Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Loollanka Fikir ee Muslimiinta

Labdii boqol-guuro ee u danbeeyey, muslimiintu waxay cagaha kula jireen raran fikir oo ka dhashay, waayaha xanuunka badan ee muslimiintu ku jireen sidii looga bixi lahaa iyo iska caabbinta afkaarta doolka ku yimi ee ay wateen reer galbeedkii ku soo duulay reer bariga, waxa lagu baraarugay, dib-u-dhac baahsan, iyo gumaysi haysta dadkii muslimiinta ahaa, waa la guddoonsaday in aan xaaladdan lagu jirin , ee loo halgamo sidii looga bixi lahaa, waxa se lagu kala duwanaaday jidka loo marayo in dib boodhka looga tumo ilbaxnimo islaam oo la tartanta midda reer galbeed, waxa loo kala jabay laba dugsi oo aad u kala durugsan fikir ahaan, waxaanay kala ahaayeen :

Dhaqdhaqaaqyo Diineed iyo Bulshadeed

Dhaqdhaqaaqyada diiniga ah ee xilliyadan danbe tisqaaday, dadaalkana u galay inay diinta dib u saxaan, waxay u badnaayeen kuwo itijaah Salefinimo leh walaw ay ku kala duwanaayeen jidadka ay qaadayeen, iyo adayg iyo debecsanaan midka lagu wadayo, waxa ugu caansan laba dhaqdhaqaaq oo mid uu hormuud u ahaa, Sheekh Maxamed Cabdilwahaab (1703-1791), oo baaqiisa ka bilaabay Xijaas, sheekhu wuxu ku baaqayey in Salafkii lagaga daydo mas’alooyinka caqiidada, shirkiga iyo bidcooyinkana la hilfaha loo qaado, mucda yeedhmadiisu waxay ahayd in aan muslimiinta waxba u hagaagayn haddii aan caqiidada la toosin, mad’habkiisu aad buu u fogaynayey cid kasta oo aan raacsanayn, loollan badan oo mararka qaar gaca ka hadal gaadhay ayaanu la galay Muslimiintii ay iskhilaaafsanaayeen. Waxa jirey dhadhaqaaqyo kale oo xilli ahaan ku dhowaa,baaqa sheekha, sida tii Muxamad Sunuusi (1779-1809) waqooyiga Afrika ayey ka bilaabantay waxaanay kulmisay dacwad Salafinimo iyo dhadhan suufi oo isku qoofalan. Waxa isna jirey Mahdigii Suudaan (1844-1885) halganganka gobanimada ka sokow,baaqiisu wuxu ahaa in Caqiido suubban la faafiyo iyo in madaahibta Figqiga Islaamka la mideeyo.

Garabka labaad wuxu ahaa mid hal ku dhiggiisu yahay, isbeddel iyo cusboonaysiin iyo in laga qayb noqdo ilbaxnimada cusub ee dunida iyadoo la ilaashanayo sawracii islaamnimo, dhaqdhaqaaqan waxa hormuud u ahaa, Jamaali-diin Al-afgaani (1839-1897) wuxu ku baaqay in muslimiintu dib u gaajin sameeyaan, diin ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba, in heeryada gumaysiga la iska qaado, aqoontana la raadsado, afkaartiisa wuxu ku faafin jirey Warside uu u bixiyey (al curwatul wusqaa). Ardaygiisii Maxamed Cabdoh ayaa baaqii halkii ka sii waday, isagoo leh, waa in Caqiidada bidcooyinka iyo baadiyawga la suuliyaa, fikirkana laga furaa dabarka ku dayashada, wuxu ku tuuntuunsaday in aan gumaysina la iska eryi karin, horumarna la samayn karin iyadoo aan la hagaajin arrimaha gudeed ee muslimiinta. Hadalladiisa waxa ka mid ahaa 🙁 haddii Ilaahay muslimiinta ku mannaysan kagaa hoggaamiye diintiisa garanaya, kuna maamulaya, waxa la arki lahaa iyagoo horumaray, oo Qur’aankana gacan ku sita, dhaxalkii kuwii hore iyo hadda wixii ay ku kordhiyeenna gacanta kale ku sita, oo reer Yurub la tartamayo) Maxamed Cabdoh wuxu ku tagsanaa in aan dawladnimada Casriga ah iyo usuusha islaamku is diidayn, Kawaakibi baa isna kooxdan la fikir ahaa oo dhibaatada muslimiintaba wuxu u sibirsaaray, maamul xumo siyaasadeed oo macanganimo hormuud u tahay, xalkana wuxu u arkayey in isbeddel hoggaamineed la sameeyo. Maxamed Iqbaal baa isna bariga Eeshiya kaga baaqayey, si loo waajaho casrigan cusub waa in fikirka Islaamiga ah cusboonaysiin lagu sameeyaa oo uu ka xuub siibtaa afkaartii qarniyada badan soo jiitamaysay, waaxa jira rag badan oo kale door muhiimana ka qaatay, dib u qaabaynta fikirka Islaamiga sida Rashiid Ridda,Shakiib Arsalaan, Cabdalla Nadiim, Cabdicasiis inbu Baadiis ikk. Waxa iyana mudan in la xuso dhaqdhaqaaqa tabliiqa oo Hindiya iyo inta ku xeeran ka soo bilaabmay dunidana aad ugu faafay, xarakada tabliiqu muranka fikir ee socda kuma dhex milmin walow eedo badan loo soo jeediyey aamusnaan bay hawshooda ku wataan.

Labada garabba way tarmeen dadyawga muslimiinta ahna aad bay ugu faafeen, mar walbana waxa kasii hoos dillaacayey afkaaro cusub, oo xalka iyo horumarka meel kale u sibir saaraya. Dugsigii Sheekh Maxamed Cabdilwahaab, wuu sii kala falliidmay, oo qaybi dacwad salmi ah, bay joogteeyeen, awooddoodana waxay isugu geeyeen dhigista diinta, wacdi iyo fatwooyin. Qayb hubaysan oo xalka u arkaya in dagaal lama huraan yahay, muslimiintuna aanay karaamadooda ku soo ceshan karin wax aan qori caaradii ahayn. Dugsiga Afgaani iyo Maxamed Cabdona waxa la odhan karaa midhahoodii waxa ka mid ah Walaalaha Muslimiinta ah, oo uu aasaasay Xasan Al-bannaa, fikirkiisu wuxu ahaa : Islaamku waa diin iyo dawlad, waxaana waajib ah si taa loo helo in la dhiso ummad muslim ah oo iyadu dawlad islaami ah samaysata. Hayeeshee ikhwaankuna sida dugsiga Xijaas wuxu yeeshay qayb xagjir ah, oo gaalaysiin manhaj ka dhigtay. Labadaa xagjir oo isbiirsaday ayey ka dhanbalmeen kooxaha mitidka ah ee maanta Muslimiinta rogay.

Dhaqdhaqaaqa Caqlaaniga iyo Fikirka

Kooxdani waa ardaydii jaamacadaha galbeedka ka soo baxday, selled keliya kuma wada jiraan oo afkaarihii Yurub ka jirey oo dhan way soo xanbaareen, qaarkood fikrad qawmiyadeed ayey siteen kuwa kale shuuciyad bay soo qaateen, kuwana waxay yidhaahdeen, dhaxalka faraha badan ee qarniyada la xambaarsanaa ha laga takhalluso, qunyar socodkoodu cusboonaysiin iyo la jaanqaadida casriga ayey ku baaqayeen kuwa u xagjirsanina Calmaaniyiinta iyo wixii la halmaala ayey ahaayeen, kooxahaas waxa ugu horreeyey Rifaacat Dahdaawi (1801-1873) oo ka mid ahaa oo koox Maxamed Caligii Masaaridu Faransiiska u diray, markii uu soo noqday wuxu ku baaqay in ilbaxnimada Yurub laabta loo sii daayo, laybaraaliyaddana la qaato dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, Khayrudiin Tuunisi (1810-1890) wuxu isna soo bandhigay aragti ah in Laybaraaliyadda dhaqaale keento maalgashi iyo badhaadhe. Tayaarkani wuxu ku baaqayey in aqoontu tahay saldhigga dawlanimada iyo ilbaxnimada, dawlanimada iyo diintana la kala saaro, rag badan oo ka mid ahina waxay u arkayeen in maanfurka dadyawga islaamku kaga daydaan reer galbeedka oo marka hore dib u habayn diineed la sameeyo, marka xigtana awoodda diinta xididka loo siibo oo bulsho caalmaani ah oo caqligu hago la yagleelo, waxay ku qanacsanaayeen in ilbaxnimada galbeed iyo xaaladda muslimiinta fakaag wayni u dhexeeyo, si haddaba loo haleelo geeddiga ilbaxnimada waa in laba heer la maraa: waa marka hore e in sarraynta caqliga la qirto, iyo ta labaad oo ah, in caqli loo adeegsado isbedddelka la rabo, taasina ay keensanayso in tijaabadii reer Yurub laga faa’iidayso oo marka hore dib u habayn diineed la sameeyo, si caqliga looga xoreeyo awoodda diinta, dabadeed loogu gudbo marxaladda maanfurka oo inagu ridaysa dhabbada Ilbaxnimada.Dhaqdhaaqaasina tan iyo maanta wuu gaylamayaa welina midhiihsa lama dheefsan.

Labadan dhaqdhaqaaq boqol-gurada labaatanaad, loollan aan waxba la isula hadhin baa dhex maray, meelo badan baa dood la isugu yimi, qoraallo badan baa la is waydaarsaday, qolana se lama muquunin, dhaqdhaaqa Islaamiyiintu hubka kama danbaysta ah ee uu adeegsaday wuxu ahaa, gaalaysiinta, qolyahan Calmaaniyiinta ahina waxba may reebaan dhankooda si ay isu difaacaan. Waxa iswaydiin mudan labada kooxood maxaa uga qabsoomay mashruucoodii? Halkee se uu ku danbeeyey? Sida dhabtu tahay islaamiyiintu way ku fashilmeen inay dawlad Islaami ah dhisaan? Calmaaniyiintuna waa la mid oo waxba kama soo naaso cadda. Baaqi Maanfurku wuu fashilmay oo maanta waxa la qorayaa Maxaa fashiliyey? Haashim Salaax iyo rag kale oo hormuudkii kooxdan ahaabaa is weydiinaya su’aashan buugaagna ka qoray. Kooxihii Islaamiyiinta ahaa weli isma dhiibin, guuldarradoodana may qiran. Labada garab waxa la odhon karaa midkood wuxu ka tamarin la’yahay baabkii Ijtihaadka oo quful kaga jabsan yahay, kuwa kalena halabuur la’aan ayaa haysa oo xataa erayada ay adeegsanayaa ayaa ergis ku ah.

Soomaali haddaynu nahay loollanka afkaarta waxba kumaynaan darsan, hayeeshee dhibbanayaashii sii ayeynu ka mid noqonnay. Saaxadda waxa ku soo horreeyey dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ee kale duwan, iyaga qudhooda ayaa loollan ba’an ku jira, kuwa ugu xagjirsan ee dagaalka iyo rabshadda wada iyo kuwan ugu gacanta qabow oo tabliiqu metelo dhammidood midna kan kale ma arki karo, sidaas oo ay tahay, waxa suurtogal ah, in dhaqaaqyadii kale oo oodahooda wataana ina soo galaan, doodo dadyawga kale ee Muslimiinta ahi 100 sanadood isku hayeenna inoo bilaabmaan.

Halka dayr waqtigu dhigo
dibbaa looga sheekayn
kadaraa u magac bixin

Dibad-yaal=Hadraawi.

Qoraa Cabdikariin Xuseen