Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ibnu-Batuuta iyo Geyiga Soomaaliya

Ibnu Batuuta oo ahaa dhul-mareen Carbeed , oo noolaa intii u dhaxaysay “ 1304-1377” waxa uu leeyahay kitaab uu ku ururiyey xogtii socdaalladiisa oo la yidhaahdo ( Tuxfatu anudaar, fii qaraa’ibil amsaar, wa cajaa’ibil asfaar), Dhul-mareen kaasi waxa uu dhulka Soomaalida soo gaadhay 1331 kii, waxaanu safar ku maray, xeebaha Soomaalida isagoo socdaalkiisa ka bilaabay magaalada Saylac kuna dhammeeyey Muqdisho, in kasta oo aanu magaalooyinka badankooda ku hakan, kitaabkiisa geyiga Soomaalida waxa uu ka qoray xogtan soo socota :

……. Waxa aanu ka soo shiraacannay Magaalada Cadan, afar dharaarood oo aannu badda ku jirnay ka dib waxa aanu gaadhnay magaalada Saylac. Waa magaalo dhulka Berberka ka mid ah ,—-Berberkuna waa ummad dadka madaw ka mida oo Muslimiin ah, mad-habka shaaficiyada ayey haystaan, dhulkoodu waa lama degaan laba bilood loo kala socon karo, Saylac buu ka bilaabmaa, Muqdishana wuu ku dhammaadaa, waa xoolo dhaqato, geel iyo adhi aad u shilis leh—– Reer Saylac waa dad madaw, badankooduna waa Raafido. Saylac waa magaalo baaxadweyn oo suuq ganacsi leh; hase ahaatee waa magaalo uskag badan, waxaana aad u uriyey geela badan ee lagu qalo waddooyinkeeda. Markii aannu soo gaadhnay, waxaannu door-bidnay, in aannu doonta u dul hoyanno oo aannaan magaalada gelin. Safar shan iyo toban beri ah ka dib waxa aannu gaadhnay Muqdisho.
Masaajid da’da weyn ee Saylac
Muqdisho waa magaalo aad u weyn, dadkeedu waa ganacsato heer sare ah, waxaanay leeyihiin xoolo Geel iyo Adhi ah, oo maalin walba ay boqollaal qashaan, Muqdishaa lagu farsameeyaa dharka magaceeda sita ee Masar iyo meela kaleba laga xidho.
Muqdisho marka dooniyi timaaddo waxa ku soo qamaama, dhallinyaro mid waliba huudhi saaran yahay xeedho cunto ahna sida, marka ay doonnida soo koraan mid waliba waxa uu cuntada ku sooryeynayaa ganacsatadii doonnida fuushanayd, ganacsade kastaa qof buu ku degayaa, oo alaabtiisa u iibinaya, wixii uu qaadanayana u gadaya. Markii loo sheegay in aannaan ganacsato ahayn, waxa ay noogu yeedheen Qaadigii magaalada, kolkii aannu soo degnay, Qaadiga iyo ardaydiisii ayaa na soo dhoweeyey, [Qaadiga asalkiisu waa Masri, magaciisana waxa la yidhaahdaa Inbu Burhaan] Wuxuuna nagu yidhi : Sheekha ayeynu soo salaamaynaa. Waxaannu ku nidhi : sheekhu waa kuma ? Wuxuuna yidhi: Suldaanka.[ waxay dhaqan u leeyihiin in ay Suldaankooda sheekh ugu yeedhaan]. Intaa wuxu raaciyey in dhaqanku yahay kolkii marti miisaan lihi yimaaddaan, inay Soo salaamaan Suldaanka.
Dhismayaashii Muqdisho ee waagaas

Suldaanka Muqdisho

Suldaanka Muqdisho sida aynu soo sheegnay waxa loogu yeedhaa Sheekh, Magaciisu waa Abu bakar Sheekh Cumar, waa nin Berber ah, Af Carabigana yaqaan. Marka doonnidu marsada timaaddo shaqaalaha Suldaanku waxa ay soo qoraan, warbixin ku saabsan doonta, meesha ay ka timi, naakhuudaha wada, waxa ay siddo, ganacsatada la socota iwm.

Marka warbixinta loo geeyo, dadka mudan in Suldaanku martigeliyo, sida Culimada, waxa la dejiyaa guriga martida.Kolkii annaga oo Qaadigu na hor-kacayaa aannu gaadhnay, gurigii Suldaanka waxa naga horyimi shaqaalihii qasriga, markii Qaadigu bariidiyey wuxu faray in ay Mudahana gaadhsiiyaan in ay sugayaan Marti Culimo ah oo dhulka Xijaas ka timi; wuu noqday, waxaanu soo noqday isagoo sida sooryo soo dhoweyn ah, dabadeedna wuxu sheegay in Suldaanku soo faray in nala dejiyo hoyga Ardayda. Qaadigiibaa na soo kexeeyey oo na keenay, gurigii oo aan ka durugsanayn qasriga Suldaanka; waa hoy aad u diyaarsan oo loo diyaariyey ardayda wax ka barata magaalada ee dhulalka fogfog ka yimi. Muddo kooban dabadeed waxa Qasriga Suldaanka na looga keenay Cuntadii, waxaana la socday masuulkii Suldaanka ugu qaybsanayaa martida iyo maamuusidda, wuxu yidhi : Suldaanku aad buu idiin salaamayaa, waanu idin soo dhoweynayaa, dabadeed cuntadiibaa na loo soo dhigay oo aannu cunnay. Cuntadoodu waa Bariis subag lagu kariyey, Hilib xoolaad, digaag iyo kalluun lagu riday weel qori ka samaysan, waxa raaca, Muus caano dhay ah lagu kariyey, Caano, Cinab iyo liin.

Cuntada inta dhowr qof oo naga mid ahi cuni karaan, ayaa qof keliya oo reer Muqdisho ahi cunaa,waa dad dherer iyo dhumuc lagu mannaystay. Markii aannu cuntaynay Qaadigii wuu naga tegay, saddex maalmood baannu degganayn, maalin kasta saddex jeer baa cuntada na loo keenayey. Maalintii afraad oo Jimce ahayd ayaa Qaadigii noo yimi waxaanu noo keenay maryo aannu xidhanno. Dharkoodu waa go’ dun ah, oo la guntado—–saraawiisha dhulkan lagama yaqaan—–iyo go’ la hilaabto, koofiyad iyo cimaamad Masri ah. Masaajidkaannu nimi oo aannu ku tukannay, markii salaadda laga baxayna waxaannu Salaannay Suldaankii, aad buu noo soo dhoweeyey, wuxu af carabi noogu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imtaatinkaya, aadna noo soo dhoweynayo. Dabadeed daaradda Masaajidka ayuu u baxay, waxaanu dul joogsaday xabaasha Aabbihii oo meesha ahayd, waanu u duceeyey. Halkaas baanay Masuuliyiintii, Wasiirradii, iyo Ciidamadiiba ku salaameen Suldaanka, Masaajidka ayuu ka soo baxay Suldaankii waxaanu u lugeeyey, gurigiisa oo aan ka fogeyn, waxa la tumayey durbaannada, carooggana(buun) waa la yeedhinayey, ciidamadu hortiisa iyo gadaashiisa ayey socdeen, qaadiga iyo fuqahaduna waa ay barbar socdeen, sidaasuu ku soo gaadhay qasrigiisii, waxa la fadhiistay beerta qasriga, Madaxda ciidamadu meel u gaar ah ayey fadhiisteen, Qaadigii, fuqahadii iyo martidii kalena waxa fadhiisteen meel loo goglay, halkaas baana la fadhiyey inta ay Salaadda Casar ka gaadhaysay. Salaadda Casar kolka la gaadho, ciidaanku sida ay u kala darajo sarreeyaan ayaa safaf loo soo geliyaa, durbaannadaa lagaga dayaamiyaa, carooggana waa la balwiyaa, inta hawshaasi socotana qof ma nuuxsanayo, intaa ka dib Salaan sharaf baa suldaanka la siiyaa, waana la kala dareeraa, Jimce walbana sidaasaa la yeelaa.

Maalinta Sabtida dadku waxa ay ku soo jarmaadayaan guriga Suldaanka, waxaanay fadhiisanayaan, barxadda hore ee qasriga. Suldaanku marka uu soo baxo ee uu fadhiisto halkii loogu talagalay, Qaadiga ayaa barbar fadhiisanaya, fuqahada, guurtida iyo xujaajtuna marka ay salaamaan qofkii aan muraad lahayni waa uu iska tegayaa, halkaas ayaa lagu quraacanayaa. Marka la cunteeyo Suldaanku qasrigiisa ayuu ku laabayanaa, Qaadiga, xoghayaha Suldaanka iyo Wasiirraduna waxa ay u garqaadayaan dadka. Wixii axkaamta shareecada ah, qaadigaa go’aaminaya. Wixii kalena golaha tala-wadaagga ayaa xallinaya, arrimaha ay maareyn kari waayaanna waxay qoraal ahaan ugu gudbinayaan, Suldaanka, oo sida ay la noqoto isna qoraal ku soo gudbinaya.

W/T : CABDIKARIIN XUSEEN

EMAIL : cabdikarim89@hotmail.com