Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kabo-caseeye (1979) Abwaan Gaariye.

GaariyeKABO-CASEEYE(1979) Abwaan Gaariye.

Maansadaan ayaa ka hadlaysa wiil kabo-caseeye ah,oo aan Ceel-gaabta Muqdisho galab kula kulmay.Isaga oo i shaxaadaya ayaa dabayl dhabatay oogadiisa maradii ka fayday.Waxaan halacsaday boogo wada caabuqay oo kor iyo kal jidhkiisa qari-yey,iyo dooryaan ku soo hoobanaya oo uu gamcaha ku didinayo. Aniga oo yaabban ayaa mise waa gaadhi shabagle ah oo askari ka buuxdo.Durba wiilkii yaraa bay, intay sidii kubbaddda malaaseen, baabuurkii guradiisii ku tuureen oo la galbadeen. Markaan u sii dhabbo-galayna waxaan ogaaday in amar lagu bixiyey in carruuta dib-jirka ah magaalada laga ururiyo.Si aanay u arag wufuudda shisheeyaha ah ee Xamar u imanaysa xuska “Sannadkii Carruurta Dunida”.

Wuxuu ku billaabay Abwaanka:

Waa curub abaadday;
Waa laan cusayb ah
Oo ciiro fuushay;
Curdin weeye qaadhay;
Waa cudur jidh yeeshay;
Waa baahi cago leh;
Waa ciil dad-weyne
Canug laga sameeyey.

Caynkuu u eeg yey
Carrab laguma koobo;
Waa caato miiqan
Oo caday ka dhuuban.

Waa ciirsi-laawe;
Waa kabo-caseeye
Ceel-gaabta jooga.

Waa caado-goys yar;
Ma yaqaan cisaynta
Qofna kama cabsoodo;
Waa cadho gadhoodhay.

Casar buu agtayda,
Isagoo cagaagan
Oo caano-waaye
Baatrool cabbaaya,
Anoon caanad haysan
Kaga cawday gaajo;
Oo aanan caawin.

Sidii ruux canaaday
Goortuu cabbaar yar
Isha igu canaantay,
Waxa caratay siigo
calooshiisa qaawan
Markii ay ku ciirtay
Masraxii cadaabta
Oo car iyo bay la’
Calalkii ka fayday;
kana curatay sheeko.

Cayayaanki fiirshay
Cartanaw boggiisa
Boogaha cunaayey.

Dukhsi aad col mooddo
Oon cadad lahayni,
Caabuqi korkiisa
Durba caasha saare.

Carcartiyo kulaylka
Kokuu caydhshu guuto
Cutub soo hor yeelay.

Anna camal-wareeray;
Caal-waa daraadi
Ciddiyaha qaniinay.

Waxna cirirka gaaxday
Igu sii cusleeyey,
Cagiduu dhaqaaqay
Ciidan baa taxaabay;
Lagu yidhi ciyaalka
Cid dar yeesha haysan
Ee aragga cawlan,
Si na loogu caayin
Ku cabbeeya gaadhi.

Sababtoo ah caawa,
Waxa yimi Curuuba
Dhawr wafdoo caddaan ah
Iyo qaar Ciraaq ah;
Oo Cabbaas i leeyey
Waxa loo casuumay
Sannadkii carruurta.