Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbaahinta Soomaalida iyo Wacaal la’aanteeda!

10477963_10152536510572953_1781777707_n-2Thomas Jefferson, oo ahaa madaxwaynihii seddaxaad ee Maraykanka ayaa laga weriyey inuu yiri “ Haddii la i kala doorransiiyo, xukuumad aan Saxaafad lahayn, iyo Saxaafad aan xukuumad lahayn, tan dambe ayaan doorran lahaa anigoon marna ka labalabyn”. Jefferson wuxuu sidaa u lahaa, wuxuu haleelsanaa muhiimmadda ay war-baahintu bulshada u leedahay, isagoo markaa halka ugu sarraysa ka soo qabtay, tibaaxayna in xitaa ay xukuumadda ka muhiimsantahay.
Waxaan hadalkan u soo xiganayaa, oo qoraalkayga ugu bilaabayaa, si aan isula ogolaanno, qiimaha waxa aan ka hadlayno halka uu gaarsiisanyahay iyo waxa uu bulshada ugu fadhiyo. Haddii markaa aad ila garatay, waxaan u gudbi doonnaa, sida qiimahaa ay war-baahintu ku kasban karto, haddiise aad ka mid tahay wiilasha iyo gabdhaha yaryar ee raadiyayaasha iyo qalimada dalqada dadka ka geliya, ilama garan doontid, YEELKAASE!!… Bal adigaa ila gartay iyo anigu aan horay usii kutubno, oo aan is waydiino, ugu horrayntaba, maxay tahay shaqada War-baahintu?. Ama aan sii yara dhuudhuubo, oo aan iraahdo maxay tahay shaqada Weriyuhu,? si aan toobiyaha saxda ah u qaado, oo aan u abbaaro halka aan rabo.
Joseph B. Treaster, oo ah Weriye ruug-caddaa ah wuxuu qabaa, in qofka weriyaha ah uu boqolaal howl bulshadiisa u qaban karo, wuxuu u shaqayn karaa ayuu leeyahay, sida sarkaal Booliis ah oo kale, ama qareen, marna wuxuu u shaqayn karaa, sida kan dabdamisaka oo kale, ama askariga soohdimaha wadanka ilaaliya… Taasoo ay ku jirto qiimaha dhabta ah ee weriyanimadu.. Innaguse hadda uma baahnin in aan shaqooyinkaa oo dhan halkan uga faalloono, kaliya waxaan soo qaadanaynaa laba ka mid ah shaqada War-baahinta oo kala ah, WAR-SIIN, IYO WAX-BARID, dabadeedna is waydiin doonnaa sida, war-baahinta iyo weriyayaasha Soomaalidu u maareeyaan.
Tan hore haddii aan ku hor marno, Soomaalidu waa tay tiraa, “ War helaaba tala hela”. Markaa waxaanu dhammaanteen garan karnaa lagama-maarmaannimada in qofku ka war helo, dunida ku xeeran waxa ka dhacaya, howshaana waxaa laga sugayaa waa war-baahinta, ha yeeshee si warka bulshada la siinayo uu u noqdo mid in talo la hela keeni kara, waxaa laga maarmaan ah in arrima badani ay hir-galaan, waxaanse soo qaadanaynaa kuwooda ugu muhiimsan.
RUN AHAANSHO
Warka bulshada la siinayo waa inuu run ahaadaa oo xaqiiqda ku salaysnaadaa hadii kale wuxu noqonayaa lumin iyo ibtilayn loo bareeray, bal sheekooyinkan ila fiiri:-
Dhowr sano ka hor magaalada Muqdisho anigoo jooga, ayaa nin asxaabta ka mid ihi isoo talefooniyey, wuxuu igu casuumay, inaan kala qayb qaato furitaanka iskuul cusub oo uu magaalada bartameheeda ka furtay, dabadeedna daf ayaan soo iri oo u imi, waase kiiyo kaligii halkan qol yar dhex fadhiya, mara yar oo iskuulka magaciisa iyo dhowr taleefan oo aan kiisa ka aqaan hoosta kaga xardhanyihiin ay hor surantahay, Waydiiyey oo iri, oo meeday xafladdii furitaanka? Isagoonse wax badan ii sheegin, dhowr wiil iyo dhowr gabdhood oo dudaya hanna soo galeen! Saaxiibkayna ha bilaabo, inuu qudbad u aqriyo iyaguna duubtaan, wax yar kadibna Coosh yar loo qaybi oo way kala firxadeen. Habeenkii ugu yaraan 8 idaacadood ayaan ka maqlay warkii, iyadoo la leeyahay xaflad wayn oo iskuulkaa loo qabtay oo dad fara badani (Malaha jin baa joogay) ka soo qayb galeen ayaa halkaa lagu qabtay, welibana faallooyin fara badan oo been ah lagu daray!. Ka rog oo laba saar bal kanna arag!
Goob aalladda internetka laga isticmaalo, ayaan ugu soo galay midaan is naqaanno, oo idaacad caalami ah u shaqeeya, wuxuu i waydiiyey, haddii aan ka caawin karo siduu internetka ugu heli lahaa, cod Dameer iyo la,aanteed, isagoo ii sheegay inuu diyaarinayo, war ka hadlaya, xaaladda beeralayda, degmada Afgooye, welibana wuxuu iga codsaday, haddii ay suurta gal ii tahay in aan jilo qof,beeralay reer Afgooye ah, innagoo Muqdisha joogna!! warkiina la dir innagoon meelahaa dhaafin.
Labada tusaale ee sare, iyo kuwa badan oo aad adigu ogtahay, waxay noo sheegayaan sida weriyayaasha (Haddiiba loogu yeeri karo) Soomaalidu ay baaska ummadda ugu walaaqaan.
DHEXDHEXAADNIMO
Weli maanan arag, warbaahin Soomaaliyi leedahay, oo dhexdhexaad ah, haku xirnaato, qolo, koox, ama maslaxade, inta badanna weriyayaasha Soomaalidu waxay isku qaldaan aragtidooda qof ahaaneed iyo dhacdada uu soo gudbinayo taasoo warka ka saaraysa war ahaanshihiisa, bal tusaalahan isha mari:>
DAGAAL QARAAR AYAA REER “X” IYO REER “Y” KU DHEX MARAY DEGAAN HEBEL, WAXAA LA OGYAHAY IN REER “X” AYSAN WAQTIGAN LA JOOGO REER “Y” ISKA CELIN KARIN, IYADOO LA FILAYO SAACADAHA SOO SOCDA IN REER “X” HILFAHA LOO QAADO!. Hadalkan inta hore waa war oo waa wax dhacay, oo labada beelood way is dagaaleen oo degaanka la sheegay ayey isku fara saareen, inta dambesa waa sida uu weriya xumuhu jecelyahay, taasoo qodobkii dhexdhexaadnimada ka saartay meesha.
HA XAD-GUDBIN
Ka sheekaynta nolosha gaarka ah ee dadka iyo caydoodu maahan war, in kastoo dadka qaar inay rabaan laga yaabo, haddana qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu ku noolaado nolol deggan, anshaxa saxaafaddunu waxuu ku dhisanyahay “XORRIYADDAADU WAXAY KU IDLAATAA HALKA XORRIYADDA QOFKA KALE KA BILAABATO”. Markaa uma baahnid hadda inaan tusaale kaa siiyo, illaa intee ayey weriya isku sheegyada soomaalidu ku xad-gudbaan dadka, iyagoo nooga dhigaya inay war noo soo gudbinayaan.
GOORMAY TAHAY INAAN LA FAAFIN
Adigoo war sax ah haya, dhan kastana ka wacan ayey hadana noqon kartaa inaadan warkaa faafin, oo aad iska qariso, sababo la xiriira ammaanka bulshada iyo deganaanta noloshooda. Tusaalahan bal eeg, waraysiyadaani miyey ahaayeen bal in la faafiyo?
Weriya isku sheeg ayaa waraystay hogaamiye ka soo jeeda mid ka mid ah beelihii walaalaha ahaa ee isku dagaalay gobolka Shabeelaha hoose, wuxuu ka raaraadiyey xumaan oo dhan intuu ka keeni karay, isaguna afkuu iska furtay oo sheegay inay dhegta dhiigga u darayaan qolada kale kana saarayaan meesha, FARIID! Mid kalaa isna la waraystay oo isna dhanka kale kasoo jeeda sidii iyo ka daran u hadal, labadii waraysina waa la faafiyey, dabadeed waxay faleen fale!
Intaa waxaan ku dhaafaynaa qaar ka mid qodobada taabanaya si warku u noqdo war dheelli tirin, iyadoo aanay suurto gal noo ahayn inana halkan uga wada hadalno, waxaanan u gudbaynaa qodobkii labaad ee howsha weriyaha/War-baahinta, kaasoo ahaa waxbarid.
Will Rogers, oo ahaa jilaa iyo suxufi caan ah wuxuu leeyahay “ GEBI AHAAN WAXA AAN AQOON LEEYAHAY WAXAAN KA HELAY AQRINTA JOORNAALADA” taasoo na tusaysa in war-baahintu ay tahay meel oqoon laga kasbado, marka si taasi u hirgasho, qolooyinka ka shaqaynaya warbaahinta maxaa looga baahanyahay? Kuweenuse xaggey ka joogaan?
AQOON GAAR AHAANEED
Waxaa loo jeedaa weriyuhu waa inuu si gaara waxa uu ka shaqaynayo u yaqaan, aqoon wanaagsanna u leeyahay cilmiga war-baahinta, si uu bulshada howl wanaagsan ugu qabto, wayse iska caddahay annaga dhankeena oo horay ayaan uga soo hadalnay aqoon darrida ka jirta dhankaas.
AQOON GUUD
Jariidadda The Washington Post iyadoo, ka faalloonaysa aqoonta weriyaha wayn ee Robert D. Kaplan, waxay qortay sidan.. “ IYADOO WASHINGTON AY LA BUUX DHAAFTAY WERIYAYAAL WAR KA RAADINAYA MILATERIGA, AYEY MILATERIGU KAPLAN WAR KA RAADIYAAN” taasoo ku tusaysa aqoonta, weriyahaasi uu leeyahay heer, milateriga wadanku ay macluumaad kasoo raadiyaan. Innaga dhankeenase weriyayaashu waxay kala saari waayaan magacyada magaalooyinka wadanka, xitaa waxay isku qaldaan magacyada siyaasiyiinta iyo dadka maalin waliba ay la maacaamiloodaan. Si kastaba qoraal laguma koobi karo, muhiimadda war-baahinta iyo kaalinta ay nolosha bulshada ka ciyaarto, halkanna kuma soo koobi karno gaabiska kuwa taayada gacanta ku haya, ha yeeshee, waxaan ku soo gunaanadayaa, oo talo gaaban iga ah, in cid kasta oo wax ka gaysan karta ay u istaagto tayeynta war-baahinteenna .
Mahdi Xaashi.