqdineed qofkuna waxa uu dareemaa marka uu tiro dad ah soo hor istaago. Dadka badankooda way ka gudbaan marka ay dhawr jeer dad ka hor khudbeeyaan ama heesaan, waxaase jira dad baqdintaasi ay ka siibto awoodda. Fannaanaddu mar hore ayey jebisay xeerkii soomaalidii hore u yaalley waayo waa wax ku cusub dhaqanka soomaalida in haweeney soo istaagto masrax ay isruxdo soomaalida badideedna aqbaleen markaa way qajilsaneyd markii ay masraha soo istaagaysey e xishoodki Alle kama qaadin.

Burhaan Cali