Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tusbax: Muuqaal Nabdoon

Kama hadlayo in tusbaxa bannaanyahay ama yahay sunno iyo bidco midna ee waxaan isku dayayaa qoraalkaygan gaaban inaan ifiyo muuqaalka cusub ee tusbaxa ee caasimadda Muqdisho, siyaabaha loo qaaday iyo waxa uu uga dhigan yahay dad badan oo qaata tusbaxa maalmahaan danbe.

Sidaan wada ognahay be, waxaa waayadan danbe aad ugu soo badanaya Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Muqdisho muuqaallo jirijiray xilliyadii nabadda, waxaana sii dabar-go’aya muuqaalladii laga dhaxlay dagaallada sukeeye. Waxaa laga yaabaa in muuqaalladaa ay dad badan aysan u lahay micno saas ah balse waxaa hubaal ah inay yahiin astaan ay dadka ku diidayaan qaab nololeed fowdada kuna soo dhawaynayaan qaabab nabadeed.

Tusaale ahaan tusbaxa waxa uu ku leeyahay dhaqan Soomaalida xus weyn ku leh gaar ahaan soojireenka diineed. Haddaba tusbaxa iyo nabaddii ayaa isku halmar laga waayay gayiga Soomaaliyeed, waxaana halmar isla hana qaaday fawdadii iyo qolyahiin wadaaddada ah ee tusbaxa iyo culimadii hore ba dagaalka ku qaaday.

Nabaddii iyo tusbaxii halmar baa la waayay sidii in ay sidaa ku ballameen. Waxaan xasuustaa iyada oo tusbaxyadii masaajidka B/weyne surnayd oo inta koox weerar ku qaaday sidii fataatiir/baliil u yaacaya masjidka dhaxdiisa, kadibna dadkii masjidka ku tukan lahaa bannaanka lagu horay si masjidka looga xaaqo xabbadaha tusbaxa si aan loogu kufin.

Maanta iyo Muqdisho, waxaad arkaysaa dadka ugu akhyaarsan magaalada iyo kuwa jecel akhyaarnimada ee doonaya inay u muuqdaan ay dhamaan ka siman yahiin qaadashada tusbax. Waxaa qaato tusbaxa siyaasiyiinta, aqoonyahannada, wadaaddada iyo shaqaala, waxaa sidoo kale ku xarragooda dhallinta wanaagsan.

Su’aasha la is waydiinayaa ah, maxaa ku mideeyay qaybahaa kala duwan qaadashada tusbaxa?

Jawaabta ayaa aniga ii la muuqataa inaysan ka fogayn hal dareen oo wada kulmiyay dhamaantood oo ah, in tusbaxa yahay astaan qof nabdoon, qof ehelu-diin ah. Qofka tusbaxa wataa waxa uu dirayaa farriin ah “kamid ma ihi kuwa diinta siyaasadeeya waxna ku raadiya, waxaana doonayaa nabad iyo inay soo noqdaan waayahii nabadda ee tusbaxa la wadan jiray”.

Haddii tusbaxa maalin ahaa wax la isku ceebeeyo ama la isku faquuqo, maanta tusbaxa waxa uu kamid noqday huga ay ku xarragoodaan dhallinta caasimadda Muqdisho. Tani ayaa dhanka kale bixinaysa farriin ah in dhallinta ay jecelyahiin diintooda una doonayaan inay ahaato sidii hore ee ay is ogolaayeen dhaqanka umadda Soomaaliyeed.

Muuqaallada soo kordhay ma aha tusbaxa oo kaliya ee waxaa jira kuwo kale oo aan ka dhicin sida labis dhaqameedka, xiisaynta afka Soomaaliga, daawashada cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka,  barashadiisa iyo jeclaashaha quraanka oo lagu akhriyo luuqdii hore ee Soomaalida u gaarka ahayd. Arrimahan iyo kuwo kale oo garab socda waxay si ama si kale u muujinayaan xiisaha guud ee da’da cusub u qabaan inay jafjaftaan ahaashiiyahooda Soomaalinnimo waxii la heli karo.

C/raxiim Shaafici