Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dabeecadda Qaranka iyo Qabiilka

imageWaxaan halkaan ku sharaxayaa tilmaanta runta ah ee Qabiilka iyo Qaranka. Ma wada socon karaan mise maya? Haddii ay iskeeni waayaan kee ayaa u fiican nolosha aadanaha iyo danahiisa.

Tilmaanta Qabiilka:

Qabiilku wuxuu ku dhisan yahay abtirsiinyo xagga isirka iyo dhiiga ku salaysan. Meel uu ku xirmo ama uu ku istaago malaha. Qabiil kasta waxuu sii noqonayaa qabiillo badan oo dhexdooda tartan iyo wax iska caabbin ku jira. Xiriirka Qabiilku wuxuu ku salaysan yahay ama ku dhisan yahay laab-lakac iyo caadifad ku salaysan sokeeye iyo shisheeye marka laga eego xagga dhismaha abtirsiin yaha iyo taxanaha odayaasha lagu abtirsanayo.

Muxuu Qabiilku tix galiyaa?

Qabiilku wuxuu tix galiyaa: Aargudashada laga aar guto qabiil kale oo dad iyaga ka tirsan ay wax yeello u gaysteen qof Qabiilka ka tirsan. Qabiilkii aan ka aar gudan qabiilka kale wuxuu isu arkayaa inuu ka liito ama ka baqayo qabiilka kale, sidaas daraaddeed waxaa muhiim ah in mar walba laga jawaabo wixii qabiilka ku saabsan oo aargudosho ah.

Qabiilku wuxuu tix galiyaa hiilka: Waa waajib in loo hiilliyo, gar iyo gardarraba qofka aad is xigtaan, oo looga heelliyo qofka kale oo aad kala fogtihiin. Sidaas daraadeed qabiilku wuxuu gali karaa dagaal lagu hoobtay, oo lala galo qabiil kale, dagaalkaas oo aan lagu tala-galin lagana tashan, maxaa yeelay waa in loo hiilliyo qofka wax gaystay oo daallimka ah, lagana celiyo ciddii wax ku sheeganaysa. Haddii hiilkaasi dhiig u baahan yahay dhammaan qabiilku wuxuu diyaar u yahay inuu u dhinto hal qof oo iyaga kamid ah dartiis iyada oo la difaacayo dulmigiisa. Sidoo kale, haddii hiilku yahay xoolo iyo in mag laga bixiyo qofka qabiilka ka mid ah, waa in qabiilku bixiyaa xoolahaas. Marka dhammaan qabiilku wuxuu u taagan yahay, difaac iyo dagaal aan dhammaanayn oo naf iyo maalba la hurayo, haddii kale waa gumoobayaa oo gabadhiisu guur malaha.

Qabiilku ma cintiraafsana mana u hoggaansamo xeer iyo sharci, marka ay arrintu taagantahay qofka iyaga ka midka ah. Gar iyo gardaro waa in loo yeelaa sida ay rabaan oo ah, inay difaacaan oo ilaaliyaan qofka iyaga ka tirsan.

Qabiilku wuxuu tix galiyaa difaaca dagaanka daaqa ee xoolahooda. Waxaa jira goobo iyo meelo uu qabiilku rumaysan yahay inay iyaga kaliya leeyihiin. Meelahaas iyo goobahaas ciddii kale oo qabiil kale ah oo u soo dhawaata waa in laga difaacaa oo dagaal lagu galaa. Gaar ahaan haddii ay u muuqato in qabiilka kale uu samaynayo dagaan rasmi ah sida Barkad iyo wixii la mid ah. Soonaha loo yaqaan qabiilka ama uu isagu u haysto in uu isagu leeyahay waa in la difaacaa.

Dagaalka qabiilku, kuma dhisna hiil iyo daaqa xoolaha oo la difaacayo kaliya, ee wuxuu wataa qiimo kale oo xagga karaamada iyo sharafta qabiilka iyo isla waynidiisa ku saabsan. Sidaas daraadeed marna nabad ma qaadan karo isaga oo aan dareemayn inuu adkaaday oo ka guulaystay qabiilka kale oo ay markaas is hayaan. Maxaa yeelay arrintaasi waa sharf daro iyo ihaano kutimid qabiilka. Nafta dadka, khasaaraha naf iyo maal intaba waxaa ka wayn sharfta iyo isla waynida qabiilka. Waa in loo dhintaa.

Qabiilku wuxuu ku dhisan yahay eex mar walba ah. Lagama qaadan karo mana la aqbali karo in Qofka qabiilka ka tirsan uu u eexan waayo qofka isaga xiga. Markay timaado wax yaabaha aan rasmiga ahayn oo dadka ka dhexeeya sida arrimaha maamulka iyo dawladnimada iyo shaqooyinka ku saabsan, waxaa laga filayaa in qofka awoodda markaas haya uu mar walba u eexdo tolki, isla markaasna uu siiyo wixii fursad ah oo soo baxa qofka isaga qabiil ahaan u xiga. Taasi waa mid aad ugu xeel dheer dhaqan iyo dhismaha bulshada Soomaliyeed.

Wax yaabaha laga dhaxlo dhaqanka noocaas ah ee qabiilka ku dhisan waxaa ka mid ah:

Dhaqanka Qabiilka waxaa laga dhaxlaa, dagaallo iyo colaad aan istaagayn. Waxaa kale oo dabeeci ah in laga dhaxlo, barakac, qaxootinnimo, faqri iyo gaajo aan dhammaanayn. Nolosha qabiilka ku dhisan dadkeedu waxay caan ku yihiin wax yaraan. Wax walba way yaryihiin. Biyuhu waa yar yihiin. Raashinku waa yar yahay. Xooluhu waa yar yihiin. Guryaha iyo dagaanka loo baahan yahay waa yar yahay. Caafimaadku waa jar yahay. Farxaddu waa yar tahay. Jacalku waa yar yahay. Caddaaluddu waa yar tahay. Naabad galyadu way yartahay. Wax walba way yaryihiin. Mar haddii wax walba yaryihiin oo aysan jirin wax dadka ku filan waa in mar walba loo tartamo oo sidii lagu heli lahaa dagaal loo galo. Nolosha noocaas ah ee Qabiilka ku dhisan waxaa caado u ah, ciriiri iyo wax yaraan. Ciriiriga iyo wax yaraantu waxay keentaa, xasadnimo badan, baqdin badan, colaad iyo caro badan iyo ugu danbayntii dagaallo lagu hoobto.

Qaranka Shaqadiisa:

Dawladnimada iyo Qaran la noqdo, waxay ku dhisantahay tilmaamo ka duwan kuwa qabiilka.  Dawladdu waxay ilaalisaa oo difaacdaa dhammaan xudduudaha dalkeeda ee la aqoonsan yahay oo iyada loo yaqaan. Dawladdu waxay ilaalisaa oo dhifaacdaa xuquuqda iyo danaha dadkeeda muwaadiniinta ah oo dhan.

Dawladdu waxay fulisaa sharciga iyo qawaaniinta dalkaas, waxayna ka shaqaysaa ammaanka iyo nabadda dalkaas iyo dadkaas, waxayna u martaa arrimahaas xeer iyo tastuur la dajiyay oo la doortay, loona sameeyay hay’ado fuliya oo ilaaliya.

Dawladdu waxay ka shaqaysaa oo aad mashquul ugu tahay horumarinta danaha iyo adeega bulshada, sida tacliinta, biyahay, korontada, adeega caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii qof walba oo bulshada ka mid ah uu u heli lahaa nolol fiican oo uu ku raaxaysto.

Abtirsiinyaha dadku waa dalkooda iyo dawladooda. Qof kasta oo dalkaas ka mid ah, wuxuu haystaa warqado rasmi ah oo tusinaya inuu qofkaasi ka mid yahay dadka dalkaas kunnool oo muwaadiniinta u ah, isla markaasna uu xaq u leeyahay in la ilaaliyo oo shaqo, ammaan iyo nolol fiican la siiyo. Dhammaan muwaadininta dalkaasi waxay mashquul ku yihiin sidii ay isu kaashan lahaayeen oo qof walba u keeni lahaa wixii uu yahay oo cilmi, caqli iyo cood ah, sidii ay isaga difaaci lahaayeen ma saa’ibka dabeeciga ah iyo kuwa aadanuhu abuuro, dalkooda iyo dadkoodana ay u hormarin lahaayeen. Si kale haddii aan u iraahdo waxay dadkaasi mashquul ku yihiin sidii ay noloshooda u hormarin lahaayeen dhinacwalba.

Isla markaas, ma jirto inay fishaan dadkaasi dawlad iyo maamul aysan iyagu bixinayn kharshkooda iyo dhaqaalaha ka buxaya dawladda si ay u fuliso howlaha loo idmaday. Dhammaan lacagta dawladdu u baahantahay oo ay ku shaqaynayso, waxaa bixiya dadka dalkaas iyo dawladdaas. Mushaaraadka dadka dawladda u sheqeeya qaybkasta oo ay leeyihiin, sida boliiska, millatariga, macallimiinta, dhakhaatiirta iyo dhammaan shaqaalaha qaybaha kala duwan ee dawladdaas waxaa lagag siiya dadka dalkaas u dhashay ama kunnool. Marka dawladnimadu waa faham dariiqo nololeed oo aad u wanaagsan oo ay gaareen bilaa’aadanku, waan heshiis dhex maray dadka waddan kaas iyo dadka ay u idmadeen inay u qabtaan shaqadaas maamulka iyo horumarinta bulshada. Haddii aysan dadku fahamsanayn arrintaas ama aysan diyaar u hayn inay dawladda la shaqeeyaan oo ay bixiyaan khidmada adeega loo qabanaayo, dawladnimo ma jirto mana suuroobayso. Dawlad dhammaanteed cidkale mushaar siiso, waxay u shaqaysaa ciddii mushaarka iyo kharshka ammaanka bixisay ee uma shaqayn karto dad aan waxba bixinayn, waa jibkoodana fahamsanayn.

Dadkaas dalka iyo dawladdu ka dhaxayso, waxay madaxdooda ku doortaan kuna miisaamaan, sida ay dadka ugu khidmeeyaan iyo waxa ay nolosha ku soo kordhiyeen ama ay kusoo kordhin karaan. Wax kale oo lagu doorto ama lagu qiyaaso madaxda ma jiraan. Waa sidee iyo intee ayuu qofkaasi noo khidmayn karaa iyo waxa uu dalkaas iyo dadkaas ku soo kordhin karo. Ma aha reerka uu ka dhashay iyo meesha uu ka yimid iyo waxa uu aamminsan yahay diin ahaan midna, ee waa muxuu dalka iyo dadka u qaban karaa.

Waxaas oo dhan waxaa saldhig u ah, xeerka iyo tastuurka dalkaas. Sidaas daraadeed muwaadiniinta dalkaasi waxay aad uga taxadaraan sida uu noqonayo qawaaniinta lagu maamulayo iyo xeerka lagu dhaqayo bulshada. Kadib markii ay doortaan oo ay ku heshiiyaan xeerkaas ama qawaaniintaas way ilaaliyaan, kabixidda ama jabinta xeerkaasina waa danbi wayn oo dalkaas iyo dadkaas laga galay, isla markaasna mudan ciqaab adag.

Markaan mawduucaan sidaas u fahamno waxaa inoo muuqanaya in qabiilka iyo qaranku aad u kala duwan yihiin, mid walba waxa uu ku dhisan yahayna ay ka duwantahay waxa midka kale ku dhisan yahay. Waxaan kale oo aragnaa, sida ay ugu kala duwan yihiin u khidmaynta bulshada iyo gaarsiinta danahooda iyo waxa ay u baahan yihiin. Runtii waa laba waddo oo aad u kala fog, oo midna matalayso, dib dhac iyo luufluuf, midda kalana ay matalayso, barwaaqo iyo horumar bulsho oo aad u wayn.

Waxaa kale oo aan arki karnaa- marka loo eego nolosha runta ah ee aan ku noolnahay waxa qabiilku yahay iyo waxa uu ina dhaxalsiiyay, iyo sida ay u nool yihiin dawladaha kale ee adduunka aan qabiilka ku dhisnayn. Haddii aan marna la is waafajin Karin, qabiil iyo qaran ma kala dooran karnaa? Haddii aan kala dooran wayno, waxay u dhigantaa dhibta aan hadda ku sugannahay oo sii socota. Laakiin haddii aan kala doorano oo aan dawladnimada doorano waxay u dhigantaa in waxuun inaga haraan oo dadka danbe oo dib ka imaan doona ay kuwa hadda jooga dhaamaan. Marna isma gali karaan, ismana keeni karaan qabiil iyo qaran. Xisaab iyo afkaar qabiil ku dhisan iyo dawladnimo iyo xeer la raaco isma keeni karaan.

W/Q Sheekh C/raxmaan Jabriil