Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Markaynu Diinta Siyaasadaynay!

1239788_625942807427429_507143495_a-e1403195138649Maanta waxa ka dhacaya dunida muslimka waa wax dhakafaar ku ridaya inta miyirka qabta, waaba hadday jiraane. Waxa ka socda gees illaa ka gees waxa lagu tilmaami karaa uun ‘cadaabtii oo ifka la keenay’. Laakiin wax walba sabab ayay leeyihiin. Marka xaaladdu calawdana dadku waxay la soo baxaan dhaqan waalli ah iyo is eedayn joogta ah. Aragtidaydu kama duwana boqolaalka aragtiyood ee la is dhaafsado ee dhammaantood ku dhamaada far fiiq iyo is eedaynta joogtada ah waayo ma miyir qabno balse waxaan diiradda saarayaa marka aynu diinta islaamka ku walaaqno dano shaqsi, reer ama xarako gaar ah natiijada ka dhalata.

Labada shay waa Diinta iyo Siyaasadda oo aynu kala fahamno waxay innaga xallinaysaa ugu yaraan inaan u helno dhabbe lagu xalliyo mushkiladaha is biirsaday. Siyaasaddu , sida la isla wada ogol yahay, waa maaraynta arrimaha dunawiga ah oo badidood aynaan aakhiro u baahnayn halka diintu aad uga gun iyo baaxadba weyntahay siyaasadda. Diintu waxay aas aas u tahay waxyaabo badan oo siyaasaddu xitaa ka hadli karin. Siyaasaddu waa wax la xiriira aragti aadane oo is badbadalaysa, waxaana dhacda in mararka qaarkood ay waafaqdo diinta mararka qaarkoodna ay ka hortimaaddo. Tusaale: cilmiga iyo teknoolajitada tayada sare leh ee maanta dunida taal laguma helo bilaash iyo baryo toona. Waddanka ku siinayana dano badan buu kaa leeyahay oo qaarkood dhaawacayaan damiirka iyo diinta, si danahaa loo gaaro siyaasigu wuxuu qaataa go’aamo liddi ku ah diinta.

Siyaasaddu waxay ilaashataa ama daba socotaa maslaxad gaar ah waxayna kulmisaa, saaxiibo siyaasadeedna ka dhigtaa kuwa kala diin iyo deegaan ah, waxayna iska hor keentaa kuwa isku diin ah, mararka qaarkoodna diin, dhaqan iyo afba wadaaga. Mushkiladda wayni waxa ay ka taagan tahay sidii la isu fahamsiin lahaa diinta iyo maslaxadaha siyaasaddu garwadeen ka tahay ee ka hor imanaya diinta. Siyaasaddu waa in ay diinta u adeegtaa ee ma ahan in diintu noqoto aalad siyaasadda u adeegta! Maanta dunida waxa ka dhacaya waa diintii oo laga dhigay aalad lagu adeegto si loogu gaaro dano siyaasadeed oo u gaar ah shaqsi, qoys ama koox dadka ka summad duwan. Bal dhacdooyinkan ila dhuux. Maalin dhaweyd Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamud ayaa ka qayb galay caleema saarkii Madaxweynaha ama Fircoonka(1) Masar Jeneraal Cabdelfataax Sisi. Waxaa af’ labadi yeeray Ikhwaanul muslimiinka Soomaaliya( Al Islaax).

Sida cad ikhwaanku waxaa dhankooda isku mid ka ah diinta Islaamka iyo xarakadooda oo qofkii xarakadooda ku xadgudbay wuxuu ka dhigan yahay qof diinta dembi weyn ka galay! Waxay meesha ka saareen in Xasan Sh Maxamud uu madaxweyne u yahay malaayiin soomaali ah, muslimiin ah aanse ikhwaan ahayn. Ikhwaanka in dhib weyn loo gaystey shaki kuma jiro laakiin dhibta loo geystay waa dhib siyaasadeed ee mid caqiido ma ahan. Fagaaraha ay tageenna faataxo lagama akhrinayn. Muslimiinta oo siyaasad isku dishana wax ay iyagu bilaabeen ma ahan bal e qarnigii koobaad ee islaamka ismaandhaaf siyaasadeed oo qaybiyey midnimadii ummadda ayaa dhacay welina socda.

Laga soo bilaabo dagaalkii qaboobaa hogaamada siyaasadeed ee carabta iyo muslimiinta kalaba waxay kala ahaayeen keli-taliyayaal xukuma jamhuuriyado kuna xiran shuuciyadda iyo boqorro kuraastooda ka ilaashanayey qawmiyiintaa oo ka hoos galay reer galbeedka. Waxaa weheliyey dhaqdhaqaaqii dhallinyarada ee ikhwanul muslimiin ee uu aas aasay Xasan Albannaa(AUN). Ikhwaanku waxay markiiba khatar ku noqdeen kelitaliyayaashii, boqorraduna waxay u arkeen fursad ay ku sumcad tiraan qawmiyiinta carbeed. Ikhwaanka oo ka soo cararay kelitaliyayaasha ayaa saldhigtay waddamada khaliijka barnaamijyadoodii siyaasadeedna diimeeyey. Waa la ogaa gulufkii ay bilaabeen iyo wiilashii ay qiiro geliyeen illaa ay soo baxeen kuwan afka duuban ee cid af garan karta la waayey.

Siyaasaddu dan joogta ah bay leedahaye saaxiib joogta ah ma leh. Maanta waxaa ikhwaanka si wadajir ah u ugaarsanaya boqorradii shalay biyaha iyo caanaha siinayey iyo askartii horay u cadaabi jirtey tusaalana waxa inooga filan Sisi iyo boqorrada garab taagan. Danaha is diidan ee siyaasaddu garwadeen ka tahay waxaa tusaale inoogu filan shaxda isgoynaysa ee bariga dhexe maanta ka taagan. Sunni iyo Shiica baa la isu gumaadayaa Ciraaq iyo Suuriya laakiin Falastiin(Xamaas) iyo Lubnaan( Xisbullaah) Sunni iyo Shiica ayaa isku garab ah! Iiraan iyo Sacuudigu meelaha qaar waa isku cadaw meelaha qaarna waa isku dan. Muuqaalkaa siyaasadeed waxa uu maanta ka socdaa meel kasta oo muslimiintu degaan. Soomaaliya, Afghanistan, Mali iyo waddamo badan waxay masrax u noqdeen danaha siyaaaadeed ee is diidan ee xididkoodu ku dhamaado Aqalka Cad iyo Kereminiilka.

Horraantii todobaatameeyadii, waa markii carabtu shidaalka xiratay, ayaa siyaasi maraykan ah laga hayaa ” Boqorrada khaliijku waa in ay kordhiyaan soo saarista shidaalka waayo shidaalka waxaa adeegsada diyaaradaha maraykanka ee la diriraya shuuciyiinta Vietnam, haddii shuuciyuuntu guulaystaan boqortooyadiinu ma jiro doonto” (2). Oo tolow dameeraha Sucuudiga iyo Vietnam ma is gaaraan???Nasiib darro xanuunka ugu daran waa marka siyaasadahaas saldanadaha iyo nacfiga lagu ilaashanayo la huwiyo diin oo dadku kala garan waayaan diinta iyo siyaasadda diintana ka dhigaan aalad lagu gaaro dano siyaaaadeed.

Burhan Ali

e-mail:burhaan1999@yahoo.co.uk ————————————

1- Fircoon halkan waxaan ugala jeedaa darajo siyaasadeed sida boqor, madaxweyne…iwm. Masar waxaa soo xukumi jirey fircoono badan inkastoo uu ugu caansan yahay fircoonkii la waqti ahaa nabi Muuse NNKH.

2- Henry Kissinger Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Maraykanka xilligii madaxweyne Nixon.