Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhaqanka “Maxaa iga galay”

Haddaan u fiirsaday meesha aan ka liidanno, waxaa ii soo baxday inay tahay dareenka mas’uuliyadda. Erayga ‘Xildhibaan’ oo waayahaan aad loo isticmaalo, wuxuu salka ku hayaa macno wayn, oo tusinaya xil-gudasho iyo mas’uuliyad la dareemo.
Haddii qof walba guto sida ugu fiican xilkiisa, dhib-ba ma jireen. Laga bilaabo, Madaxa dawladda, dhammaan wasiirada, hoggamiye-yaasha ciidama, shaqaalaha xilalka kala duwan ee bulshada, haddii qof walba mas’uuliyad dareemo, oo uu ku dhawaaqo, waxaan ku jiraa waajab shaqo,(I am on duty) isla markaasna si hufan uga soo baxo, wixii lagu aamminay, waa gudasho mas’uuliyadeed. Gudashada aammanada iyo dareenka mas’uuliyadda waa nagu yartahay, haddaan nahay Soomaali. Waa xaaladda aan hadda ku sugan-nahay. Ma aha waxaan ahaan jirnay, ama aan ahaan doonno.

Erayga (I am on duty) waxaan ka bartay, gabar yar oo ka shaqaynaysay, qaadidda Soomaalida loo qaadayo, waddanka Maraykanka. Waxaan damcay inaan afka u dhuubo oo wax yaabo aan rabay aan ka dhaadhiciyo. Markay I dhagaysatay cabbaar ayay iigu jawaabtay, “I am on duty”. Waxaan ku jiraa waajib shaqo. Dabcan waxay filaysay, wax kasta oo aan u sheegay, waxaa ku fillaa, oo jawaab u ahaa, waxaan ku jiraa waajib shaqo. Casharkaas waan bartay.

Madaxwayne, Ra’isul wazaare, Waziir, Agaasime, Jennaraal, xog haye, maamule, guddoomiye, Suldaan, Malaaq, Islow, Aabe, hooyo, haddii qof walba mas’uuliyad dareemi lahaa sidee noqon lahayn? Sidee waddankeennu noqon lahaa? Sidee xaaladdaana wada jirka iyo is jacalku noqon lahayd? Sidee dhaqaaleheenu noqon lahaa? Sidee ahaan lahayn?
“أن الله يأمركم أن تؤدّو الامانات ألى أهلها‘ واذا حكمتم بين الناس أن تحكمو بالعدل”
(Alle wuxuu ina amrayaa inaad ammaanda gudataan oo oofisaan. Markaad wax kala xukumaysaanna, inaan cadli samaysaan.)

Madaxwayne, ayaan aamminay. Wuu na khiyaanay. Waziir ayaan aamminay, wuu nakhiyaanay. Oday aan aamminay, wuu nakhiyaanay. Aqoonyahay ayaan aamminay, wuu nakhiyaanay. Yaan aamminnaa. Yaan wax u dhiibannaa? Xaggee u cararnaa? Qof aannaan aqoon oo aannaan isku luqad, diin, midab midna ahayn ayaan u baahannahay oo aan wax ku aamminno, oo aannaan qabiilkiisa aqoon. Maxaa yeelay, markasta oo aan aragno, ama aan maqallno, mid aan garanayno, magaciisa, qabiilkiisa waxaa nagu soo kacayo, murugtii iyo walbahaarkii aan ka dhaxalnay, waaggii aan aamminay oo aan wax u dhiibanay. Markaas ayaan ciil iyo qabyaalay, la qufacaynaa. Marka, waxaan u baahannahay, Gaal maatada u naxa, oo aan nakala aqoon. Maxaa yeelay, gaalkaas qabyaalad iyo eex qolo gaar ah, kama filayno.

Maxaa keena in Mas’uuliyada la dareemo? Diin, dhaqan, cilmi, khibrad. Haddii intaas mid kamid ah, ama isku jirkooda laga dhaxlo, dareenka mas’uuliyadda teebaa nagamaqan annaga? Ma Diin ayaa naga maqan? Ma cilmi iyo khibrad ayaa naga maqan? Ma amar kale ayaa jira?
Waxaan rabaa inaan ini la wadaago, laba ra’yi oo arrinkaan ku saabsan.
Midka koowaad, waa sidaan: ‘Waxaa jirta nacalada iyo cuqubo, laga dhaxlo, dhulmiga badan iyo beenta ummad dhaqanka u noqota sida, dilka, xasadnimada, xinka, ciilka iyo carada joogtada ah.’ Cuqubada xagga Alle ka timaadda ee ka dhalata falalka noocaas ah, waxay tayada ka qaaddaan dhammaan ummaddaas, dhaqanka ka dhigatay inay dulmi iyo been isku raacaan ama isugu hiilliyaan. Taas ayaana Soomaalida ku dhacday.

Midda labaad waa sidaan: Waxay la xiriirtaa isirka iyo macdanta laga samaysan yahay. Soomaalida haddii aan mas’uuliyad loo dhiibin way noolaan karaan. Shaqooyinka ay aadka ugu fiican yihiin waxaa ka mid ah, shaqada ciidamada, dagaalka, wax isku dayga iyo ku dayashada dadka kale, ku dhexnoolaanta meel aysan wax talo ah ku lahayn iyo wixii la mid ah. Sidaas daraadeed, kaligood meel kuma noolaan karaan, maxaa yeelay, mas’uuliyad ma dareemayaan.

Aragtida sidaas ku doodaysa, waxay tusaale u soo qaadanaysaa Eray bixinta Soomaalida ee tusaysa, Mus’uuliyad la’aanta. Sida: “Maxaa iga galay.” “Maxaa iigu jira” “Maxaan ka dheefayaa” “Maxaan isunahay.” “Waan iska idhi, ama Iska iri” “Waan iska raacay.” “Waan iska aaday” “Waan iska dhilay.” “Waan iska diiday.” Iyo wixii lamid ah. Luqada iyo dhaqanka ay ku jiraan ‘Si nool’ erayada noocaas ah, waxay tusinaysaa, in madaxwaynahoodu isticmaali karo, erayga “Maxaa iga galay” “Maxaan isu nahay.” Iyo wixii la mid ah. Marka isirkaan wuxuu u baahan yahay in masuul laga noqdo, ee isagu mas’uul ma noqon karo.

Ujeeddada Qoraalkaan, waa inaan baraarugno, oo wax is waydiinno, oo isa saxno, oo aan ceebeheenna aragno. Ma aha, inaan rumaysanno, inaan dad xun nahay. Dad xun ma jiraan ee waxaa jira fikrad xun. Marka aan tuurno fikradaha xunxun iyo baqdinta faqriga iyo nolosha oo hadda fara bagan inagu haysa.

Sheekh Cabdiraxmaan M Jibriil