Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhoofka iyo Dhaqanka Soomaalida! (Dhiraadhirin), Q3.

Dhalin yaro u badnaa ciidamada iyo qaybo kala duwan oo iskugu jiray shaqaalaha dawladda iyo arday ayaa ahaa kooxihii ugu horreeyay ee wadamada Galbeedka nolol ardaynimo iyo mid shaqo ka bilaaba. Inta badan shacabka Soomaaliyeed aragti iyo fikrad kama haysan nolosha, taariikhda iyo dhaqamada wadamada Galbeedka. Wadamadii waxbarashada ciidan loo aadi jiray waxaa ka mid ahaa Maraykan iyo Ruushka oo xiligaas ku tartamayay dagaalkii qaboobaa.
Raggii iyo dumarkii waxbarashada iyo shaqada uga soo laabtey Galbeedka, intooda badan waxay ka soocmi jireen bulshada inteeda kale ayagoo la dhuumanaya biyaha kulul oo ay kaban jireen. Sidoo kale raggii carabaha ka soo guryo-noqday waxay ka soocmeen bulshada ayagoo bilaabay in ay carabi caato ah kula murmaan waalidkii soo barbaariyay iyo xoola dhaqatadii Soomaaliyeed!
Tusaale ahaan, dhalinyaradii Carabaha u dhoofay ee diin barashada doontay waxey dalka ku soo laabteen ayagoo aaminsan in dhaqanka, hidaha, iyo taariikhda Soomaalida yihiin wax fadareysan oo ay waajib muqadas ah tahay in laga fogaado. Raggan iyo saameynta ay ku yeesheen xiriirka ka dhaxeeya dhaqanka iyo dhoofka Soomaalida waxaan si faahfaahsan ugu xusi doonaa qaybaha danbe ee qoraalka.
Bulsho weyntii Soomaaliyeed ma aysan helin rag si fiican uga warbixiya dhib iyo dheef noloshii ay kala soo kulmeen Qurbaha. Inkastoo ay jireen aflaan iyo riwaayado aan badnayn oo aan la tarjumin, ma jirin qoraallo laga baran karo dhaqamada iyo xadaaradaha umahada kale.
In dalka laga dhoofo oo dalal kale nolol qaxootinimo ah laga bilaabo ayaa soo shaac baxdey billowgii sideetamaadkii qarnigii labaatanaad. Rag u badnaa mucaarad iyo qoysaskooda ayaa ugu horreeyay dadkii Soomaaliyeed ee qaxooti ku noqda dalalka dariska ah. Dhanka kale, maamul xumo iyo shaqo la’aan ku baahdey dalka ayaa sidoo kale dhiira galisay in dhalinyaro badan dhoof u hanqal taagaan dhamaadkii qarnigii labaatanaad.
Marka la eego aragtida bulshada Soomaaliyeed ee waqtigaas joogtay, dad aan badnayn ayaa u arkey xalka caburinta siyaasadeed iyo shaqo la’aanta in dhoofitaan uu ku jiro, waayo dadka intiisa badan way ay ka soo horjeedeen in dalka laga baxo oo dibadaha dan la moodo. Suugaantii xilligaas ayay arrintan ka muuqan kartaa.
Heesta “Degmo” ee ay wada qaadaan Maxamed Aadan Dacar iyo Hibo Nuura ayaa u soo qadaan karnaa tusaale. Erayada heesta waxaa ka mid ah “Dacar: Raggu socodku waa u door haddii uu mawdku daayee .Darbi lama fariisto iyo halkii kuu darnaatee Kol haddaan wax daaqiyo duunyo iga foofayn, doqonniimo weeyaan innagoo is dul joognaa…. Jawaabtii Hibo: Duunyo meel ku oodnayd soo dareerin maysidee. Dal kale taad ka dayi lahayd halkan inooga doonoo!”
Erayada ay ku luuqaynaso Hibo, waxay u taaganyihiin dareen xoog leh oo lagu diiddanaa in dalka laga hayaamo, sidoo kale waxay tilmaan u ahaayeen in aan nolol dhaanta midda wadanka laga heli karin waddamo kale.
Reer baadiye badan oo si tartartiib ah ula qabsanayay noloshii magaalada, iyo reer magaal aan badnayn ayay dadka Soomaaliyeed iskugu jireen markii ay dawladii kacaanka burburtay. Dagaalladii sokeeye iyo colaadihii waxaa laga dhaxley qax iyo qaxootinnimo aad u baahey oo qoysas badan oo Soomaaliyeed ku kala firdhisay dacallada aduunka.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u soo qaxay wadamada Galbeedka ayagoon aragti ka haysan dhaqanka iyo nolosha wadamada ay u soo qaxeen. Arintan waxaa laga dhaxley dhibaato aad u weyn oo laga gaashaaman lahaa hadii wax uun laga ogyahay taariikhda, falsafadda nolosha lagu hago, iyo dhaqamada wadamada galbeedka.
Dhoofkii iyo qaxii lagu soo beegsanayay wadamada galbeedka wali wuu socdaa. Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay waxay is badal weyn ku sameeyeen xiriirkii ka dhaxeeyay miyiga iyo magaalada. Xoola- dhaqatadii oo miyiga ku waayay daryeel dawladeed ayaa ku soo yaacay magaalooyinka.
Nasiib darro, Inta badan reer miyigii soo galay magaalooyinka waaweyn ee dalka lama aysan kulmin reer magaal ay ka bartaan ilbaxnimada looga baahanyahay nolosha magaalada waayo dadkii magaalooyinka ku noolaan jiray waxay waa hore ka ka qaxeen dagaaladii dalka ka dhacay dhowr iyo labaatan sano ka hor.
Waqtigan la joogo, magaalooyinka waaweynaa ee Soomaaliya waxa ku badan, reer miyi qaab qasab ku reer magaaloobay. Dadaal aad u badan ayay sameeyeen dadkii miyiga ka soo galay burburkii ka dib. Waqtigan la joogo, magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa kala wada dhaqaale iyo dhaqan ahaanba reer miyigii soo galay labaatan iyo dhowr sano ka hor.
Arintan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa ilbaxnimada jiilasha soo socda waayo magaalooyinkii waaweynaa ee dalka waxaa lagu kala wadaa qabyaaladii iyo dhaqankii tuulada.

Dhamaad..

Qore: Cabdullaahi M. Cawsay