Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gabay: Dhaliil

aminaGabaygaan waa gocasho ay abwaanadda ku ifineysa niyad jabka ay ka dhaxashay siyaasadda iyo siyaasiyiinta beelaha Soomaalida. Abwaanadda ayaa himilo weyn ku xiraysay in isbeddel loo aayo ka hirgali karo Soomaaliya, balse; muujineysa sida ay u saluugsan tahay dhaqanka hogaanka dalka. Waxaa xasuusin mudan in abwaanadda ay dhowr sano ka hor ay tirisay gabay ay ku ammaantay uguna duceysay hogaanka dalka, haddase; ay rabto in ay la socodsiiso hogaanka, in qalbigii iyo afkii ay shalay ku amaantay uguna duceysay, ay isla asagii ku habaareyso kuna dhaliilayso.

Gabaygii:

Hayboow xogtaan helay qalbigu way holcanayaaye,
Booraamo hadimaa dalkii loo hadoodilaye,
Hacooy liita iyo jaahil baa hoday dadkeenniiye,
Hoorri iyo hal aan dhaamin baa heeray qarankiiye,
Ma hayaan hannaan dowladnimo iyo habkeediiye,
Hadafkiyo ujeedkoodu waa Haamo buuxsada’e.

Gumaystaha dalkii heeray bay daba hoshleeyaane,
Waa niman han iyo aan lahayn haybad sharafeede,
Waa niman hunguri liiday oo hoos u foorara’e….

Waa nimanka huriyee colaad nagu halaambeyne,
Hubka culus gantaalkiyo shilkaha hoobiyiyo jiibka,
Waa nimanka hoos ugu dhiigee huriyey ciiddiiye,
Waa nimanka hooggiyo dhibkiyo haadda noo waray’e..

Qorraxdiyo habaaskiyo hanfiga dhididka oo hooray ,
Hooy li,ida gaajada ku helay hawdka iyo kayntaa ,
Waa nimanka hooyiyo dhallaan baday harraadkaase..

Waa niman hibiyo aan lahayn hoodo iyo kheyre..
Hoggaan jilicsan hadal beena bay nagu habsaansheene,
Haybad qarannimo iyo dowlanimo uma hawoodaane,
Waa nimanka hammigoodu yahay hayso jagadaase,

Waa nimanka hoos joog noqdee la handadaayaaye,
Waa niman asaagood ka haray heer rag leeyahaye,
Waa niman an hiilliyo lahayn hoo wax kuu tariye,

Waa niman Ilaahay halligay oo habaar qaba’e,
Hammigiyo hamuuntaan qabneey naga haleeyeene ,
Himiladii dadkeeniyo rajadii waa habeen dumay’e..

Afartaa hannaankaan la rabay hilin ma qaadsiiyey,
Hootiyo gantaal mowga dhigay hanaqa gooynaysa,
Afar kalena Waa hibo Alle hooya taladayda..

Gobanimadu hoo laguma helo hawl yaraan abide,
Halgan iyo waxaa loo galaa hawlo fara weyne,
Horor iyo waxaa habar dugaag hilinka noo taagan,
Oo wada halaaqoobayee hilibka doonaaya,
Iyo kuwa hareer jooga ee haybta nagu raaca,
Hadimiyo waxay nala rabaan hoogay oo ba,aye,
Nin walboow waxaad heli kartaa horay u sii qaado,
Haab haabo dhagaxiyo ablay hootadiyo faalka,
Soomaalida horseedkeeda iyo wiilal hanaqaada,
Hal hayskeenna waa inuu noqdaa hayba yaa dhaqaye…
Abwaanad: Aamina Maxamed (Aamow).