Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gabay: Nabad ku sii Seexo

aminaAamina Muxammed (Carkow) ayaa tirisay gabaygani abbaarahii 2013-kii, mar dhalin yaro Soomaali ah lagu silciyey Koofur Afrika. Tacaddiyada aadane ee ka dhacaya Koofur Afrika maalmahaan ayaa abwaanadda soo xasuusiyay gabayga, oo aan horaan loo baahinin. Abwaanida Aamina waxey tiri:

 

South Africa zilzaalkii ka dhacay, suurkii nagu yeeray,

Sujuuda iyo foolkiyo raggii saabka laga toogtay,
Sahal iyo xisaabli,i raggii seefta lagu laayey ,
Wiilashii safayn loo galee soodhka lagu boobay,
Sararaha jirkoodii raggii suuqa lagu jiiday ,
Caradii I saaqdaa qalbigu ila sureeraayee,
Saqda dhexde alaylkii hurdada waan ka salalaayee,

Ha yeeshee sifaalaha aduun waad la socotaanee ,
Qadartiyo Sideey tahay ayaan cidina seegaynee,
Surinkii Ilaah kuu gartaa lagu safraayaayee,
Naf waliba sidii ay ku bixi Waa sixiix dhiganee,
Wadka seegi meeynee haduu subaxba meel joogo,
Jannadii sareeysiyo Fardoos, Saatir inuu geeyoo,
Samir iyo iimaan saadiqaan Eebbe saa’ilayee,

South Africa sidaa kama filayn inay sameeyaanee,
Abaalkaan sugaayiyo tollimo iguma sooryeeynee,
Ima siin wanaagaan anigu siiyey waa hore ee,
Adduun wuu sal weyn yahay ninkuu Eebbe saacido ee,
Sideeydii mar ban noqon Siraadkaan ahaan jiray ee,
Sabaan iyo sabaan Iyo sabaan sano haday gaadho,
Mar uun baan sidaan doono Iyo yeeli seey tahayee,
Godabtayda ruuxii sittoow nabad ku sii seexoo,
…………………………..
Afartaa sidaan doonayiyo siin ma ka higaadshay,
Anigaa sameeyaye hiddiyo surin ma qaadsiiyey,
Halkuu galayax suurayn ogaa diillin ma u saaray,
 afar kalena Soomalidaan sii is lee yahaye,
………………………………..
Soomaaliyeey sida an nahay waad la socotaanee,
Siliciyo dhibaatada na helay waad la socotaane,
Sannadiyo guyaal badan ayaan salaw u taagnayne,

Samhariiradaan mudanay iyo saaka waxa joogaa,
Sidan uga gudbeeynaan rabaa inaan sifeeyaayee,
Samaciyo quluubaha u fura soowdka hadalkayga,
………………………………
Soomaalaay sokeeyaanu nahay soohdin wada yaale,
Sodoh iyo xigaalaanu nahay seeddi iyo wiile,
Kala soocmi maynoo Dantaa seetto noo dhaxa’e,
South africa kuwaa lagu solliyo suuqa Xamar weyne,
Soonaha hawaash iyo kuwaa Saylac ku harraadane,
summad qura ayaan wada nihiyo hooyo sabigeede,
Isa saamaxoo Eebbay samaha waydiista………….
Sare kaca gunnimo maalin baa laga sariigtaaye.

Amina Mohamed .
Amiinos@hotmail.co.uk.