Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Buufiska Facebook

420048_10151361667058651_653296623_n

Qofka buufiska qaba waxaa lagu gartaa calaamado ay ka mid yihiin balaayo abuur, banaan-joognimo iyo walbi buuq joogta ah. Buufiska qaabab kala duwan ayuu qofka ugu dhacaa kuwaas oo badanaa ku xiran qaabka qofka u soo barbaaro iyo waliba deegaanka uu noloshiisa ku soo qaatay. Dadka ku nool ama ka soo jeeda dalalka burburay ee dagaalada iyo is dilka ka noqdeen dhaqan maalmeedka sida Soomaaliya oo kale waxaa ka soo shaac baxa calaamado ciidaas ka badan oo buufisku leeyahay.

Qof walba oo Soomaali ah marka lagu daro adiga aqristaha ah iyo aniga waxaa qayb naga soo gaaray buufiska ku baahay geeska ka gees dalka ku yaala geeska Africa. Goobaha sida weyn looga daalacan karo wax yeelada buufiska u gaystay qofka Soomaaliga ah waxaa ka mid ah baraha internetka ee bulshada Soomaalida ku kulmaan sida Facebook oo kale!

Haddii aan ka bilaabo buufiska ii gaarka ah ee badanaa aan ku soo bandhigo facebook waxaan ka xusi karaa doodo aan macno badan u lahayn nolosha Soomaalida ee maanta joogta. Doodahaas waxaa ka mid ah kuwo diinta ku saabsan, qaar siyaasadaysan iyo aragtiyo falsafadaysan oo dadka qaar ku tilmaameen qar iska tuurnimo muujinaysa heerka aan ka gaaray doqoniimada. Badanaa doodahaas aan soo bandhigo laguma kala gar qaato waxayna qayb ka noqdaan buufiska baahay ee Soomaalida u diiday in danahooda gaarka ah raacdaan. Sidoo kale buufiska ii gaarka ah ee Facebkook waxaa ka mid ah in badanaa aanan aqbalin dadka igu soo darsada.

Waxaad moodaa dadka iga soo dalbada saaxiibtinimada beenta ah ee Facebook in ay ku talo galeen inay iiga daraan buufiska ii gaarka ah. Tusaale ahaan bishan iyo bishii hore waxaa dalab saaxiibtinimo ii soo diray 75 shan qofood oo qof ka mid ah u saarneen sawirkiisa gaarka ah ee lagu aqoonsano karo. Qof aan la aqoonin oo waliba diiday in la aqoonsado lama aqbali karo dalabkiisa saaxiibtinimo ee Facebook. Sidaa waxaa aaminsan dadka ila wadaaga buufiska ii gaarka ah ee dhaqaatiirtu noociisa ku sheegeen bannaan joognimo.

Waxaa jira dad qaba buufiska ku caan baxay balo iyo baas abuurka. Tusaale ahaan, maanta waxaan Facebook ku arkay nin aan ka shakiyay inuu qabo buufiska noociisa balaayo iyo baas abuurka oo shaki iyo wiswaas ka qaba gabar ka mid ah asxaabta Facebook.Ninkaas odayga ah wuxuu buufiska u gaarka ah u horseeday inuu balaayo iyo baas aan jirin ka sheego inan ina-adeertiis ah asagoo ku marmarsiyoonaya in naagtu tahay nin tuug ah oo magaca dumarka ku qaraabanaya! Dhawaanahan, dadka qaba buufiska noociisa balo abuurka aad bay ugu soo badanayaan Facebook!

Gabagabadii, waxaa jira dad buufiska qaybta buuqa joogtada ah qaba kuwaas oo badanaa buuq la dhex taagan Facebook. Tusaale ahaan, maalin dhexdaas ah waxaan daawanay muuqaal uu soo duubay wadaad ku caan baxay buuq joogto ah oo badanaa lagu baahiyo baraha Soomaalida ee Facebook. Buuqii ugu danbeeyay ee wadaadkaas uu soo diro wuxuu ku saabsanaa cabasho ku saabsan dhac loo gaystay ka dib markii wadaado kale ay meher xadeen gabar uu dhalay. Cabashadaas waxay u badnayd amaan loo jeediyay gabadha la meher xaday ayadoo lagu tilmaamay inay tahay qalanjo dhex yar oo u qalanta in boqol halaad iyo qori laga bixiyo! Dadka daraaseeya noocyada kala duwan ee buufiska waxay badanaa sheegaan in buuqa joogtada ah calanka u sido noocyada kala duwan ee buufis ee ku dhex baahay bulsho weynta Soomaaliyeed !

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey