Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Muranka Soo Dayra

aminaDood iyo khilaaf iyo madax dagaalaysa baa runtii na daashaday,waxaan tiriyay tix aan ugu magac daray “Muranka Soo Dayra”.

In kasta oo ay adagtahay soo celin nidaam iyo dowladnimo burburtay, haddana waxaan qabaa in daganaasho siyaasadeed u yahay udub dhaxaadka, taa oo keenaysa in laga fikiro, dadaalna lagu bixiyo horumarinta ee aan waqti ku lumin is-qabqabsi iyo haaysasho. Waa kan gabaygii ee guddoon wacan:

Dood iyo khilaaf baad qalbigii nooga dumiseenee,
Dacatiyo waxaad nagu fasheen nabaro diimoonee ,
Waqtiina waa naga disheen muran daraadiisee….,
Duruufaha miyey daan arkayn shacabkan diifaysan ,
Miyey daan damiir naxa lahayn Daa,imkay magane ,
……….
Nabad baan dareemaynay iyo dib u heshiisiinee,
Dadka iyo dalkoo wada jiroo ul iyo diirkeedaa… ,
Daryeel baan sugaynaye maxaa dooda soo celiyey,
Miyey daan damiir naxa lahayn Daa,imkay maganee,
……………..
Mas,uuliyad inaad doonatood daalibtood hanato,
Waa dacar qaraar iyo Wallee mur iyo deebaaqee.,
Ruuxii dalxiis moodayoow waa Dab iyo Naare……,
Shacab aan ku soo dooran oo waliba kuu duuban…,
Oo Durbaaka kuu tumahayiyo daacadnimadiisa…,
Kitaabkaad darfa gooysay baa doow xun kaa ridiye.,
………….
Mahmah da,weyn iyo murtidu waa dawiyo kheyree ,
Caano daatay in la dabo qabtaa lagu dadaalaaye……,
Carrab labada daankiyo ilkuhu,ways yare duqeeyaane,
Dadku ways yar diidaa markii hawsha loo diro ee…
Dantu seeto weeyee misana dib u heshiiyaanee…,
Duqoow iyo garsoor loo xuliyo odayo duub weyn leh ,
Miyir iyo dulqaad baa khilaaf lagu daweeyaayee ,
…………….
Nin waliba docduu xigo shaqada waa mid loo dirayee,
Waa inaad daryeel kii sharciga doowga barataanee..,
Dowladnimadu saad mooday iyo ma aha deelqaafee ,
Dadweynuhu wuxuu doonayaa kala dambayntiiyee..,
Dastuurkiyo nidaamkeey bulshadu doorateey dhigatay ,
Dabbaqaad ayeey sugahayaan lagu dabiibaayee..,
Dood iyo khilaaf lama rabee muran ka soo dayraa…,
…………
Eebbow wax noo daran waxbaa nooga sii daranee ,
Cadaawaha docdiyo noo fadhiya aqal dayrkiisa…,
Oo dabacsanaanteenna iyo halista doonaayaa…,
Oo dacarta noo qooshayee dabinka noo qoola…,
Oo Dowladnimo buuxda iyo sharfta noo diidan….,
Iyo Daalin kuu soo diroo nagu dul meeraayaa…..,
Eebbow Adaa Daa,imee dagalka noo dhaafii,
Dalkayaga Alloow nooga Saar Daa,im baad tahaye,
……………….
Eebbow mid noo daacadaan kaa dalbanaynaayee ,
Dadka iyo dalkoo nabada baan kaa dalbanaynaayee ,
Daruur cafimaad oo da,daan kaa dalbanaynaayee ….,
Oo dunuubta naga mayrta baan kaa dalbanaynaayee ,
Dambi dhaaf Ilaahoow na sii Daa,im baad tahayee..,
Dadkayaga Allow noo midee Daa,im baad tahaye
Dal kayaga Alloow noo xasili Daa,im baad tahaye,
Diintayada Allow noo quwee Daa,im baad tahaye….

Aamina Maxamed (Amow).