Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Liido

10547669_486278621506707_7317746668305698772_nMa laha cadow gaar ah. Cadowgoodu waa wixii naf leh oo neefsada. Dadka waxay u laayeen in ay dabaalanayeen. In ay badda xaaxigeeda ku layrsanaayeen. In ay faraxsanaayeen. In ay makhaayad ka cuntaynaayeen.

Dadka la laayey, layrsigooda, faraxsanaantooda, dabaalashadooda iyo tamashlayntoodu in ay cadow u samaynayaan xisaabta ugu ma jirin. Waa na gartood e, yaa dadka u laaya maxaad u farxaysaa? Maxaad u tamashlayneysaa? Maxaad u dabaalaneysaa? Maxaad iigu muuqaneysaa?. Dabcan, wiilasha wax laayey iyaga ayaa geerida ku horreeyey. Iyaga ayaa dadnimadoodii la soo diley. Waa la muhiyey. Nin iyaga aan ka war roonayn ayaa wuxuu ka iibiyey badeeco aanu meel ku ogeyn, isagu na lahayn, gacantiisa na aan ku jirin. Wey lug-go’een, waxay se ku roon yihiin ma ogaanayaan sida naftoodii mar-la-aragta ahayd si raqiis ah loogu takri falay.
Gabaygaani wuxuu ahaa xilligii maxkamadaha (2006) oo aan qiyaasayey in ay waxakani ka dambayn doonaan, marka dad jihaadiyiin ahi isugu yimaadaan waddanka. Laakiin in Soomaalidu xagga isqarxinta iyo uun-halligidda Carabta kaga darnaanayaan ma aanan moodeyn.
Haddeydnaan maxkamadaha fashilin feeyigna ahaannin
Been faafin maayee waxaad caawa filataan ba
Waa ‘fururuq’ iyo dhiig sidii faanto loo dhamo e
Sidii bahal abeer fool ah diley waa dhurwaa faxane
Mar hadday isugu fiijiyaan faral-jihaadkooda
Kuwo dhiiggu fiimto u yahoo faas wataa imane
Carab food-shareer laa dhex geli suuq firshoole ahe
Feeraha bam ugu duuban buu daari fiilada e
Uu dhuux ‘fash’leeyiyo u rogi meydad foocsamaye
Inta uu fatuurad ugu raro miino wada fuursan
Buu faas ku soo wadi Afqaan fayraqyada dheere
Fagaare iyo iid buu dhex dhigi fayl salaad galaye
Hilbahooda oo kala firdhiyo madax finiinaaya
Iyo dhaawac sii firirigloo qarax ku feegaaray
Iyo feen gubnoodey ka tegi foornaduu shidaye
Feddinkaad maraysaba raq baad fayga sii surane
Fulaan aad tiqiin oo cunaha gawrac ‘filiq’ siiyey
Oo haad indhaha soo fagtaa foolka kuu tubiye
Fil-fil doonaan maayaan gabdhuhu fiigna wey noqone
Cabsi iyo fuc bey idinku ridi wadana faw-faw e
Fursad nolol idiin siin mayaan fededin mooyaane
Kuwaa idin fadqalallaynayee diiddan faraxiinnu
Firqo dooxataa iney yihiin waa la furayaaye
…………..

Qoraa: Maxamed Aadan Ciiraale