Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gabayga: Gaashaan

aminaGaashaan!!!

Gabaygan waxaan qoray bilowgii sanadkan subax uun baan ku arkay dhowr meeris oo rag dhalin yaro hal-abuur ah oo is sheeko yaqaan ay isku waydaarsanayaan Facebook. Waxaan ka xasuustaa “U garaabay gabadhaa ka timid Gediyo Hiiraane”.Mar hadii waxa laga hadlaayo qof dumara ay tahay dumarkuna ay yihiin beer qurux badan oo ragga ka wada dhaxaysa, xitaa haddaad aragto mid sunuq sunuq iyo si xun u socota in aanad waliba hab suugaaneed uga hadlin, waayo mid kula mida ayey hooyadii tahay ama walaashiise,  ayaan jeclaystay in aan hal abuur keena soo koraaya ku tusaaleeyo in ay jiraan mawaadiic aan la galin gar iyo gardarraba….Ila wadaaga tixdii aan ugu magac daray “Gaashaan”:-

Gabdhaheenna Soomaaliyeed waa gob iyo miide ‘
Gobollada aad soo sheegtay iyo Gediyo Hiiraanba’
Guduud badan waxaa laga helaa guudka loo dabaye ‘
Gogol iyo waxaa lagu baxshaa gole akhyaareedee’
Geel iyo gammaankii fardood ariga gaagaaban’
Go’ shaaliyo xariir laga sidaa lagu guddoomaayee..

Gabadhaad xumaynayso ood golaha soo saartay.,
Ood tobanka geed marisay eed galinba meel taagtay,
Sharfkeedii aad goowracdaa gubay jirkeeygiiyee…,
Ma garaysni maandhoow halkaad gacan togaalayne’…..

Mashaariicda qaar aan la galin lagana geeraarin ,
Oo godob islaameed ku bada oo gafaa jira’e…,
Gaar ahaan walaashaa gobaad hooyadaa gacalo.,
Garka iyo wadnaha weeye iyo rubadda kuu gaara..
Sidee baad gantaal ula heshaa nabar wax gaarsiiya….

Guud ahaan haweenkoo dhan waa gacalo hooyaa e
Horaadadii ay kuu gaaxisiyo godolkii aad nuugtay..
Gaaddadiyo laabtiyo waxay guudka kugu qaaday…..
Guraddeeda sida awr hayina go,e ka doobyeeysay…
Garashada xilkeedii markay waajibkii gudatay….
Oo geedkii ay kula rabtiyo golihi aad joogto…..
Gablan talo aduuneey miyaad godob u soo dhiibtay …

Gefka iyo xumaan uma qalmaan Guullehay magane
Waa gashaanti geel laga baxshoo aqal la geeyaaye..
Waa garmaamadaad guursatiyo gaari qurux weyne…
Waa gabannadii aad dhashiyo Geelle hooyadiye’
Waa Gogol nabaadiino oo lagu gam’aayaaye’
Waa beero gacaltooyo iyo ubax guduud weyne,
Waa gaashaanka geesiga runta ah libin ku gaaraaye..
Doqon baan garaysane nin raga gacan ku taageeryee..

Amina Maxammed (Amow).