Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Soomaalida: Siyaasadda iyo Diinta

Cilmibaaris cidna ay ii dirsanin oo aan ka sameeyey sida Soomaalidu u xiiseyso ka hadalka arrimaha siyaasadda iyo diinta ayan ku ogaaday; boqolkii qof oo Soomaali ah 95 kamid inay xiiseyaan ka hadalka siyaasadda iyo arrimaha diinta.

Xogta aan adeegsaday waxa kamid ahayd maqaal Afka Soomaaliga ku qorna oo geedoow warsame rooble ku daabacay majallad Giriiga laga laha oo waaga kamid ahayd majalladaha ogu afka dheer ee siyaasadda dunida lagu falanqeeyo, Geedoow wuxu tilmaamay in haddii saddex qofo Soomaali meel isugu timaado mid siyaasadda ka hadlo, midna diinta, halka kan kale uu labadaba la doodo, wuxuu intaa raaciyey in Soomaalidu caalim u taqaano qofki ka hadla wuxuu cilmi u lahayn.

Sido kale Prof λεξανδρος oo buug ka qoray Soomaalidii nooleed xiligii boqortooyadii Giriiga(Dhowr kun oo sano kahor) wuxu sheegay in qofka Soomaaliga uu dhasho isagoo siyaasi ah, wuxuuna u sababeeyey in ilmuhu marka uurka hooyadood ku jiran ay leeyihiin dareen u sahli kara inay maqlan waxa banaanka lagaga sheekeysto, wuxuna intaa raaciyey in caruurta markay eynaadan jeclaan doonan waxay maqli jireen inta uurka hooyadood ku jireen. Wuxuna ku sifeeyey Soomaalidii xiligaa joogtay kuwa aad u jeclaa ka hadalka siyaasadda iyo diimaha markaa dunida ka jiray. qeybta ogu danbeyso buuggiisa wuxu ku sheegay haddii Soomaalidu baran lahaayeen qaninimadda suugaantooda in aysan u baahan lahayn ka hadalka siyaasadda.

Cilmibaaristayda waxan ku ogaaday saddex qodob:-
1- Haddii Soomaalidu noqon lahayd kuwa si cilmiyeysan u oddorosa siyaasadda inay gaari lahayen horumar la taaban karo oo ay kamid noqon lahayen culimadda ugu waa weyn dunida ee wax oddorosa
2- in Soomaalida maanta jirto ay tahay midii jirtay laba kun oo sanno kahor, oo wax isbeddel iyo horumar aysan samaynin.
3- 5% aan siyaasadda ka hadlin waa kuwa ka caafimaad, cilmi iyo daacadnima badan, halka 95% u badanyihiin kuwa caafimadkoodu taam ahayn, aqoontoodu hooseyso, daacadnimo aan lahayn, xanaaqooduna sarreeyo.

FG: cilmibaaristan waxay socotay ku dhawaad 17 sano oo ku beegan waqtigii dowladnimada Soomaaliya dib loo yagleelay ilaa iyo haddane lama daabicin oo joornaal aqbalo ayan weysanahay.

Qoraa: Cumar Y Cabdulle