Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhiraandhirin: Dhoofka iyo Dhaqanka Soomaalida! (Q2).

Faa’idooyinka laga dhaxley geedigii joogtada ahaa ee reer guuraaga Soomaaliyeed, waxaa ka mid ah: Soomaalida oo tiro ahaan ah dad yar in ay ku baahaan dhul ballaaran oo ka mid ah geeska Afrika, xoojinta iyo baahinta Af- Soomaaliga ayadoo la adeegsanayo suugaan hodan ah. Sidoo kale Iska warqab guud oo dhaqan iyo mid dhaqaale cuskan ayaa laga dhaxley geedigii joogtada ahaa.
Geedigaas joogtada ah wuxuu kaloo horseeday wada-dagid iyo wax wadaag lagu maareeyo duruufaha adag ee la soo darsa deegaanka sida abaaraha iyo colaadaha oo kale. Noloshii hore ee reer guuraanimada ayaa badanaa loo tiiriyaa arinta sida hoose u sababtay is gacanqabashada iyo isku gurmashada guud ee Soomaalida ay kaga duwanyihiin dhamaan bulshooyinka ku nool geeska Afrika.
Xog raadin iyo war isku tabin joogto ahaa ayaa ka mid ahaa waxyaabihii lagu hagi jiray noloshii reer guuraannimada. Aqoonyahanno badan ayaa qaba in war-raadinta iyo xog is weydaarisga Soomaalida hadda joogta ay salka ku hayso dhaqankii hore ee miyiga.
Qarnigii labaatanaad bartamihiisi ayay Soomaali badan oo xoolo dhaqato ah bilaabeen in ay u soo wareegaan magaalooyinka. Arrimo badan ayaa sabab u ahaa in reer guuraa badan ay nolol ka bilaabaan magaalooyinka. Sababahaas-bulsho waxaana ka xusi karnaa curashadii qarannimada iyo dawladnimada cusub oo laga heley shaqooyin rasmi ah oo laga qaato mushaarooyin.
Shaqooyinkii sida weyn loogu daatey waxaa ugu caansanaa qorshashada qaybaha kala duwan ee ciidamada Qaranka. Geel jirayaal badan ayaa qortey ciidamada, inta badan saraakiisha caanka ahaa ee Soomaaliya soo marey waxay noloshoodii dhalinyarannimada ku soo qaateen baadiyaha.
Waxaa jirta aragti ku dooda inta badan reer guuraagii ku soo yaacay magaalooyinka ay u badnayaayeen kooxo sabool iyo suxud saaxud ku ahaa nolosha miyiga. Aragtidan waxaa ka hor imaanaya dood kale oo qeexaysa in qarnigii labaadanataad bartimihiisa, magaalooyinka waaweyn ee dalka lagu arkey dhalinyaro badan oo ka soo jeeda reero ku ladnaa nolosha reer guuraannimada ee miyiga.
Marka laga reebo reer magaal kooban oo magaalooyinka Soomaaliya horay ugu sii noolaa, qoysaskii iyo caruurtii ay dhaleen dhaliyaradii qortay ciidamada qaranka ayaa nasiibsaday in nolol ka duwan noloshii reer guuraannimada ka billaabaan magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Baledweyne, Hargaysa, Kismaayo, Baydhabo iyo kuwo kaloo badan.
Bartamihii qarnigii labaatanaad ayaa Soomaali asalkoodii reer guuraa ahaa si lama filaan ah ku noqdeen reer magaal noloshooda ku dabara xirfado ay ku xamaashaan.Halkaasna waxaa ka abuurmay facii ama jiilkii ugu horreeyay ee nolosha reer-guuraanimada uga soo wareega nolosha magaalada.
Jiilkii labaad ee si xawli ah nolosha miyiga uga soo hayaama ee magaalooyinka soo beegsada, ayaa soo qalab qaatay xilligii dawladdii kacaanka. Hoggaankii dawladdii kacaanka oo u badnaa geel jirayaal heer fiican ka gaarey darajooyinka kala duwan ee ciidamada qalabka sida, ayaa waxey tusaale wanaagsan u noqdeen qaraabadii iyo xigtadii ay baadiyaha uga soo tageen.
Guryihii iyo qoysaskii raggii ciidamada ka tirsanaa waxaa soo buux dhaafiyay dhalinyaro wiilal iyo gabdho iskugu jira oo qaraabada ah kuwaas oo baadiyaha uga yimid sii ay nolol cusub uga bilaabaan magaalooyinka dalka. Kacaankii dalka ka hanaqaadey wuxuu isbadel weyn ku keeney xiriirkii ka dhaxeeyay noloshii baadiyaha iyo magaalooyinka waaweyn.
Reer guuraa badan ayaa si dag dag ah iskugu dayay in ay ula jaan qaadaan nolosha magaalada, taasna waxay dhibaato weyn u keentay nolosha dabiiciga ah ee magaalada oo u baahan waqti iyo barasho. Waxaana laga yaabaa in waqtigaas ay ku beegnayd xilligii ay soo shaac baxdey oraahda ah “ dhar magaalo si fudud ayaa lagu qaataa, balse dhal magaalo sahal laguma noqdo”.
Karti iyo dadaal badan oo ay muujiyeen qayb ka tirsan dhalinyaradan miyiga ka timid, waxaa u suura gashey in muddo yar gudahood uga aflaxaan xarumihii waxbarashada, ayagoo ku kala biiray qaybaha kala duwan ee laamaha dawladda.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in ay jireen qeyb kale oo badan oo qaab musuq maasuq ah maamulkii kacaanka uga dhigay shaqaale dawladeed, iyo askar. Aqoonyanno badan oo darsa burburkii dawladnimada Soomaaliya, waxay tilmaamaan in sababta ugu weyn ee tolweynaha Soomaaliyeed uga aamin baxeen dawladnimada in ay tahay soo dhaweyntii ka badbadiska ahayd ee dawladdii kacaanka u fidisay reer miyi badan oo magaalooyinka qaab habqan ah ugu soo yaacay.
Dhanka kale waxa jira qayb kale oo mudan in si fiican loo xuso.
Kooxdan waa dhalinyaro miyiga ka timid oo aan soo dhaweyn iyo shaqooyin wanaagsan midna aan ka helin magaalooyinkii ay soo galeen. Dhalinyaradan miyiga ka timid iyo kooxo reer magaal ahaa oo magaalooyinka waaweyn ku busaaradaysnaa waxay u dhoofeen wadamadda carabaha si ay diinta uga soo bartaan.
La soco qaybta 3aad ee dhiraadhirintan.
Qaybtii 1aad: http://somalithinktank.org/dhiraandhirin-dhoofka-iyo-dhaqa…/
W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey.