Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gabay: Qaraxyada Allow Naga Qabo

aminaAamina Muxammed, waa abwaanad aad ug xeeldheer suugaanta iyo sooyaalka Soomaalida, waana qof u dhaqdhaqaaqa jiritaank iyo xal u helista Soomaaliya. Aamina waxay kamid aheyd dhowr hablo ah oo magaalada London ka billaabay in ay Soomaalida isu timaaddo 1991, xilli ay duufaanta qabiiilku lagdatay Soomaali oo idil. Maanta Aamina waxa ay nagu jalbeebbinaysaa gabay dareen iyo qiiro galinaya qof walba oo ay qaddar dadnimop ah ku hartay.

1-Qawiyoow Ilaahoow adaa Qaadirow jira’e

2-Qof awood leh oo kale ma jiro adiga qayrkaye;

3- Adigaa qorsheeyoo dunida qaab u maamula’e;

4-Adigaa khalqaday oo nafluhu kuu qabbaan yahay’e;

5-Adigaa addoomada u qora quudka ay cuniye

6-Qorratiyo quraanjaba adaa qoray arsaaqdoode

7- Buuraha qirada weyn, badaha amarka kaa qaatay

8-Samaawaadka quruxdiyo shamsada qamarka nuuraaya

9-Qayraadka ciiddiyo nicmada qalabka hoos yaala

10-Cilmiyada qarsoon iyo xogaha adiga kuu qaasa

11- Ma qiyaasi karo aadamuhu Qaadiroow abid’e

12-Qafuurul-raxiimoow adaan weyni kuu qiray’e

13-Eebboow Qab baa nagu dhacdiyo qabar an moogayn’e

14-Eebboow qar baa nagu dumiyo qabar an moogayne

15-Eebboow qasaaraa na helay qabar an moogayne

16-Qadartiyo waxaad noo qortaan cidi qilaafaynne

17-Qarankeenni maantuu lumoo quruxi ay duushay

18-Eebboow waxaa naga qaldamay qaabkii nololeede

19-Eebbow qaxootaannu nahay qaymo loo arage

20-Naanayso qaab daran ayey nagu qiyaasaane

21-Qaran faylgaroobiyo yaskana nooma qariyaane

22-Ma quweeyo Eebboow nafluhu qoomka aan nahaye

23-Qaran li’ida qaynuun li,ida musuqa qaan gaaray

24-Kala qaybsanaantiyo qabiil qoloba meel aaday

25-Cadaawaha qabbaan loo noqdee wararka loo qaado

26-Qodob iiga daran baan Rabbow soo qadimayaaye

27-Qalqal galinta shacabkiyo cabsida qoofka dami waayey

28-Miinada qarsoon ee khalqiga lagu qur gooynaayo

29-Qaraxyada Alloow naga dul qaad Qaadir baad tahaye..

30-Qaraxiyo Allow naga dul qaad kuwa qorshaynaya

31-Qaraxiyo Allow naga dul qaad kuwa inoo qaybsha

 

Aamina Muxammed Cali (Carkow)