Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Fahanka Nolosha (Qeybtii 1aad).

image“Noloshaan waan na wareerisay. Dhib, shaqo, gaajo, lacag la’aan, khilaaf, dagaal, cabsi, eex, caddaalad darro, nolosho dhib badanaa. Noloshaan ma leedahay waddo toosan oo haddii la raaco waxaas oo dhan xal loo helayo?”.Ma jirtaa si loo noolaado oo aan qaxar iyo dhib lahayn?Waxaan isku dayayaa inaan su’aalahaan jawaab u raadiyo oo aan si toos ah oo dabiici ah oo dhib lahayn aan uga jawaabo. Noloshu waxay leedahay xeerar iyo tiirar”.

Haddii lala yimaado tiirarkaas iyo xeerarkaas noloshu way fududaanaysaa. Wax kasta oo dhib ahna meesha way ka baxayaan. Waxaan doonayaa inaan ku sheego maqaalladeyda tixanaha ah lix xeer oo ay noloshu hagaagsani leedahay.

  1. Fahamka iyo barashada sida loo noolaado:

Xayawaanka nool oo dhan waxaa la baraa sidii uu u noolaan lahaa. Shinbiraha markay dhashaan waalidkii dhalay waxay baraan wixii ay cuni lahaayeen iyo sidii ay u heli lahaayeen. Muddo yar kadib, shinbirtu kuma tiirsana mana sugto hooyadii dashay, ee iyada ayaa shaqo tagto. Dawacada, durwaaga, libaaxa waa sidaas oo kale. Ciyaalkooda muddo yar oo kooban ayay taba baraan kadibna waxay isaga dhex baxaan iyaga iyo dabeecadda. Waa inay gaajoodaan oo cunno u baahdaan. Kadibna waa inay raad sadeen. Kii caleen cuni lahaa iyo kii xayawaan kale cuni lahaa iyo kii ciidda cuni lahaa mid walba wuxuu garanayaa sidii uu u noolaan lahaa oo uu dabeecadda ula qabsan lahaa. Ilaahay markii uu abuuray wuu tusay dariiqadii noloshooda oo wuu ku ilhaamiyay, waalidkii dhalayna way ku taba bareen oo way tuseen. Wixii intaas ka danbeeya iga ayaa is dabara. Iyaga oo gaajaysan lama arko inta badan. Haddii aysan dhicin masiibo wayn oo dabaacadda xaggeeda ah. Iyaga oo tuugsanaya lama arko. Iyaga oo qaxooti ah lama arko. Iyaga oo baqaya oo aan Alle ku kalsoonayn lama arko. Waxay qaadayaan waddo dabeeci ah oo Alle u sahlay oo iyaga baray. Way tarmaan. Way is nikaaxsadaan. Way farxaan. Si fiican oo dabeeci ah ayay u nool yihiin.

Dadka Soomaaliyeed waligood looma sheegin, lama barin, fursadna uma helin inay ogaadaan sida loo noolaado iyo asbaabta nolosha runta ah. Ma aysan arkin shaqo si run ah ugu xiran cimi iyo aqoon wax barasho. Waxay arkeen Madaxwayne, ilaa iyo garaani oo aan wax shuruud ah ku xirnayn, oo aan ka ahayn inuu qofkaasi qabiil laandheere ah ka dhashay iyo inuu leeyahay ama heli karo xiriir awoodeed oo shaqadaas u qalqaaliya. Halkaas waxaa ku dhintay qiimihii cilmiga iyo wax barashada, waxaana la sugay inaysan qiimo kalahayn waddanka soomaaliya dhexdiisa.

Ma jiro qof isku mashquulinaya wax barasho si uu u helo nolol, maxaa yeelay wuxuu la noolaan karaa qaraabadi iyo dadka dawladda ka agdhow oo ay isku qabiilka yihiin. Farsamadii, xirafaddii iyo dadaalkii nolosha saas ayuu u qiimo belay, waxaana qiimo tiray dhaqan qabyaaladeed oo baadiye iyo xoolo dhaqasho ku salaysan oo si fudud loo magaaleeyay. Qof kasta oo farsamo yaqaan ah ama waa tumaal ama waa laangaab aan heli karin ilma adeero badan oo uu shaxaado. Dhaqanka noocaas ah, ayaa qiima riday noloshii dhabta ahayd isla markaasna sameeyay bulsho kulligeed wada curyaan ah oo uu yar yahay qof isku kalsoon oo naftiisa iyo xirfaddiisa aamminsan.

Sidaas oo kale ayuu aadanuhu u baahan yahay in wax loo baro oo dariiqada nolosha ee runta ah la tuso. Haddii la wareeriyo, oo la baro inuu noolaan karo isaga oo aan shaqayn, fikirin, dadaalan, wax isku dayin, cilmi baran, farsamo aqoon wuxuu noqonayaa qof wareersan oo aan garanayn meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo. Waxaa la baray  inuu qayl qayliyo oo marba dhinac u ordo, oo uu iskula waynaado inuu reer hebal ka dhashay, ninka habel la dhahana ay qaraabo yihiin. Sidaas daraadeed ay suura gal tahay inuu shaxaad helo oo uu marba qof la xiriiro.  Haddii ay dhacdo inuu waayo wixii uu rabay uu markaas dad eedeeyo, haddii ay kalliftana uuba dagaal ku galo xaalkaas wareersan ee noloshiisa ku saabsan.

Nin ka yimid waddama reer galbeedka ayaa ii sheekeeyay. “Waxaan damcay inaan ka ajarsado shinbiro badan oo meel garoon ah fadhiya. Waxaan u soo gaday masago markaas ayaan u daadiyay. Dhawr maalmood markaan masagii siiyay ayaa maalintii danbe la ii yeeray. Xaafiiska dawladda hoose ayaa la igeeyay. Waxaa la I waydiiyay, ‘Yaa kuu diray hawshaan aad haysid’ Waxaan ku jawaabay, cidna iima dirin ee Alle ayaan ajri ka rabaa. Ilaa goorma ayaad raashinka siinaysaa shinbiraha? Ma sii wadayo, laakiin markii aan helo ayaan siinayaa. Waxaa la iigu jawaabay, danbi ayaad shinbiraha ka gashay. Dawladdana danbi ayaad ka gashay, maxaa yeelay nidaamkii ay shinbirahaan ku noolaayeen ayaad ka qastay. Waxaad bartay wax aysan filayn oo aysan iyagu raadsan oo aad u keentay. Mana ku sii wadaysid. Marka aad noloshooda dabeeciga ah ka wareeriso oo ay isku kaa halleeyaan ayaad ka tagaysaa. Marka khalad wayn ayaad gashay ee ha u noqon, shinbirahana raalli gali.”

Ka warran ummad dhan oo laga wareeriyay qaabkii runta ahaa ee nolosha oo aan haba yareetee garanayn meel ay ka bilaabaan iyo meel ay ku dhammeeyaan. Baryo, shaxaad iyo markii loo baahdo in dagaal la galo kaliya ayay noloshii dad badan oo Soomaaliyeed gaar ahaan dhallin yarada wiilasha ah ay ku soo u ruursatay. Farsamo malaha. Shaqo malaha. Cilmi iyo wax barasho run ah ma jirto. Nolol toosan oo qofku isku tashanayo ma jirto. Xaalku waa iska daba wareeg iyo Jaah wareer. Maxaa yeelay waxaa dhuntay waddadii runta ahayd ee nolosha loo maralahaa iyo taba barkii. Bulshada sidaas unnool, waxay noqonaysaa sida manta Soomaalidu tahay. Maxaa yeelay waxaa maqan shardigii u horeeyay ee ahaa in la fahmo sida adduunkaan loogu noolaado.

Waxaa beermay oo koray malaayiin dad ah oo nolosha u yaqaan Qabiil, Qaad, shaxaad iyo dagaal lala galo qabiil kale ama koox kale.

Waxaa loo baahnaa in hooyo kasta iyo aabe kasta baro caruurtiisa inay wax bartaan inta ay yaryihiin, kadibna xirfad shaqo bartaan, kadibna shaqo tagaan oo nasiibkooda tijaabshaan. Wiil kasta iyo gabar kasta haddii la bari lahaa inay wax isku dayaan oo shaqo tagaan, oo ay bartaan waddooyinka dabeeciga ah ee nolosha waxaa dhalan lahaa bulsho dhisan oo aan wax xumaan ah ku jirin noloshooda iyo qaabka ay u dhisan yihiin. Laakiin markii uu dhumay qaab nololeedkii reer baadiyaha oo runtii si fiican oo dabeeci ah u noolaa, ayaa waxaa soo baxay dad aan aqoon sida loo noolaado iyo waddada loo maro nolosha. Noloshii hore ee runta ahayd ee reer baadiyihii Soomaalida, waxay ku dhisnayd run iyo tacab iyo in la fahmo dabeecadda sida daruuraha, dabaysha iyo qoraxda. Wax badan ayay ka yaqaaneen sida dabeecaddu u shaqayso, markaas ayay filan jireen roob ama abaar. Waxay ku barbarin jireen caruurtooda inay meel ka qabsadaan nolosha oo ay bartaan sida loogu noolaado noloshaas dabeecadda ku dhisan ee baadiyahay.

Wiilku waxuu baran jiray sidii xoolaha loo dhaqi lahaa, reerka loo maamuli lahaa, biyo loogu raadin lahaa, geelo loogu raadin lahaa awrkii rimin lahaa, markii u dhalo, sidii loo korin lahaa abudka. Sidoo kale gabadhu waxay ciyaari jirtay booskeeda nolosha. Waxay usi diyaarin jirtay, sidii ay hooyo u noqon lahayd, ubadkeeda u korin lahayd, u baran lahayd sidii ninkeeda ay u dhiqi lahayd. Waxaas oo dhan waxay ka soo guurin jirtay, hooyadeed iyo ayaydeed iyo bulshada guud oo ay la nooshay. Ma jirin qof baagamuuddo ah, oo qof kale wax ka sugaya. Sidaas daraadeed ma jirin noloshaas qof saa’id ah oo iska wareega oo aan waxba hayn isla markaasna fisha inuu helo wax kasta oo uu u baahan yahay, lagu daro qaadkii iyo mirqaankii balwadda.

Kadib markii ay timid nidaamka dawladnimada oo qaab nololeedka Soomaalida ku cusbaa oo aysan wax fikrad ah ka haysan isla markaasna aan waafaqsanayn qaab nololeedkii ay yaqaanneen, ayaa waxaa dhacay jahwareer iyo faham la’aan xagga nolosha ah. Wareerkaas wuxuu taagnaa ilaa intii dawlad la noqday. Waxaa la arkay dad raaxaysanaya oo aan haddana shaqaynayn. Waxaa la arkay dad xoola baddan haysta oo ka helay dawladda ay xiriirka la leeyihiin. Markaas ayaa la isku dayday. Qof walba wuxuu jeclaystay inuu mar dawladda ka mid noq  si uu u helo nolol rakhiis ah oo aad u jaban.

Halkaas ayaa waxaa ka bilaamay nolol aan run ahayn oo ku dhisan been iyo shaxaad. Noloshaasi waxay isu baddashay khilaaf iyo dagaal lagu dagaallamay nacfigaas dawladnimada ku yimid iyo xiriirka lala leeyahay caalamka kale. Dagaalkaasi wuxuu isu baddalay qabiil iyo sidii waayihii hore loo kala daganaa oo la isu weerari jaray iyo faan, tartan ku dhisan badnaan qabiil iyo geesinnimo qabiil, ilaa lawaayay wixii la isku dilayay oo ahaa dawladnimo. Haddii dawladdii la waayay, waxaa soo haray xoogaaga nacfiga ah oo lag sadaqaysanayo dadka macaluulay oo dagaalka ku baaba’ay. Xooggaas iyo wax noo qabta, noo yabooha waxay keentay kaliya in shakhsiyaad boosasa magac leh joogay ay ka faa’iidaystaan oo ay ka helaan wax ay is leeyihiin waad ku noolaan kartaan.

Faham la’aantaas waddada nolosha iyo macnaha dawlad nimada ayaa keentay, inay samaysmato dawlad dadkale iyo dawlada kale u shaqaysa, maxaa yeelay, kharashka dawlada iskama bixin karto. Mushaarka dawladda oo dhan lagu daro madax waynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaa bixiye dawlado kale, oo ku bixiya canshuurta ay dadkoodu dawladda siiyaan. Sidaas daraadeed, dhammaan dawladda iyo dadka u shaqeeya waxaa laga waardiyeeyaa dadkoodii ay iyagu matalayeen. Kharashka waardiyahay iyo dhammaan adeega aminigana waxaa bixiya dawlado kale. Haddana dadkaas ku magacaaban boosaska sare ee dawladda waxay u hayastaan inay dawlad yihiin oo sax yihiin, isla markaas waxay isku khilaafaan oo ay isku diriraan nacfiga yar ee dawlado kale bixiyaan oo dalkooda la siiyay. Waxaas oo dhan waxay tusinayaan sida aan u fahamsan nahay ama u naqaanno waxa dawladi tahay iyo sida ay u taallo.

La soco qeybta 2-aad……………………

Qoraa: Sheekh Cabdiraxmaan Jabriil