Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaalkii Fuudkii la Jeclaaday.

1239788_625942807427429_507143495_a-e1403195138649Beribaa nin cunto-kariye(chef) ahi waxa uu naqshad ahaan u diyaariyey sida la isugu daro khudaar iyo geedaha uduga(spices) iyo waqtiga ay karayaan. Waxa uu u dhiibay gacanyarayaashiisii, khudaartii iyo geedihii ayaa la kariyey iyada oo la raacayo xeerkii uu dajiyey. Markuu maraqii bislaaday ayaa la dhadhamiyey, uuum, aaam iyo macaanaa ayaa ka dhacday. Macaamiishii makhaayadda ayaa lacag la’aan lagu siiyey. Macaamiishu maadaama ay cunto-kariyayaashooda horay ugu kalsoonaayeen iyagoon su’aal ka keenin ayay cabbeen maraqii, mise kaba sii macaan, kana udgoon maraqyadii ay horay makhaayadda uga cabbi jireen.

Macaamiisha oo ka kala iman jirtey gobolo iyo waddamo u dhaw ayaa ka dalbaday in Sheefku(chef) ku caawiyo naqshadda maraqa iyaguna ay ilaaliyaan magaca uu u bixiyey. Haye ayuu yiri. Goob kasta oo fuudkii la geeyey waxa uu muddo gaabanba barabixiyey fuudadkii kale. Haddii goboladii iyo waddamadii deriska ahaaba qabatimeen naqshaddii, farsamadii karinta iyo dhadhanka maraqu yeesho marka uu bislaadaba, waxa ay ku fekereen in ay dunida kale kaga ganacsadaan.

Waxaa shir arrinkaa looga tashanayey isugu yimid sheefafkii(chefs) iyo ganacsatadii danaynaysay inay dunida kale u iib geeyaan. Haddii taladii la rogrogay waxaa la isku af gartay 1- in dadka kale marnaba la barin naqshadda iyo xeerka karinta oo dhamaystiran. 2- in dadyowga kale laga iibiyo fuud diyaarsan, marmarka qaarna bilaash lagu siiyo si uu ugu noqdo daroogo aan jirkoodu ka maarmin. 3- in dacaayad badan lagu bixiyo sidii suuqa looga saari lahaa fuudadka kale. Waxaa la isla qaatay sida kaliya ee saddexdaa qodobi ku hirgeli karaan waa in dunida dacalladeeda laga furaa hudheelo iibiya maraqaa. Sidii ayaa lagu dhaqaaqay. Waddamo badan ayaa hudheeladii si fudud looga furay, qaarna madaxdoodii ayaa saami faa’ido wadaag ah iyo in raasamaalka huteelka ay iyagu leeyihiin lagula heshiiyey, qaarna iyagoon lagala tashan ayaa huteelkii waddankoodii la dhexqotomiyey oo maraqii lagu iibiyey. Si huteelku u buuxiyo baahida dadka degaanka waxaa loo baahday shaqaale degaanka u dhashay oo dadka fuudka ka iibiya. Waxaa loo xiray dhar u eg dharkii sheefafka, waxana la siiyey tababar xadidan oo ah sida maraqa dadka loogu xayeysiiyo, sida jikada looga soo qaado oo dadka miisaskooda loogu geeyo iyo magaca fuudka oo ay ku werdiyaan. Waxaa kale oo laga dhaadhiciyey in ay ka duwan yihiin dadkii degaanka loona baahan yahay inay soo minguuriyaan, kuna daydaan dhaqanka sheefafka ee ka baxsan shaqada cunto karinta sida habka ay u labistaan, habka ay u raaxaystaan, waxa ay jecelyihiin iyo waxa ay necebyihiin intaba.

Fuudkii cusbaa mushkilad weyn ayuu keenay dadkiina dareeno isku dhafan ayuu ku abuuray. Ugu horrayn dad badan ayaa hab dhaqanka sheefafka ka diday oo fuudkiiba kharaar iyo macaan, udgoon iyo qarmuun waxa uu yahayba iyaga oon hubsan colaad xun ku qaaday maraqaas iyo wixii wadwadaba, af iyo addinna kula diriray. Qaar kalana waxay waraysteen shaqaalihii ay isku isirka ahaayeen, iyaga oo ka shakisan ayay si qarsoodi ah u barteen dhadhankii fuudka, si aan loogu caayina waxay sheefafkii ka dalbadeen in guryahooda loogu keeno maraqa, qaarna su’aalba kama keenin oo waxay dhaheen mar haddii maraqu uu yahay cunto dad kariyeen, dadna cunayo sabab aan uga baqno ma jirto. Markay dhadhankiisii qabatimeena waxayba diideen in maraq kale lala tartansiiyo jacayl ay u qaadeen darti.

Kuwii qarsoodiga ku bartay ayaa dood ka dhex curatay. Qolo fuudkii ayay dhadhamiyeen oo mishiqsadeen waxayna iyagoo qoslaya dhaheen: war maraqu waa maraqeenii oo geedo aan la aqoon lagu daray e aynu shaydaanka iska naarno oo intaynu geedahaa barano aynu dib u karino maraq aan geedahaa wadan dhadhanka iyo nuxurkuna waxba iska dhimin. Waxay isku dayayaan in ay u caqli celiyaan labadii qolo ee kale, qolodii diidanayd ee xaaraan maqdac ah ka soo qaaday iyo qolodii iska liqday. Qayb kalana waxay dhaheen. Dhadhaminay oo dhadhaminay waa uun maraq maraqeenii hore lagu baddalay uun. Nama soo galo. Maraqayagii hore wax ka khaldan ma jiro aan ka ahayn dadka oo iimaanku ka tagay.

Buuqii oo markaa curtay ayaa waxaa busaarad xumi haleeshay ganacsatadii iyo sheefafkii huteelada lahaa. Mar kale ayay shir isugu yimaadeen ay uga arrinsanayeen sidii fuudkooda magaciisu u sii jiri lahaa, macaamiishii baratayna ay iyaka weligood ugu tiirsanaan lahaayeen. Waxaa la isla gartay saddexdan qodob. A) in maamulka huteelada lagu wareejiyo shaqaalihii ay tababarka xaddidan horay u siiyeen, dhaqanka sheefafkooda ee shaqada ka baxsanna aad u jeclaaday. 😎 in la baro magacyada khudaarta fuudka laga sameeyey iyo dhirta udginaysa qaarkeed laakiin aan waligood la barin naqshadda oo dhamaystiran si ay mar walba oo ay u baahdaan dhadhanka maraqii aynu barnay ay inoogu yimaadaan oo ay inooga iibsadaan. C) in aan fuudka keligiis laga gadin ee lagu khasbo in ay ku gataan dhaqanka sheefafka. Waxaa kaloo ay isla qaateen in aad iyo aad loo sii labanlaabo xayeysiiska maraqaa lagu bixiyo illaa dadku ku qarwaan jacaylka ay u qabaan fuudkan.

Muddo yar ka dib ba waxaa sheefaf noqday kabalyeeriyadii. Maraqii ayay sameeyaan mise magac mooyee dhadhan iyo nuxurba shaqo iskuma leh. Waa mar biyuhu ka bataan, mar geedihii laga illaawo, mar geedo kale oo udugii iyo dhadhankiiba tiray lagu daro. Rafaad. Qofkii ku dhaha war fuudka naga soo hagaajiya oo ama noo keena fuudkii sheefafkii aad u shaqayn jirteen ama naga tuura oo midkayagii hore noo soo celiya, waxay ku eedeeyaan inuu huteelkaa qiimaha badan dadka ugu fadhiya uu duminayo! Waxay bilaabeen in ay dadkii khasab ku siiyaan fuud-xaraarkii. Dadkii oo afar kooxood ahaa ayaa hadba qolo isku daydaa in ay sheefafkan u caqli celiyaan. Qolodii awalba ka wiswisanayd fuudka iyo kuwii gaaray qaraarka inaan fuud fuud kale lagu baddalin way midoobeen waxayna sheefafkii kaga soo horjeesteen mucaaradada hubaysan iyo mid aan hubaysnayn oo sheefafkii ay kala wareegeen hawlo badan oo huteelka ka socday sida nadaafaddii iyo sharraxaadaadkii. Waxaa mucaaradka hubaysan xoojiyey qolo u diriraysa inay iyagu noqdaan sheefafka uun ee aan kala jeclayn maraqa doodu ka socoto iyo maraqa lagu baddalayo.

Haddii xaaladdii cakirantay la iskuna rafaaday ayaa la iswaydiiyey sababta fuudkan loogu dagaalamayo. Mucaarad iyo mu’ayidba waxay isku raaceen in fuudkan sheefafkani dadka khasab uga gadayaan wax ka khaldan yihiin, uusan la dhadhan ahayn kii sheefafkii hore iibin jireen. Saddex talo ayaa miiska la soo saaray. 1- in sheefafkii hore loo tago, qiime kastana ha inoogu fariisatee laga soo barto ama xado naqshaddii asalka ahayd deetana magac cusub maraqa loo bixiyo, maadaama magacii hore uu astaan u noqday tayo xumo 2- in la qaato talada qoladii mar hore soo jeedisay in la darso maraqu waxa uu ka kooban yahay deetana laga saaro geedaha kuwooda aynu ka didnay magaciisana loo daayo iyo 3- in gebi ahaanba la daadiyo fuudkan, fuudkii aynu horay u haysanayna dadka dib loo baro dhadhankiisii.

Dagaalkii fuudka oo shanqarxay oo qolo waliba dadweynaha dhankeeda ka shukaansanayso ayaa socda.
Qoraa Burhaan Cali