Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Akhlaaqda Halkee Asal u Ah?

Akhlaaq, anshax ama damiir (=morals) waxaa si fudud loogu qeexaa in ay tahay kala garashada saxa iyo khaladka, samaha iyo xumaha, in la kala sooco waxa ay tahay in la sameeyo iyo waxa ay tahay in laga fogaado, …iwm.

Akhlaaqdu waa arrin lamahuraan u ah jiritaanka bulshada. Suurogalna ma ah in bulsho jirto haddii aysan lahayn xeerar nidaamiya xiriirka xubnaha bulshada midba inta kale la wadaago, oo u noqda halbeeg ay ku qiimayso habdhaqanka xubnaha bulshada, laguna ogaado waxa ruuxu hagaajiyey iyo waxa uu halleeyey.

Akhlaaqdu dhankaas waxay kala mid tahay ciyaaraha la dheelo. Si loo kala garto in ciyaartooydu gafey iyo in kale, waa in marka hore ciyaartu xeerar leedahay. Haddii ciyaartu aysan xeerar lahayn, waxaa adkaanaya in la kala garto waxa ciyaartooydu uu saxay si looga abaalmariyo ama waxa uu khalday si loogu ganaaxo.

Dhallinyaronimadii – sida dad badan oo kale- waxaan xiriir toos ah dhex dhigi jirey diinta iyo damiirka ama anshaxa, waxayna ila ahayd in dadka lagu sheego in ay diimaha ku dheggen yihiin ay had iyo goor ka damiir wanaagsan yihiin kuwa aan diimaha ku dhagganayn, iyo in sidoo kale guud ahaan muslimiintu ka damiir fiican yihiin dadka aan diinta Islaamka haysan.

Hase ahaatee, maanta waxaan ku qanacsanahay in anshaxu uusan ku xirnayn diinta iyo midabka maqaarka ruuxa toona, balse uu ku xiran yahay qalbiga qofka iyo tarbiyada lagu koriyo ama uu helo. Damiirkana dadka oo dhami – madow iyo caddaan, reer Bari iyo reer Galbeed, kuwo diin haysta iyo kuwo aan haysan, Muslimiin iyo qeyrkood- ay wadaagaan, oo aysan jirin qolo si gaar ah loogu tilmaami karo damiir wanaag ama damiir xumo. Tusaale ahaan waa adag tahay in lagu doodo in dadka diimaha haystaa ay ka damiir fiican yihiin ama ka damiir xun yihiin kuwa aan diimaha haysan, sidoo kale laguma doodi karo in muslimiintu ka damiir wanaagsan yihiin ama ka damiir xun yihiin dadyowga diimaha kale haysta. Waxa qura ee lagu doodi karaa waa jiritaanka ruux mid kale ka akhlaaq iyo damiir wanaagsan.

Ruuxu marka uu eego akhlaaqdii ummadihii hore ee dunida, sida Masaaridii, Baabilidii, Shiinihii, Hindidii, Giriiiggii, Roomankii, Carabtii , … , wuxuu ogaanayaa sida akhlaaqda ummadahaasi ay isugu dhaweyd, isla markaana ugu dhowdahay akhlaaqda dunida casriga ah ee aan ku noolnahay. Ummadahaasi dhanka aqoonta aad bay ugu kala duwanaayeen, balse dhanka akhlaaqda farqi la sheegaa uma dhaxayn.

Shaki kuma jiro in akhlaaqdu qayb weyn ka tahay diimaha oo dhan, ayna adagtahay in diini jirto haddii laga saaro qodobbada akhlaaqda ku saabsan sida; runsheegga, ammaanada, cafiska, naxariista, turidda, dulqaadka, daacadnimada, xaqdhawrka, xishoodka, wax-quurka, nafhuridda, ,,, iyo qaar kale. Taana waxaa ugu wacan in shaqada ugu weyn ee diimuhu ay tahay in la helo qof wanaagsan. Halbeegga ugu mudan ee wanaagga qofka lagu gartaana waa akhlaaqda. Sidaa awgeedna, nebiga (NNKH) waxaa laga wariyaa inuu yiri: “Muuminiinta waxaa ugu iimaan badan kan ugu akhlaaq wanaagsan/ إن أكمل الؤمنين إيمانا أحسنهم خلقا “. Culumada Islaamka qaarkoodna waxay yiraahdeen: “ Diinta oo dhammi waa akhlaaq, ruuxii kaa akhlaaq bataana waa kaa diin bataa/ الدين كله خلق: فمن فاقك في الخلق فاقك في الدين”.

Sida la sheegay, taariikhda islaamka hal mar bay dhacday in wadaad sunni ah iyo wadaad shiico ahi ay buug wada qoraan. Qarnigii 11-aad, Xujatul Islaam Abuu Xaamid Al-Gasaali (1058-1111) oo ahaa wadaad sunni ahi wuxuu qoray buuggiisa caanka ah ee “Noolaynta culuumta Islaamka/إحياء علوم الدين”, lix boqol oo sano ka dibna waxaa yimid wadaad shiico ahaa oo la oran jirey Maxamed Muxsin Feyd Al-Kaashaani (dhintay 1680) oo buugga Gasaali dib u qorid ku sameeyey, kuna magacaabay “Waddada cad ee dib u habaynta al-Ixyaa /المحجة البيضاء في تهديب الإحياء”.

Culumada falaanqaynta ku sameeyey labadaas buug waxay sheegeen in 70% afkaarta diiniga ah ee labada wadaad ay isku mid tahay, oo ay ku kala duwan yihiin 30%. Dhinacyada ay ku kala aragti duwan yihiin waxaa lagu sheegay dhinacyada masaa’isha ku saabsan caqiidada iyo fiqiga, laakiin ay si buuxda uga midaysan yihiin dhanka arrimaha la xiriira dhanka akhlaaqda. Dhacdadaasna waxaan ka ogaanaynaa in akhlaaqdu tahay nuxurka diinta islaamka iyo guud ahaan diimaha iyo sidoo kale in aragtida diimaha ee akhlaaqda ku aaddani ay aad isugu dhow dahay.

Waxaana xusid mudan, in waayihii hore meelo badan oo dunida ka mid ah aan maxkamaduhu jeclaan jirin in uu hortooda markhaati ka furo qof aan diin rumaysnayn. Waayo waxaa si weyn loogu qanacsanaa in dadka aan diinta ku dheggenayn aysan haysan sabab ku bixinaysa in ay run sheegaan (Iyaga iyo ku Allahoode, waxay ku doodeen in fursadda ruux aan diin haysani uu ku hanan karo in loo doorto Aqalka Cad ay ka yar tahay tan Muslimka, Yahuuddiga iyo dadka u galmooda kuwa la midka ahi ay ku gaari karaan kursigaas).

Taasoo jirta, haddana su’aasha sida weyn looga doodaa waxay tahay: akhlaaqda iyo damiir  wanaaga halkee baa asal u ah oo ay ka soo jeedaan? Ma diimaha ayaa asal u ah mise dadka ayaa asal u ah? Hadii si kale loo yiraahdo: akhlaaqda Alle iyo aadanaha kee baa lagu raalli geliyaa?

Weydiintaani waa mid fac weyn oo kumanyaal amaba malaayiin sano aadanuhu isweydiinayey. Iyada oo ay sidaa tahayna, cidi weli kuma guuleysan in ay ka bixiso jawaab isku si loogu qanco, oo dad badan baa waxay aamminsan yihiin in diimuhu dadka baraan akhlaaqda, isla markaana ay yihiin gaashaanka lagu ilaaliyo anshaxa bulshada. Maxaa yeelay, qofka waxaa khayaanadiisu yaraataa marka uu ogyahay in loo jeedo, dadka diimaha haystaana waxay rumaysan yihiin in abuuruhu mar walba isha ku hayo, taasina ay keenayso in khayaanadoodu yaraato, anshaxooduna kordho. Voltaire waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Waxaan doonayaa in abuukaatahayga, harqaanlahayga (=dawaarlahayga), adeegayaashayda, iyo xataa afadaydu ay Alle rumeeyaan, maxaa yeelay taa macnaheedu waxa weeye in ay yaraanayso fursadaha la iigu geysanayo khayaano, dhac iyo in sharaftayda la dhaamo”.

Iyada oo kooban, qoladaani waxay ku dooddaa in si akhlaaq loo helo marka hore abuure loo baahan yahay (=We need God to be good), haddii taa la waayana dunida fasaad – been, khayaano, xasad, xaqiraad, xatooyo, dhac, dil, kufsi,,,- cammimayo (=buuxdhaafinayo). Waayo? Dhimashada diintu waxay ka dhigan tahay dhimashada ilbaxnimo kasta oo tayo leh. Waana kii mudane Fyodor Dostoevsky buuggiisa “Walaalaha Karamazov/The Brothers Karamazov” uu ku lahaa: “ Haddii Alle dhinto, wax kasta waa la fasaxaa.” Dostoevsky ka horna Voltaire baa wuxuu yiri: “ Haddii aan Alle jirin, waxaa lamahuraan noqonaya in la ikhtiraaco/ abuuro”.

Sidaa darteedna, marar badan waxaan aragnaa wadaaddada diimaha kala duwan oo qolo waliba dhankooda ku andacoonayaan in diintoodu diimaha ugu saxsan tahay, dadka haystaan ummadaha oo dhan ugu anshax iyo akhlaaq badan yihiin.

Balse si taa ka duwan, dad kale oo aan yarayn ayaa iyaguna waxay qabaan in diintu aysan shardi u ahayn akhlaaqda. Waxayna la tahay in akhlaaqda si toos ah loogu ogaan karo waxa loogu yeero “Qaanuunka dabeecadda/Natural law”. Qoladaan waxay la tahay in akhlaaqdu ka dhalato wadanoolaanshaha bulshada (=qoys, qaraabo, qabiilo, qowmiyad, qaran, quruumo, ..iwm). Haddii si kale loo dhigo, akhlaaqda bulshada ayaa asal u ah, oo wada noolaanshaheeda ayay ka askuntaa, oo waxaa saameeya dadka lala noolyahay iyo degelka lagu negi yahay. Waayo, si wada noolaanshaha bulshadu uu suurogal u noqdo, waa in marka hore bulshadu aragti midaysa ka leedahay samaha iyo xumaha, haddii taa la waayana wada noolaanshaheedu uusan sii jiri karayn ama xataa uusan marka horeba abuurmayn.

Sida muuqata, fikradda qoladaan waxaa ka dhalanaya in akhlaaqdu isla beddesho hadba isbeddelka ku dhaca aragtida bulshada, oo waxaa suurogal ah in bulshadu wax ay shalay same u taqiin ay maanta xume u aqoonsato. Taa lidkeeduna waa dhici karaa, oo wax shalay khalad loo arkay ayaa maanta sax loo arki karaa. Tusaale ahaan, waayadii hore bulshada Tamil Nadu  tilmaanta ugu wanaagsan ee ay qofka ku tilmaamaan waxay ahayd in ay ku sheegaan in uu geesi yahay. Geesiga dhabta ahna waxaa loo shardin jirey in uu dilo kun xabbo oo maroodi ah. Hayeeshee, maanta ruuxii maroodi dila waxaa loo aqoonsanayaa in uu yahay danbiile ciqaab mudan.

Si taa la mid ah, saddex boqol oo sano ka hor aadamiga badankiisu addoonsiga wax dhib ah uma arag, laakiin maanta waa adagtahay in la helo cid ku dhiirran karta in ay si cad addoonsi u bannayso. Isbeddelka akhlaaqduna habeen iyo dharaar gudahood kuma dhaco, balse muddo dheer ayuu qaataa.

Qoladaani waxay ku doodeen in akhlaaqdu ka horraysey diimaha, isla markaana diimuhu arrimaha akhlaaqda la xiriira ay ka qaateen garashada dadka. Akhlaaqduna ay ka dhalato ogaanshaha ruuxu ogaado in dadka kale ay yihiin kuwo isaga/iyada la mid ah. Waxayna ku doodaan in bulshooyinka cawaanta ahi, inkasta oo ay ka facweyn yihiin bulshooyinka diimaha Samaawiga/Saamiga ah haysta, haddana aysan labada kooxood si muuqata ugu kala duwanayn dhanka akhlaaqda, oo ay isku si u canbaareeyaan beenta, dulmiga, khayaanada, muuddalnimada, anaaninnimada, eexda, naxariis darrada, dilka, dhaca, xatooyada, kufsiga,  xasadka, nacaybka…iwm. Sidoo kale, waxay u wada riyaaqaan mabaadida sinnaanta, caddaaladda, xorriyadda, iskaashiga, nidaamka, hawlkarnimada, taageeridda iyo uturidda inta tabarta yar, ….iqk.

Dadku tan iyo goor hore, waa ku kala aragti duwan yihiin tirada ay tahay in haweenka laga guursado (hal, afar,, … iyo boqollaal), laakiin sidaa oo ay tahay, haddana marna iskuma qaban in aadan xaq u lahayn in aad la baashaalto gabar kasta oo bilicdeedu ay indho-daraandar kuu keento.

Tusaale ahaan, Suqraad (469-399C.H.) wuxuu ahaa feylasuuf cawaan ah oo ka horreeyey imaanshihii diinta Masiixiyadda, taasoo jirta haddana waxaan arkaynaa aqoonyahanno badan oo reer Yurub ah, oo ay ku jiraan qaar wadaaddo ah oo Suqraad ku tilmaamaya in dhanka anshaxa uu macallin ugu yahay. Waxayna ku doodeen in Suqraad iyo nebi Ciise (CS) ay dhinacyada qaarkood isaga ekaayeen. Dhinacyada ay isaga ekaayeenna waxaa ku jira qaar dhanka anshaxa ah, sida runta, naxariista iyo dad-jacaylka- xataa marka lagu daro kuwa colka la yahay. Sidaa darteedna la yaab ma leh in Desiderius Erasmus oo ahaa aqoon-yahan wadaad ahi uu Suqraad huwiyo barakadii masiixiyadda, uuna yiraahdo oraahdiisa caanka ah ee: “ Weligii Suqraad ahaayow, noo ducee / Saint Socrates, pray for us.” Waxayna yiraahdeen: “Suqraad waji qurxoon ma lahayn, balse akhlaaq iyo garaad qurxoon buu lahaa”.

Dhanka kale, Abuu Xayaan al-Towxiidi (922-1023) buuggiisa “Al-Hawaamil Wa al-Shawaamil/الهوامل والشوامل”, oo ah buug u qoran qaab waydiin iyo warcelin ah -(Abuu Xayaan wuxuu leeyahay weydiimaha, saaxiibkiis Abuu Cali Ibn Miskaweyh oo lagu naynaaso “macallinkii saddexaad”, ahna ninka qoray buugga “Tahdiib al-Akhlaaq”, oo lagu tiriyo buugta ugu caansan ee muslimiintu mawduuca akhlaaqda ka qoreenna wuxuu leeyahay warcelinta), mas’alada 77, wuxuu Ibn Miskaweyh weydiinayaa su’aal ku saabsan akhlaaqda, wuxuuna leeyahay:

“Maxay tahay sababta mulxidka diin laawaha ah ku bixinaysa in uu wanaag sameeyo, oo ammaanada guto, oo samaha joogteeyo, oo kan la dhibay u naxariisto, oo kan qaylinaya kaalmeeyo, oo kan soo nabad gala ee hortiisa ku cabanaya uu u gargaaro? Isaga oo aan abaalmarin abdaynayn,  noqoshana sugayn, xisaabna ka baqayn”.

“ما الذي حرَّك الزنديق والدهريّ على الخير، وإيثار الجميل، وأداء الأمانة، ومواصلة البرِّ، ورحمة المُبتَلَى، ومعونة الصريخ، ومغوثة الملتجىء إليه، والشَّاكي بين يديه؟  هذا وهو لا يرجو ثوابًا، ولا ينتظر مآبًا، ولا يخاف حسابًا. “.

Jawaabtii Ibnu Miskaweyh bixiyeyna waxay ahayd in diintu aysan sabab u ahayn jiritaanka akhlaaqda. Balse waxtarka diintu akhlaaqda u leedahay uu yahay in ay kaalmayso fidrada (=Intrinsic value) iyo garashada ruuxa oo iyagu asal ahaan samaha iyo xumaha u kala yaqaan. Ibnu Miskaweyh wuxuu hoosta ka xarriiqay in qofku caqligiisa iyo bani’aadamnimadiisa uu ku garto wanaaga, kuna sameeyo, kaalinka shareecada ama diintuna ay tahay cunsur baritaara fidrada, oo baraarujin iyo dhiirrigelin laga helo. Eraydiisiina waxay ahaayeen sidatan:

للإنسان- بما هو إنسان- أفعال وهِممٌ وسجايا وشِيمٌ قبل ورود الشرع، وله بداية في رأيه، وأوائل في عقله لا يحتاج فيها إلى شرع؛ بل إنما تأتيه الشريعة بتأكيد ما عنده، والتّنبيه عليه، فتُثيرُ ما هو كامِن فيه، وموجود في فطرته، قد أخذه الله- تعالى- عليه، وسطّره فيه من مبدأ الخلق، فكل من له غريزة من العقل، ونصيب من الإنسانية ففيه حركة إلى الفضائل، وشوق إلى المحاسن لا لشيء آخر أكثر من الفضائل والمحاسن التي يقتضيها العقل، وتوجبها الإنسانية، وإن اقترن بذلك في بعض الأوقات محبة الشكر، وطلب السٌمعة، والتماس امور أخر. ..”

Malaha doodda Miskaweyh waxaa xoojinaya xadiiska nebigu (NNKH) ku yiri: “Waxaa la ii soo diray si aan akhlaaqda wanaagsan u dhamaystiro”. Waayo? Sida xadiiska laga dheehan karo, nebigu ma sheegan in uu la yimid akhlaaq cusub oo ummadda loo soo diray aysan horay u aqoon, balse wuxuu sheegay in loo soo diray si uu u dhamaystiro ama u xoojiyo akhlaaqda wanaagsan. Taa oo macnaheedu yahay in Carabtii Jaahiliyaddu ay lahaayeen akhlaaq wanaagsan.

Runtii waa adagtahay, in lagu doodo jiritaanka akhlaaq  islaamku gaar ahaan u la yimid, oo aan horay aadamigu u aqoon. Waxaana la sheegaa in culumada Islaamka kuwii ugu horreeyey ee wax ka qoray mawduuca akhlaaqdu ay si joogto ah ugu noqonayeen culumadii ummadaha kale sida Giriigga, oo ay magcaantooda iyo doodahoodaba xusaan.

Akhlaaqdu ma aha badeeco qolo gaar u leedahay, Allena ma doonin in koox yari damiir yeelato,  sida barbaarta madax-falluuqa qabaa ay isku dayaan in ay naga dhaadhiciyaan. Waxaana xusid mudan, oraahdii Shiikh Maxamed Cabdoh uu yiri kaddib markii uu tagay Yurub ee ahayd: “Halkaan waxaan ku arkay Islaam balse muslimiin kuma arag, waddankaygana waxaan ku arkaa muslimiin balse Islaam kuma arko!!”

Akhlaaqda oo diin lagu xiraa waxay keenaysaa in akhlaaqda lagu koobo bulshada diintaas haysata oo keliya, ummadaha kalena laga qadiyo. Weliba dadka diintaas haysta ayaa iyaguna dhexdooda akhlaaqda sii kala shinsanaya. Tusaale ahaan, Sunnada iyo Shiicadu inkasta oo ay hal diin ku wada abtirsadaan, haddana marka loo yimaado arrimaha la xiriira akhlaaqda midkoodna ma oggola in ay tan kale webiga akhlaaqda koob ka darsato, oo sunnadu ma aqbali karaan shiicaa akhlaaq leh, sidoo kalena shiicada lama soo marsiin karo sunnaa akhlaaq maqashay. Sunnada iyo Shiicada midiba tan kale waxay u aragtaa sheydaan muuqaal bani’aadam leh.

(Waa sawir gacan lagu sameeyey oo muujinaya Abuu Xayaan Al-Towxiidi oo su’aalo weydiinaya Abuu Cali bin Miskaweyh).

Dhanka kale, waxaa ayaandarro ah in maanta muslimiinta badankoodu kolka ay maqlaan erayga akhlaaq ay durbadiiba maankooda ku soo dhacaan arrimaha diintu reebtay, siiba waxay si gaar ah ugu sii mashquulaan gabdhaha lugahooda dhexdooda.  Taas oo meesha ka saaraysa macnihii ballaarnaa ee akhlaaqdu lahayd iyo mirihii laga guran lahaa. Arrinkaas oo lagama maarmaanna ka dhigaya in muslimiintu dib-u-eegid ku sameeyaan macnaha iyo nuxurka eraygu leeyahay.

Akhlaaqda aadamuhu maanta hirgelinteeda u halgamayo waxaa ka mid ah in la helo xorriyad, caddaalad, sinnaan, caqlaaniyad iyo in la oggolaado in lagu kala geddisnaado fekerka iyo dhaqanka. Arrimahaas oo ka mid ah waxa loogu yeero qiyamka cusboonaanta (=Values of modernity\قيم الحداثة).

Teeda kale, meesha maanta muslimiinta culayska ugu weyni uu ka haysto waa sidii ay ugu guulaysan lahaayeen in ay akhlaaqda iyo diinta dib u mideeyaan. Ragga carruurta, haweenka iyo bulshada rayidka ah meel kasta ku gawracaya iyaga oo akhrinaya aayado quraan ah, isla markaana ku doodaya in falkaas ay nebiga uga dayanayaan, waxaa ka dhashay in dad badan isweydiiyaan su’aal ah: war sidee diin akhlaaq xumadaan loogu abtirinayaa ay diin ku noqon kartaa?

Wadaaddo muslimiin ah ayaa waxay fatwoodeen in ay bannaan tahay in la gawraco carruurta Israa’iilada, dadkooda rayidka ahna la isku qarxiyo. Shiikh Yuusuf Al-Qardaaw iyo wadaaddo kale ayaa haddana waxay soo saareen fatwo ay ku sheegayaan in ay waajib tahay in la dilo dadka rayidka ah ee u dhashay dalka Maraykanka haddii Ciraaq lagu arko, xataa haddii ay dalkaas dalxiis iyo dano la mid ah u yimaadeen. Wadaaddo kale oo isla fatwada noocaas ah ka duulaya ayaa iyaguna waxay fatwoodeen in ay bannaantahay in la gawraco carruurta ay dhaleen askarta waddamada islaamka ah ee ay ka jiraan nidaamyada cadaadiya ururrada diiniga ahi sida Jasaa’ir, Masar iyo Indooniisiya[1].

Weydiinta meesha ku jirtaana waxay tahay: waa islaam noocee ah islaamka faraya in la gawraco carruur yaryar iyo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan? Weydiin kale oo iyana maanta aad la isu weydiiyaa waxay tahay:  Islaamku diin ahaan mas’uul ma ka yahay falalka argagixiso ee magaciisa lagu geysto?

Iyada oo kooban, waa adag tahay in lagu doodo in diinta Islaamku ay bannaynayso falalka argagixiso ee maanta dunida aafeeyey, laakiin dhanka kale ma jirto diin ka madax-bannaan taariikhda dadka ku abtirsada, oo diinta waxaa saameeya duruufaha dhaqan-dhaqaale ee dadka ku abtirsada, sidaa darteedna waxaa jira islaam noocyo badan oo mar kasta iyo meel walba muuqaal gaar ah leh. Islaamka maanta muuqdaana waa wixii muslimiintu ay diinta ku sameeyeen iyo qaabkii ay u fasireen. Sidaa awgeed, muslimiinta waxaa xil weyni ka saaraan yahay sidii ay akhlaaqda diinta ugu soo celin lahaayeen, oo diinta wejiga waraabe loo yeelay ay mar kale weji naxariiseed ugu yeeli lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, doodaha akhlaaqda la xiriira ma aha kuwo lagu kala garqaato, aalaabana waxay u ekaadaan dooddii ahayd digaagga iyo ukunta keebaa horreeyey. Taasoo jirta, haddana arrin la rumaysan yahay in uu saamayn weyn ku leeyahay anshax wanaaggu, waa xeerka loogu yeero “jiheeyaha ama diiradda damiirka/ moral compass” ee oranaya: “Dadka ula dhaqan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo.”  Eebbana quraanka wuxuu ku yiri: “ Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha?/Hal Jasaa’u al-Ixsaani illaa al-Ixsaan”[Ar-Raxmaan 60]. Nebi Muxamedna (NNKH) waxaa laga wariyey in mar uu saxaabi la oran jirey Waabisa bin Macbad uu u tilmaamayey sida ruuxu samaha iyo xumaha ku kala garan karo, uu ku yiri: “Qalbigaaga la tasho … dadku waxay doonaan ha kuu fatwoodeene (=sheegeene)/ Istafti qalbak, … wa’in aftaaka annaasu wa’aftowka…”.

Tusaale ahaan, in runtu wanaagsan tahay, beentuna xun tahay, waa arrin dadka oo dhan- kuwo diin haysta iyo kuwo aan haysanba- ay qirsan yihiin. Taana waxaa ugu wacan in manfacada arrinkaas ku jirtaa ay tahay mid dadka garaadka leh oo dhan u muuqanaysa, waayo ruux walbaa wuxuu jecel yahay in run loo sheego, wuxuuna neceb yahay in been loo sheego.

Caadi ahaan, ruuxa Rooma ku dhashay lagama fisho in uu Buudi noqdo, kan Tookiyo ku dhashayna lagama sugo in uu Muslim noqdo, kan Maka ku dhashayna loogama fadhiyo in uu qaato diimihii hore ee Hindidii Ameerika. Laakiin dhammaan akhyaartaas waxaa isku si looga fishaa in ay runta u khushuucaan, beentana ka qamandhacoodaan. Macbadka, masjidka iyo kaniisaddu waa kala duwan yihiin, laakiin dareenka qalbiga dadku uma kala duwana sida deegaankooda, diintooda iyo dubkoodu u kala duwan yahay.

 

La soco qaybta 2-aad.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

[1] Fatwo noocaas ah waxaa taleefishinka Al-Jasiiro ka bixiyey wadaadka lagu magacaabo Abuu Qataada, isaga oo sheegay in ragga jihaadka ka wada dalka Jasaa’ir ay xaq u leeyihiin in ay gawracaan carruurta ay dhaleen milateriga iyo booliska dalkaasi.