Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladaha Fashilmay: Soomaaliya iyo Liibiya (Tusaaleyn)!!!!

IMG_0612Umadaha fashilmay waxay leeyahiin dhaqan u gooni ah, mana rumaysanaysid  in umadi heerkaa dugaagnimada iyo gunnimada ah ay u dhaadhacayso, illaa uu fashalku ku soo booqdo. Ciraaq oo ahayd dowlad laga haybaysto, isla markaana ku taagnayd raad xaddaarado dunida laga yaqaanno, ayaa maalindii ay Ciidamada Maraykanka soo galeen Bagdaad, waxaanu indhahayaga ku daawannay dadweyne tunka ku sita qalabkii Matxafka, Buugaagtii Maktabadda Qaraamiga ahayd iyo agab xafiiseedkii dowladda. Maalintaa ka hor, waxaan moodi jiray in dhaqankaa gaar u yahay gunta aan ka dhashay ee Soomaaliyeed.

Maanta Soomaaliya, maadaama ay uga horraysay balaayada umadaha kale, iyada ayaa ugu rajo badan inay ku soo laabato tubtii dowladnimo, waana markii la garab dhigo kuwa hadda xamaasaddu u siddo hoygii aan ku ajarmannay, sida Ciraaq, Liibiya, Suuriya iyo Yemen. Maanta Soomaaliya waxaa ka jiro nabad gelyo beeleedyo, taana horaanba dhibku ma ahayn, ee dhibku waxuu ahaa, sidii lagu hanan lahaa dowlad qaran oo Soomaali wada-matasha, waana hal-xiraalaha garashada u baahan.

Maanta doodaha ay Soomaalida wadaagto, waa u dhaadhaamin dowladda dhexe iyo wiiqidda higsiga qarannimo, waana doodo aad mooddo in badankood, la isku waafaqsan yahay, inkasta oo aan aaminsanahay in doodahaa aysan gaarsiisanayn heerka balaayada ina haaysata, ayna yahiin dhalaweel aanan dhumuc lahayn. Waxaana hubaa inaan la helayn, dood-wadaag dhab ah oo u xaqsoora, kuwa ku hawlan hawsha qaran, illaa la barbar-dhigo kuwa dhiggooda ah ee u taliya umadaha fashilmay.

Liibya, tagiddii Qaadaafi kadib, waxaa ka dillaacay fad-qalal iyo fawdo. Waa waddan ay u burqanayaan ceelal shidaal, dhan dhaqaalena welwel ka taagnayn. Sidaa ooy tahay, xaaladda ammaan way ka sii dartay, illaa maanta aanu aragnay, nin rayid ah oo bililiqaystay diyaarad dagaal, oo ku rartay gaari dibille (Xamuul) ah.

Waxaa dowladda dhexe, lagu haaystay in muddo ahba inaysan waxba ka qaban ammaanka, waxaanu ku xiiqnay dood ah in dowladdan oo kale aysan dunidaba ka jirin!!!!.  Ma garan karno in dowladda Soomaaliya ay la tacaalayso balaayada ragaadisay umaddan, mana garan karno inuu jiro isbaddalka dhanka dowlad wanaagga ah, inaan labo samayno mooyee;

1-Inaan had iyo jeer xaalka maanta aan garab dhigno xaaladdii shalay & 2-Inaan dowladda ku jijiminno dowladaha fashilmay ee ay suttida maanta u hayaan kuwa carbeed een kor ku xusnay.

Tusaale1; Liibiya oo goor dhaw ku soo biirtay naadiga umadaha fashilmay, waxaa ka dhacay intii ay jirtay dowladda Qadaafi dhaxashay dhawr arrimood oo burburinaysa dowladnimada, kana daran waxa ka dhacaya Soomaaliya;

b) Waxaa la qafaashay wasiirkii koobaad ee dalka, iyada oo –ugu danbayn-sii dayntiisa ay ka tashadeen labo qabiil, gartan kadibna lagu sii daayay shuruudo la isku afgartay.

t) Waxaa la qabtay kala fadhi Baarlamaan oo aan xeerka (Sharciga) waafaqsanayn, u dhamaystirnayn tiradii loo baahnaa. Waxaa lagu riday wasiirkii koobaad si sharci darro ah, waxaana lagu doortay wasiir koobaad oo cusub, si markale sharci darro ah. Waxaa ugu yaab badnayd, markii uu Wasiirkii koobaad ee la doortay u baxay Maalta, oo u aaday socdaal qaran, halkaana uu ku goostay, isuna dhiibay qaxootinnimo.

Soomaaliya, hadda xaaladahaa kama dhicin muddadii ay jirtay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Maanta Soomaaliya ma haaysanno dowlad la mucaarado ama la dhaleeceeyo, oo heerkaa maba gaarin dowladda curdunka ah, dowladda dhisanna uma babac dhigi karto dagaal gudaha ah, oo aloosnaa dhawr iyo labaatan sano, waddankana waxba kama jiraan, see waxii jira ayaa la sii hagaajiyaaye. Waxaanu wada ognahay sida dowladda Soomaaliya ku timid, qaabka lagu dhisay, xeerinta iyo salaaxa, sidaa darteed, waxaa la yaab  leh inaanu ula xisaabtanno sidii dowladda Biritishka oo kale ama halkii aan ku tabacnay gallay aanu ka sugno malab. Waxaan ula-jeeda qaabka xiskinta qabiileed 4.5 ee lagu yegleeyay Soomaalida cusub.

Qoraalkani ujeedkiisu ma aha in diidayo hagaajinta iyo isbaddalka, waana tan aan u ololeeyo una noolahay, balse, waxuu soo bandhigayaa fikrad la xiriirta xaaladda dhabta ah iyo barbardhig, si loo garto, dhanka kale, waxuu na siinayaa, dhinac kale oo aan ka eegno xaaladda Soomaaliya, oo aan ka ahayn dhaleecaynta iyo buun afuufka. Taageerada dowladnimada, ama aha taageero xukuumad iyo dad gaar ah ee hadaf loo baahan yahay inuu u noolaado xaqiijintiisa qof kasta oo Soomaali oo xilligaan nool, waana inaan kala qaadnaa diidista qof gaar ah iyo ilaalinta kaabadaha qarannimada.

Sidaa ayuuna qaran soomaaliyeed ku soo laaban karaa.

WQ C/raxiim Shaafici