Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Deegaankii Ismadhaxasho

Beelweynti loo yaqiinay ama Soomaalida u bixisay (Ismadhaxasho).
Ismadhaxasho waxay ahaayeen beel aad u ballaaran dhul iyo xoolo u gooniya lahaa. Waxay iska difaaci jireen dhamaan beelaha Soomaalida ciddii soo weerarto. Ismadhaxasho ma ahayn beel loo dhasho oo dhiig wadaag ah, wax ka sokeeyo Soomalinimo ma kulmin;  waana sababta magaca loogu bixiyay, in aysan dhaxal wadaag ahayn oo aanay wadadhalsho jirin.

Ismadhaxasho waxaa ku wada midaysnaa beelaha Soomaalida oo dhan, waxaa ka mid noqon jiray dadka qaayibi waayay dulmiga beelahooda galaan, dhaca geela iyo isboobkana qaadan waayay.

Waxaa loo shardin jiray qofka ka mid noqonaayo beeshaas:-
1-In uu hiil iyo hooba la wadaagayo Ismadhaxashada.
2-In dulmi iyo gardarrada Soomaalida ku dhaqanto uusan kala qayb qaadan karin beesha uu u dhashay.
3-In beesha uu u dhashay haday soo weeraraan si gardaro ah uu la dagaalayo asaga oo difaacayo Ismadhaxasho.
4-In beeshiisa uu u doonan karo oo kaliya dhaxalka asna siin karo maadaama sida islaamka u jideeyay loo fulinaayo.
5-In hadii laba isla dhalatay ku wada jiraan Ismadhaxasho si gooniya isku walaaleeysan karin oo ismadhaxasho oo dhan walaalo yihiin.
6-In qaadanayo amarka hogaanka Ismadhaxasho waxuu farane uu fulinaayo.

Dhanka kale, qofkane waxa uu xaq u lahaa:-
1- In naftiisa iyo maalkiisaba difaacayaan bahweynta
2-Inuu wax ku leeyahay beeraha iyo dhulka ismadhaxasho markuu ku biirabo. Haduu fara madow yahayna wax xoola ah leeyskugu daro.
3-In la siinayo walaalnimo buuxdo, noloshane laga garab siinayo.

Waxyaabaha looga baxo bahweynta Ismadhaxasho:-
1-In uu galo dagaal aaney go’aansan Ismadhaxasho.
2-In uu beesha uu u dhashay u hiiliyo gar iyo gardaraba waayo waa nin ismadhaxasho ah.
3-In uu amar diido ku sameeyo go’aan ay qaadatay ismadhaxasho.
4-In aan lagu ogaan dulmi iyo dhac ama xoola booli ah oo uu soo kaxeeystay, taas oo ay u arkaan in kashooda ku dumeeyso.

Inta aan ka maqlay bahweyntaan, waxay ahaayeen dad ka dhowrsado xumaha kuna midoobay in ay naftooda iyo maalkooda iyo noloshoodaba wada ilaashadaan.

Yaa war ka haya bahweyntaan? Mase kula tahay in maanta aanu u baahannahay caqligii beeshaa?

Qoraa: Calikheyr Sh Cumar (Guure)