Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daltabyo!!

Daltabyo…Xagee baa loo qaadaa daltabyo?

Qof walbo meesha uu ku koray oo uu waliba la qabsaday ayuu dhihi karaa wwadan (HOME)! Dal tabyo xoog leeh ayaa i heysa. ‘After all, home is where the heart is and my heart will always be in Finland! Soomaalia waa dalkeyga aan asal ahaan kasoo jeedo, waxaa la i baray jeceeylka dalkeyga ayadoo la iiga sheekeeyaya sheeko dhalanteed ah iyo waxaan ahaan jirnay.

Waxaan ogaaday in aanan dhaqan iyo dabeecad aqoonin dadkeyga. Waxuu dalka iiga baahanyahay waqti aan integration ku sameeyo. Afkeyga hooyo si fiican ayaan ugu hadlaa, haddana waxaan dareemaa in isfahamka aniga iyo dadkeyga liitto, micnaha waxa aan ka hadlaayo kuma socdaan, anigana warkooda iguma socdo.

Beenta iska socoto, ballan xumada, khiyaanada, afmaceyska iyo qosolka aan ilkaha dhaafsiisneyn, sheekooyinka khiyaaliga ah, damaca iyo hunguriga qof walbo haayo oo ah in uu ku nooqdo madax si qooto qooto ah, balse aan ku saleysneen aqoon iyo waayo arag, laakin ku saleysan qabiil, iyo xil in la iska xooogo, iyo wax kaloo badan.

Isku aragti ma nihin, wallahi ayaan ku dhaartay, labada dal ee Finland iyo Soomaalia, dalkeyga asal aan kasoo jeedo ayaan ku dareemaa in aan ajanabi ka ahay anoo waliba luuqaddii iyo diintiiba la heysto. Marka luuqad in aysan integration aheyn waan ogaaday, balse integrationka yahay la qabsiga iyo aqbalidda dhaqanka. Jumco caajis badan iga guddooma qaraabo!

Qoraa: Ramieza Al-mahdi