Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MABDA’ IYO MASLAXO

OmarUstaad Cumar ayaa ka maansoonaya “Mab’da iyo Maslaxo”, oo ah labo erayo oo micno weyn ku fadhiya, falsafad ahaanna ay dood ka taagan tahay, inay kulmi kafraan iyo in kale. Sheeko masraxeedkan uu maasada ku waariyey Dajiruhu. Ustaadka ayaa ah qof Ilaah ku manneystay aqoon baaxad leh oo kasmooyinka nolosha ah iyo hoodo suugaan yahannimo.

 

Churchill baa subax toosey

Oo siyaasad indheeyey
Si uu Naazi u saaro
Yurub ooga sifeeyo
Saxibuu uga baahdey
La saanqaado adduunka
Garab siiya dagaalka
Hitlar seero u yeelo
Intun saaban dalkiisa
Sunta uu ku afuufin
Wixi uu gadh salaaxoo
Gurigiisa dhax seeroo
Sigaarkiisi madoobaa
Kolba uu afka saaro
Qiiqa uu san ka daayo
Sofiyed inu aadoo
Staalin la saftaayoo
Saxib uu ka dhigtaabey
Sarmaweydo u sheegtey
Marki ay dad saluugeen
Oy saxaafad horseedey
Ku badsheen su’ashiibuu
Sidan oogu jawaabey:
Si aan seefta u qaatoo
Hitlar aan sur u gooyo
Sheydaanbaan sad la qeybsan
Saaka aan la quraacan
Saaxiibkeyga ka yeelan

Obaamaa sidi yeeloo
Dhacdadii sabankaasee
Madaxeyga ku saabneyd
I xasuusiyey saaka
Marki uu siq habeenki
Subaxdoonan caddaanin
Bambka saad uga yeeley
Kuwi uu la safnaayee
Sanadkii ina dhaafey
Suuriyey la dagaaliye
Hubka siiya dhahaayey

Sumad laay wa siyaaso
Mabda’ii ka sal guurtey
Danahey la sabbeynoo
Saaxibkeedi darraatey
Solataa hilibkiisoy
Saheydeeda ka yeelan.

Danjire; Cumar Idriis

6/11/2014