Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waa iga Baraarujin(1)

UntitledAeef

Qof waliba wuxuu nolosha ku leeyahay sad u gaar ah. Cimrigu waa midka ugu milgaha culus oo lagu dheefsado nolosha. Calafka cimriga, xumaantiisa iyo samaantiisa waxaa qofka la wadaaga dadka la faca ah ee xilli dhalashadoodu isu dhowdahay. Waxaa kale oo ku weheliya facyo ka yaryar iyo facyo ka waaweyn. In kasta oo ay yihiin saddex fac oo isa soo gaaraya, misana wadar u jooggoodu si siman uma muddeysna. Faca dhallinyarada ah oo iyagu leh xilliga ayaa ah tamarta jaheeysa bulshada.

Faca ka yaryari waa magan u dabran wixii sooryogal ah oo ay helaan, faca ka sii waaweyn ayaa iyaguna waxay matalayaan bakhaarro ay ku keydsan yihiin khibrad iyo waaya’aragnimo laga doonayo inteeda wanaagsan in ay u gudbiyaan faca dhallinyarada ah. Nolashu waxay aadamiga bartey, Aabbihii aan carruurtiisa u diyaarin in ay isaga ka wanaagsanaadaan, carruurtaasi mooryaan ayay noqonayaan oo iyaga ayaa silcinaya waalidkood (xigasho Dr Saaddiq Eenow – maqalka ”Facii isbeddelka”).

“ WAA IGA BARAARUJIN” waa qormooyin taxane ah, oo ka warrami doona sida ay noqdeen awooddii jiheyn lahayd bulshada Soomaliyeed,  kuwaas oo u qaybsamay doraageyste, doon-raac, dooxato, damiir laawe iyo dadnimo-xume. Waa shan qaybood oo ay u kala yaaceen dhallinyaradii bulshada Soomaliyeed. Mararka qaar waxaan isdhahaa malaha wax kale oo tarraxaa ma jiraan oo dhaamaantood intaas bay noqdeen. Waa nasiib darro igu dhalisay murugo iyo muraaro dillaac aanan waxba ka qaban karin. Waxa ila gudboonaatay un in aan baroor-diiqo, aniga oo mid mid u tilmaami doona intii Eebbe iga waafajiyo.

Wixii aan gafo wax kasta oo ay ahaataba waa naftayda iyo sheydaan, wax kasta oo aan toosiyaana waa Alle fadligiis, nimcadiis, iyo raxmaddiis. Kolley anigu aragti soo gudbistay balse masuul kama ihi sida aad u fahanto adiga aa xor u ah, balse waxa iga dardaaran ah dhanka wanaagga ka fiiri wixii ceeb ahna ii astur

1. Doroogeyste 

Wuxuu rabo ha ahaadee, madaxweyne, wasiir, wadaad, shaqaale , macallin, arday, askari kolley waa daroogeyste, waxaana majaraha u haya laamahaas cagaaran. Waxay seejiyeen adduun iyo aakhiro, waxay baddeleen dabeecaddiisii iyo dadnimadiisi. Shaqo ha sheegin, nadafaad adigaa lagu dhahaa, cibaadana warkeeda daa. Marka aad isha ka qaaddo, waad ka nixi wajigiisa sida uu yahay, waxaana dhammaadey ilkihii, indhaha waxaad mooddaa in uusan seexan dhowr bilood waa midh dhiin ah, wuxuu kuu soo eegi sidii bahal raba in uu ku cuno. Alleylehe waa in aad ka fogaata!

Waa dhibaato ba’an oo la soo daristay dhallinteennnii, cid war u haysaana ma jidho, cid isku xil-qaantaa ma jidho. Wuu ku caafimaad seegay, ku wax barasho seegay, kuna qofnimo waayay. Markaad muuqiisa aragto waa dhallinyaro da’diisu marayso meeshii ugu qiimaha badnayd. Waa xilligii uu himilo yeelan lahaa uuna la imaan lahaa falkii  uu uga dhabayn lahaa himiladaas, balse nasiib darro wuxuu ku beddeshay in uu  laamo cagaaran afka ku hayo sigaarkana ka daba jiido. Wuu arradan yahay, kamana fekerayo naftiisa. Subaxdii marka uu soo kaco wuu u ordi, waxuu yoolkiisuna yahay sidii uu ku heli lahaa laamahaas. Inta uu ka helayo meel kasta wuu geli. Qaar waa ay u shaqo tagaan marka ay gacanta ku dhigaanna bayna ugu egtahay. Waa Aabbe aan nolol maalmeedka reerkiisa ka fekerayn. Waxaad isdhihi malaha xaqba uma leh in uu wax dhalo. Qaar kale adaaba sheegi shaqo oo saxiibkiisa aan rajada lahayn ayaa u qaada. Wuu halaajiyey aakhiro iyo adduun.

Qaadku wuxuu sabab u noqday in uu nolasha ka rido dhallinyaro badan kuwaas oo ugu danbayn ku dhiirraday falal bulshada wax yeello u geysta. Wuxuu wax u dhici sidii uu u heli lahaa, wax ayuu u dili, wuxuuna u khalkhal gelinayaa ammaanka bulshada. Kuwo badani waxay u dhinteen dhib ka soo gaadhay, kuwana dhabbadii ayey hayaan,

kolleyse isaguna waa qayb ka mid ah daroogeystaha. Muuq ahaan marka aad aragto wuu ka liita kan qaad-cunka ah oo waxaadba moodi in uu waalan yahay. Afka ayuu caag ku hayaa, wax aan garan waayay ayuuna jiidi, waxaas oo ay iigu sheegeen koollo. Waa daroogo la isku geeyey oo qofka sarkhaamisa. Waxay ka qaadday caqligii,  wakhtigii wuu ku socdaa, tareenka uu saaran yahayna waa mid aad u dheereeya si dhakhso ahna ku geynaya meesha uu socdo. Waa ay yar tahay inta ku baraarugta dheerayntiisa, in badani waa ay hilmaansan yihiin oo waa ay ku gaboobeen kuna naf waayeen iyaga oo daroogeystayaal ah.

Waa musiibo qaran oo dhallinta soomaaliyeed dhammaantood u siman yihiin, kan Boosaaso jooga, midka ku nool Burco iyo kan deggan Baladweyn, waa aafo ku habsatay. Waxaan ku baraarujinayaa cid kasta oo ka danqanaysa arrintaas in loo gargaaro dhallinyarada oo inta dabaqabadka leh la dabaqabto, mustaqbalna loo dhiso si ay u wanaagsanaadan. Ogow haddii uusan ku dhalin, kula dhalan, ama aydan qaraabo wadaagin waxaa idinka dhexeeya waa wakhtiga aad noshihiin. Fal kasta oo ay sameeyaan saamaynta uu geysto waa ay ku soo gaaraysaa. Haddii ay wax dhacaan waa hantidaada, haddii ay wax dilaan waa adiga, haddii ay kufsi geystaanna waa gabadhaada, illeen waxaad wadaagtaan waa wakhtiga iyo dhacdooyinkiisa matalka u ah. Balse haddii aad ka shaqaysid sidii ay ku wanaagsanaan laheyeen, oo hantidaada ku bixisid, oo ay wanaagsanaadaan, waxaad ogataa in aad ku noolaanayso nolol aad ku faanto oo aan qaxar, dhibaato, silic iyo saxariir midna  lahayn.

Gunaanad

Waxaan ku soo gunaanadayaa talooyinkan aan arkay in ay yihiin kuwo lagu howl geli karo si wax looga beddelo musiibadan qaran:

1) In la helo dowlad iyo bulsho isku xiran kana hortaga soo dejinta qaadka iyo daroogooyinka la midka ah.

2) Dhallinta ku tagtay daroogada noocyadeeda kala duwan in loo sameeyo dhaqan celin, iyaga oo lagu xareynayo xarumo lagu daryeelo si ay u helaan nolol ka duwan middii hore.

3) In shaqo abuur loo sameeyo dhammaan dhallinta si ay uga fogaadaan falalka ku jiheyn kara dib ugu noqoshado falkaas.

4) In la sameeyo farriimo iyo muuqaallo lagu tusinayo bulshada dhibataada qaadka leeyahay iyada oo loo marayo wargeysyada, raadiyayaasha, TV-yada iyo baraha bulshadu ku xiriidho sida facebook, twitter iwm.

5) In lagu daro manhajkah dugsiyada hoose iyo dhexe maaddo caafimaad ah iyada oo looga gol leeyahay in lagu tusiyo jiilka soo koraya dhibaatada uu nagu hayo qaadka iyo dhibta qoys, dhaqaale iyo bulsho ee uu qofka dhibbanaha u ah u geysto.

Waa baraarujin ina wada sugeysa oo qof kasta laga rabo in uu ka qaato kaalintiisa. Wadaadka waa in uu khudbadda jimcaha ku soo jeediyaa, weriyuhu waa in uu barnaamijyo gaar ah u sameeyaa, dhakhtarku waa in uu farriimo bukaan kasta oo u yimaadda u sheegaa, macallinku waa in uu ardaygiisa ku barbaariyaa, qoraagu waa in uu qalinkiisa u qaataa, Aabbuhuna waa in uu wiilkiisa ka waaniyaa. Haddii intaas la helo, waxaa hubaal in isbeddel la arki doono.

Abwaan Abshir Faarax Nuur (Bacadle) isaga oo tilmaan ka bixinaya qaadka wuxuu yiri:

Boqollaal qorshoo wada qabyaa Qaadow adigaa leh

Qoryo raamso quudkana yaree Qaadow adigaa leh

Qayiloo cun reerkaana qadi Qaadow adigaa leh

Qasad dhaar ah qowl aan la fulin Qaadow adigaa leh

Faqiir qani is moodoo qayila Qaadow adigaa leh

Qaflad aan dareenkeed la qabin Qaadow adigaa leh

Qurbaha joog adoon hawl ka qaban Qaadow adigaa leh

Kabr qolofa & qurun agyaal Qaadow adigaa leh

Qaangaaro qeyrkood ka haray qaadow adigaa leh

Is qandiiri kana qoomamee Qaadow adigaa leh

Qaamuuska cay waxa ku qoran Qaadow adigaa leh

Qayb amaaho adigoon qadeyn Qaadow adigaa leh

Xubna qaadi waa sida qof qalan Qaadow adigaa leh

Qandiga fuqurka &quus rageed Qaadow adigaa leh

Inoo qaybi aan lagu qanceyn Qaadow adigaa leh

Adaa qaatay qeybtii badneyd Qaadow adigaa leh

Iska qari qofbaa kugu qabsan Qaadow adigaa leh

Af qashuush ahoon cadeygu qaban Qaadow adigaa leh

Il qaloocda daankoo qombora qaadow adigaa leh

Qashin iyo qashaabiir qurmoon Qaadow adigaa leh

Qamra cagaaran qiil lagu xalilo Qaadow adigaa leh

Qandaraaska qababaal xumada Qaadow adigaa leh

Qarnigaan qasaaraha u daran Qaadow adigaa leh

———————————————————————————————————

WQ Maxamed Saalax Axmed (Guure).

guuure007@gmail.com