Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Fakhru Al- Raazi iyo Abu-Xusayn Al-Basri: Iyamaa Gar leh?

Qoraalkan waxan kasoo tarjumay buuga Fakhru Diin Al-Raazi( dh. 1209)  ee Niyaahatul Cuquul waxana doodi ku dhex maraysaa Abu Xusayn Al-Basri(dh. 1085) oo uu soo xiganayo doodihiisa ku taxan baabka xumaha iyo samaha(attaxsiin wal taqbiix). Sida la wada ogyahay dugsiyada Muctasilada oo uu halkan meteleyo Basri waxay ku tageen in xumaha iyo samaha lagu garto caqliga, laakiin dugsiga Ashcariyadda oo uu meteleyo Raazi waxay ku tageen in xumaha iyo samaha basharku ku kala garto waxyiga. Laakiin halkan waxaad moodaa in Raazi aragtidaa ka durkay oo leeyahay xumaha iyo samaha waxaa loo celinayaa dabciga nafta. Waxaad mooda halkan inuu Raazi usoo dhowaaday dugsiga falsafiga akhlaaqiga ee la dhaho ”hedonism”.  Waxa kale oo iyana suurtagala inuu uga jeedo ilsaam jadali ah. Qiimeynta dooda waxaan u daynayaa akhristayaasha.

” Arintan saaxibul Muctamad (waa Abuu Xusayn Al-Basri e) wuxu uga hadlay dhowr waji. Mar wuxu uga hadlay si duuduuban marna si faahfaahsan.

Duuduubka wuxu ku yiri ‘’ Waxaa suurtagala in la sheego wax caqligu foolxumo u arkayo iyadoon aanay taas ka dhalanayn in waxaasi dabciga qofku ka dido. Tusaale ahaan usoo qaado nin caayaya qof cadawgiisa ah  isagoo is leh dadka hortooda ku liid, wuxu ku caayayaa in inuu garanayo in tirada toban,  ay ka wayntahay shan, sidoo kale inuu garanayo in samadu ka sarayso, dhulkuna ka hooseeyo, wuxu kaloo ku caayayaa in ninkani yahay nin deeqsi ah oo is dhuldhig badan. Waxaad kaloo kasoo qaadaa inuu ku caayayo cod wanaagsan oo qurux badan oo qofka maqlayaa uu ku raaxaysanayo. Qofkaas waxaa uu leeyahay waa la foolxumaysanayaa, waayo wuxu qof cay uga dhigayaa wax aan dadka caqliga lihi dadka cay uga dhigin.  Sidoo kale qof caqli ihi hadii uu aamino in toban tahay shan kala badhkeed iyo waxyaabo kaloo la mida oo aqoondaro ah waa la foolxumaysanayaa iyadoon wax dhibaato ahi ka dhalanayn. Sidoo kale qof caqli lihi haduu amro jamaaadaadka( buuraha iyo dhagaxaanta) inay samada u duulaan, biyahana ku dabaashaan, uuna cay uga dhigo inay dhaga adagyihiin oo aanay adeecayn, oo aynu waliba kasoo qaadno inuu arintaa ku leeyahay cod qurux badan oo macaan oo lagu raaxaysanayo, waa la foolxumaysanayaa iyadoon wax waxyeelo ahi ku jirin.
Faahfaahinta se wuxu yiri ‘’ suurtagal maaha in la dhaho foolxumaysiga dulmigu wuxu ka koobanyahay kaliya ka dididda dabciga qofku arintaa ka didayo, waayo dulmiga inkastoo qofka la dulmiyay uu dhib u gaysanayo hadana ka wax dulminaya manfacaa ugu jirta, cadaalada laba qof dhexmartana sidoo kale midna manfacuu helaya midna waa ku dhiban yahay, celinta amaanada ehelkeeda loo celinayo qofka amaanada loo celinayo waa u faaiido, ka celinaya waa ku dhidb. Haday arimahan oo dhan ay sabab u tahay dabciga( hadba nafsadu waxay dhibsanayso ama jeclaysanayo)  waxa waajib  noqon lahaa in kuwa wax dulmiyaa ay faafiyaan in wanaagu dulmi yahay, sida ka wax dulimayayba uu u faafiyay in dulmigu foolxunyahay’’

Waxanu wajiga duuduubka ah uga jawaabanaynaa si duuduba iyo si faahfaahsan.

Sida duuduubka ahi waxay noqonay laba waji:

Ta koowaad: Wajigani ma tusayo in dulmigu foolxunyahay caqli ahaan, markaad kala saartay foolxumada caqliga ah iyo didista dabciga adoo tusaale usoo qaadanaya sawir foolxumada caqliga ku sugantahay iyadoo aanay jirin diidista dabcigu. Dulmiguna waa waxa aan ka madhnayn didintaanka dabciga ah,sidaa aawadeed wadadan ku sugi kari maysid foolxumada dulmiga( caqli ahaan).

Ta labaad: Waxa jira mar la helayo didista dabiiciga iyadoo aanay jirin foolxumada caqliga ahi. Hadii taasi sugnaatona waxanu leenahay: dhibta ama waxyeeladu waa jiho jihooyinka ay  ku timaado didiista dabcigu, taas maqnaanshiyeheedana (waa dhibta ama waxyeelada e) ka ratibmi mayso maqnaanshiyaha diidista dabciga ahi. Haday sidaa tahayna waxaan leenahay: maxay  u banaan wayday inaan niraahno:  foolxumaysashada aanu ku arkayno sawiradaa aad sheegtay waxay  u noqonaysaa didista dabciga e ee u noqon mayso didista caqliga ah?. Sidaa waxa ku soo baxay farqiga uu sheegayo in uu u baahanyahay istidlaal muujinaya foolxumada waxyaabaha u ku dooday inay foolxunyihiin daruuri ahaan, markaasna halkaa  waxa ku muuqanaya daciifnimada doodiisa.

Faahfaahintana waxanu leenahay: hadalkaagu wuxu isugu soo aruurayaa in jahliga iyo waxmagaradnimadu ay yihiin laba wax oo la foolxumaysto, iyadoon hadana wax dhib ahi ku jirin. Anagu se waxaanu leenahay ka didista dabcigu waxa laga yaabaa in la helo iyadoon la helin dhib. Miyaanad arag hadii aad aragtid qof baras ku dhacay—Ilaahay ha naga magangeliyee—iyadoon dhibi ku jirin hadana naftiisu si daran bay uga didaysaa.  Sidoo kale qofka ka shaqeeyo xirfadaha liita ee aan wax dhibi ku jirin, balse lagaba yaabo inuu qofku manfaco ka helo, hadana diidistii dabciga way jirtaa! Muctasiladuna waxayba isku waafaqeen waajib ahaanshaha in anbiyada laga bari yeelo-NNKH- wax badan oo ay kamidyihiin sifooyinka liita, taas oo aanay ku jirin dhib iyo foolxumo caqli toona taas ku doodayaan doodleydu.

Sidaa aawadeed waxaan ogaanay in ka didista dabciga ah la heli karo, iyadoo aanay jirin wax wax dhibayaa (madarra). Sidaa waadeed wax waxdhiba hadii la waayo kama ratibmayso in jahliga iyo waxmagaratanimadu aanay la xidhiidhin ka didista dabciga ah. Wajiga faahfaahinta ah ee uuu sheegay se isaguna waa daciif sidoo kale, waayo daalimku haduu fatwoodo wanaagsanaanta dulmiga wuxu ogyahay in isagana la dulmin doono. Markuu  dulmigaas la filayaa uu noqday mid dabcigiisu karhayaa, dabcigiisuna daalimku inuu dulmiga karhaa waxba kuma jabna. Ogow, hadii aynu cadaalad samayno waxaynu ogaanaynaa qofka inaga mida ee lixaad lihi inaan ficil kasoo fulin iyadoo aan ujeedo la socon, xawayaanka waxa doonistoodu tahayna wax kale maaha aan ka ahayn  doonis raaxo (ladda) iyo ka cararis xanuun (alam).  Wax kasta oo raaxo keenaya waa ka wax wanaagsan agtiisa, wax kastoo  keenaya xanuuna waa ka wax foolxun agtiisa.  Ta koowaad waxa tusaale ah u baari ahaanshaha waalidka, cadaalad samaynta, axdi oofinta, dhamaan waxyaabahaasi qofka hadii qof kale u sameeyo wuu ku raaxaysanayaa, nafcuuna ka helayaa, sidaa aawadeed waxba kuma jabna in dadku isku raacaan wanaagsanaantooda iyadoo laga eegayo nafcigaa la rajaynayo. Ka labaadna waxa u tusaalo foolxumada dulmiga, waayo qofkasti waa ogyahay haduu uu fatwoodo in dulmigu wanaagsanyahay in ay suurtagal tahay in la dulmiyo sidaana xanuun kusoo gaadho., sidaa aawadeed waxba kuma jabna in laysku raaco foolxumada dulmiga iyadoo laga cararyo dhibtaa suurtagalka ah. Dhanka kale, beenta, jahliga, waxmagaradnimada qof kasti waa ogyahay in ka didista iyaga laga didaa aanay la mid ahayn ka didista laga dido dulmiga, fariqga u dhexeeyo ee didistu wuxu ku xidhanyahay hadba dhibta ku xidhan arinkaas, ama cida ay ku tacaluqdo. Hadiise ay suurtagal tahay in la sugo in waxyaabahaasi aanay dhibi ku jirin iyadoo laga eegayo xag qof iyo xag nooc, waxa guudkooda saran inay sugaan inay arintaasi u noqonayso didis caqli ah oo aan ahayn mid dabci ah, waayo hore waxaynu usoo sheeganay in didista dabciga ay dhici karto iyadoon meesha dhibi ool…wabillaahi tawfiiq’’

Fakhru-Diin Al-Raazi, Nihaayatul Cuquul Fii Diraayatil Usuul, taxqiiq: Siciid Cabdiladiif Fooda, Daarul Dakhaair, Beyruut, v. 3, b.277-81.

Diyaariye: Ustaad, Cabdiqani Xasan