Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Imaam Fakhr-Aldiin Al-raazi

IMG_0612Imaam Fakhr-Aldiin Al-raazi (544H-606H)

Waa Maxamed Cumar Al-xuseyn, waxaa lagu naaneysaa erayo maamuus oo door ah, sida Fakhru-diin, Imaamka, kan ugu caansan e waa Al-raazi. Waxa uu ka dhashy qoys Ahlu-diin ah, aabbahiina waxuu ahaa aqoon yahan weyn oo ku fogaaday kasmooyinka Tafsiirka, isaga oo kamid ahaa aqoon yahannadii fara ku tiriska ahaa ee Fiq’higa Shaaficiyada xilligiisii.

Waxaa la dhihi karaa Raazi waxa uu ka dheeday cilmigiisa baaxadda leh aabbahii oo u aqriyay qeybaha kala duwan ee kasmooyinka. Cilmiga Falsafada, Suufinnimada iyo xikmada waxuu ka aflaxay Sheekh Abu-alqaasim Al-ansaari oo ahaa ardeygii Imaamkii Xaramka Sheekh Juweyni.
Waxa uu ahaa nin aad wax u gorfeeya, baara, una hubisada, raacana qaabab hubsiinada lagu gaaro.
Waxa uu ka tagay dhigaallo daban oo isugu jira diini sida tafiirka, caqiiddada Tafsiirkiisa weyn (Al-tafsiir Al-kabiir) ayaa ugu weyn kitaabbadiisa diiniga ah, dhanka aadanaha; waxuu ka tagay buugaag dhaxal-gal u ah aadanaha sida kitaabbadiisa Falsafada, Fiisigiska, Afafka, Xisaabta iyo Meeraha.
Kitaabka Tafsiirka ah oo ah kan ugu qiimaha badan uguna magaca dheer kitaabbadiisa, waxa uu kaga duwan yahay tafaasiira kale:
• Ma uusan qaadan manhaj gaar ah oo lagu tiriyo Tafsiirkiisa. Marba waxa uu xoogga saarayaa baahida ka jirta fahanka aayadda ama suuradda. Mar waxuu ku fogaanayaa Falsafada, marna Xadiiska, mar Siirada, marba sida ay la noqoto.
• Waxa uu aad isugu xiray Quraanka, nolosha iyo dunida aynu ku noolnahay.
• Waxuu aad u kala dhigdhigaa sharaxa iyo faahfaahinta masalada ama aayadda, illaa uu gabganada ku soo hooriyo ujeedka uu u socday.
• Waxa uu aad ugu xusaa doodaha waa weyn ee dhaxmaray muslimiinta iyo kuwa aan muslimiinta aheyn ee la xiriira weydiimaha waa weyn ee nolosha, dabeecada iyo dunida.
• Waxa uu ifiyaa quruxda hab-dhaca, muusigga aayadaha Quraanka iyo xeel-dheeraanta ereyada iyo usluubka guud ee Quraanka.
• Waxa uu sameeyay in uu isku wado daliilka Naska iyo Xikmada, oo halkaa uu ka soo saaro qancin aad u qotodheer.
• Xusidda dhamaan aragtiyada kala duwan ee laga qabo fasirka aayadda iyo isbarbar dhiggooda si daacad ah iyo ugu danbeyn xusidda aragtidiisa gaar ka ah.
• Daneyn gooni ah oo uu siiyay Akhrinta kala duwan ee Quraanka, si loo helo tafsiirka habboon ee aayadda ama suuradda.
• In uu ka lilaaliyay Tafsiirkiisa sheekooyinka laga wariyay Israa’iiliyinta ee loo yaqaan Israa’iiliyaat-ka. Waxa uuna muujiyay in sheekooyinkaa ay dhib badan ku hayaan fahanka saxda ah ee Quraanka.
• Qirista kala duwnaashaha Muslimiinta iyo ixtiraamka aragtiyada tiisa ka duwan iyo u xusiddooda sida ayyahiin, isaga oo aan foolxumeyneyn.
Manhajka furan ee uu qaatay waxaa ku dhibsaday, ku canbaareeyay kuwii diiddanaa cusbooneysiinta kasmada diinta. Ibnu-taymiya waxa uu ka yiri “Waxa aad ka heleysaa aqoon oo dhan, tafsiir mooyaane”. Waxaase hadalkaa dib u saxay culimadii kale oo dhan, oo isku waafaqay “Kitaabkiisa waxaad ka heleysaa waxwalba iyo waliba Tafsiir”.
Imaam Fakhr Al-raazi, waa caalim mudan in dib loo eego dhaxal kii uu inooga tagay guud ahaan, gaar ahaan Tafsiirkiisa, oo aad uga duwan kuwa guryaha noo yaal ee aan bilaashka ku helno. Tafsiirkiisa waxaad ka dheehan dareen Aadane doonaya in uu noloshiisa ku iftiinsado hanuunka Eebbe sw.
Eebbe sw ha ka abaal mariyo daqiiqad walba oo uu u soo jeeday in uu wax noo iftiimiyo, aqoontayada kobciyo iyo u dhawaashaha Ilaah sw.